29.9 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

Soomaalida Minnesota iyo R/W cusub

0

Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed, waxaa dhawaan loo magacaabay ra’isal wasaaraha cusub ee Soomaaliya, isagoo bedalaya ra’isal wasaarihii ugu horreeyey ee xilka qabta tan iyo markii Soomaaliya ay kumeel-gaarnimada ka baxday Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”.

Magacaabista ra’isal wasaaraha cusub ee Soomaaliya ee xilka la wareegay ayaa waxaa laga soo dhaweeyey meelo badan oo gudaha dalka iyo dibaddaba ah, waxaana meelaha sida weyn looga soo dhaweeyey ka mid ah gobolka Minnesota oo ay ku dhaqan tahay Soomaalida ugu badan ee Mareykanka ku nool.

Munaasibad si weyn qaban-qaabadeeda looga dareemayo guud ahaan deegaanada iyo xaafaddaha ay Soomaalidu ku badan tahay ayaa afarta bisha Janaayo ee sanadka cusub ee 2014-ka oo ku beegan sabtiga soo socda waxaa lagu qaban doonaa xarunta shirarka ee gobolka “Convention center”.

Madasha ayaa waxaa soo xaadiri-doona guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee gobolka ku dhaqan oo la filayo in goobtaaasi soo buux dhaafin doonaan iyagoo xiran hidaha iyo dhaqanka iyo waliba maryo loo ekaysiiyey calanka Soomaaliyeed ee buulugga ah.

Marka laga yimaado hambalyeynta, dardaaranka iyo hadallada siyaasadeed ee ku wajahan ra’isal wasaaraha cusub iyo mas’uuliyadda uu qabanayo, waxaa sidoo kale xafladu ay yeelan doontaa xiiso gaar ah, iyadoona ay wacdaro suugaaneed ku bandhigi-doonaan qaar badan oo ka mid ah fanaaniintii qaranka Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin Axmed Cali Cigaal, Cabdi Shire Jaamac “Jooqle” iyo kuwo da’da yar ee reer Minnesota.

“Reer Minnesota, waxaan ku wargelinayaa in ay nagu soo socoto munaasibad qaran oo aad u balaaran, waxaana leeyahay yaanan u kala harin ayididda iyo soo dhaweynta ra’isal wasaaraheena cusub Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed..maadaama reer Minnesota ay ahaayeen waligoodba dad kaalin muuqata ku leh isbeddal waliba oo dhinaca wanaagsan loo qaaday oo ku saabsan dalkeena hooyo ee Soomaaliya..hadaba yaanan u kala maqnaan habeen soo dhaweyn iyo fantasyo 4 January iyo Convention Center,” sidaasi waxaa dad weynaha kala dardaarmay Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebene oo xubin ka ah guddiga qaban-qaabada munaasibaddaan.

Maxamed Faarax Talyaani
Minneapolis, Minnesota
[email protected]

Dab xoogan oo ka kacay dalka Kenya

0

Dadhaaab (Caasimada Online) Dab xooggan oo khasaaro lixaad leh oo baabi’iyay hanti badan ayaa habeenkii xaley ka kacay suuq ku yaalla xerada qoxootiga Ifo ee gobalka waqooyi-bari Kenya.

Dabka ayaa billaawday siddeed saac habeenimo,xilligaas oo ay dadka inta badan ay hurdayeen, waxaana la sheegay in uu dhowr saac uu socday.

Qaar ka mid ah dadkii tagay goobta ayaa sheegay in dhammaan wixii hanti taalay suuqa ay baaba’een, waxaana ay intaas ku dareen in ay waayeen wax gurmad ah.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dab uu ka kaco suuq ku yaalla xerada IFO, waana markii labaad oo sannadkan uu dab ka kaco halkaas.

Ma cadda wax yaabaha sababa dabka soo laab laabta ee ka kaca suuqa IFO oo ka mid suuqyada ugu camiran gobalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Caruur mucjiso ah oo dhashay + Sawir

0

Muqdisho (Caasimada Online) Sida uu sheegay maamulka Isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir, waxaa isbitaalkaas ku dhashay labo carruur ah oo mid ka mid ah uusan lahayn madax, taasoo ah markii ugu horreysay oo takhaatiirta la kulmeen arrintaas.

Ilmahan yer ayaa ku dhashay meyd waxaana ay kala ahaayeen wiil iyo gabar sida ay noo sheegtay gabar ka mid ah gabdhaha kalkaaliyaasha ka ah Ibitaalka.

Hooyada dhashay ilmaha mataanaha ee meydka ayaa sheegtay in xaaladeeda caafimaad ay aad u wanaagsan tahay, waxaana ay muujisay in wax kasta ay ku dhacaan qaddar alle.

Mararka qaar dhulalka Soomaalida waxaa lagu arkaa arrimo mucjiso ah, balse allaha awooda leh ayaa wax kasta og, waxaana muslimiinta laga rabaa in ay ku sabraan.

Halkan hoose ka daawo sawirka carruurta mataanaha ee mid uu madaxa ka maqan yahay.

340

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Nabaddoon Garyare oo ka hadlay dilkii ganacsade Shuuke & xiisadda C/Waaq

0

Xiisado cabsi  dagaal leh ayaa caawa ka taagan dhamaan deegaanada ay wada degaan dad walaalo ah oo maanta dad iska dilay kadib markii maleeshiyo jidgooyo u taalay ay dileen ganacsade caan ka ahaa gobolada dhexe gaar ahaan  CABUDWAAQ.

Nabadoon Ibrahim Garyare oo ka mid ah nabadoonada Celi oo maanta yimid Cabudwaaq kadib geerida Shuuke Cagarog ayaa sheegay inay wax laga xumaado tahay dilalka noocan oo kale ah. Isagoona si gaar ah uga tacsiyeeyey geerida Shuuke oo maanta gelinkii danbe lagu aasay tuulada Dalsan oo uu isaga wax ka dhisay.

“Waa wax laga naxo geerida ganacsade Shuuke waxaana geystay mooryaan aan nabada ummada rabin” ayuu yiri Nabadoon Ibrahim Garyare oo la hadlayey warbaahinta k24.

Nabaddoon Ibraahim Garyare
Nabaddoon Ibraahim Garyare

Dhinaca kale waxaa uu ayaan-darro kale ku tilmaamay dilalka kale ee ka danbeeyey dhimashada Shuuke.  Waxaana uu sheegay in loo baahan yahay wadahadal ee aan loo baahneyn dagaal sokeeye in maanta la galo.

“Walaalkaasi dhintay ma qurux badneyn dilkiisa kadib in walaalo kake oo aan waliba aheyn kuwii danbiga geystay in loo dilo. Waxa ka dhacay deegaanka WAAL looma baahneyn”  ayuu yiri Nabadoon Ibrahim Garyare.

Sidoo kale waxaa uu ka digay abaabulada ka socda dhabad iyo Cabudwaaq kuwaasi oo salka ku haya isku hub urursi labada beelood ah. Taasi oo haddii aan la joojin wado u noqon karta dagaalo faraha ka baxa.

“Caabudwaaq iyo Dhabad midkasta waxaa ka socda abaabulo xiisadan la xiriira. Waxaana talo kusoo jeedinayaa abaabulkaasi dagaal in nabad lagu badelo”ayuu yiri Ibrahim Garyare.

Nabadoonkan ayaa ka mid ah raga magaca ku leh dadaalada nabadeed ee gobolada dhexe iyo deegaanka soomaalida Ethiopia halkaasi oo lagu arko isaga oo qeyv ka ah hishisiinta beelaha dirirtu ay dhexmarto.

Dhimashada ayaa illaa hada mareysa 4 qof oo uu ku jiro ganacsadihii xiisadu ka bilaabatay. Waxaana dhaawaca la sheegayaa inuu ku dhaw yahay 6.

Lama yaqaan sida xaal noqon doono inkastoo hadda dadaalo ay wadaan maamulka cabudwaq iyo odayaasha beesha Sade kuwaasi oo kulama la leh beelaha CELI iyo WAGARDHAC.

Magacyada Xildhibaannada cusub ee Puntland oo lagu dhawaaqay (Aqriso)

0

Garoowe (Caasimada Online) Sida uu goordhow noo soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Garoowe, waxaa lagu dhawaaqay xildhibaannada baarlamaanka maamulka Puntland, waxaana ay ka kooban  yihiin 66-xildhibaan kuwaasoo laga soo kala xulay gobalada uu ka arrimo maamulka Puntland.

Waxa ku dhawaaqay xildhibaannadan guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta baarlamaanka.

Goballada Bari,Karkaar iyo Gardufuu waxa ka socda

1:Siciid Maxamed Salaad Bari, Karkaar and Gardafuu
2:Egn.Jaamac Faarax Aadan Bari.Karkaar and Gardufuu
3:Maxamed Axmed Ibraahim Bari,Karkaar and Gardafuu
4:Maxamed Cimaan Xasan Bari,Karkaar and Gardafuu
5:Ayaanle Yuusuf Ismaaciil Bari,Karkaar and Gardafuu
6:Cabdicasiis Siciid Axmed(Gacameey) Bari,Karkaar and Gardafuu
7:Yuusuf Maxamed Axmed (Gaacshe) Bari,Karkaar and Gardafuu
8:Cabdirisaaq Siciid Aadan Bari,Karkaar and Gardafuu
9:Maxamed Maxamuud Ismaaciil Bari,Karkaar and Gardafuu
10:Cabdixamiid Shiikh Cabdisalaan Ciise Bari,Karkaar and Gardafuu
11:Maxamed Nuur Siciid Bari,Karkaar and Gardafuu
12:Ayaanle Galan Guuleed Bari,Karkaar and Gardafuu
13:Siciid Cali Maxamed Bari,Karkaar and Gardafuu
14:Mustafe Bille Maxamuud Bari,Karkaar and Gardafuu
15:Salaad Xareed Cali Bari,Karkaar and Gardafuu
16:Cabdiqafaar Cabdisalaan Shiikh Maxamuud. Bari,Karkaar and Gardafuu
17:Siciid Shire Maxamed(Qaarcad) Bari,Karkaar and Gardafuu
18:Cabdiraxmaan Siciid Faarax. Bari,Karkaar and Gardafuu
19:Siciid Maxamed Cismaan Bari,Karkaar and Gardafuu
20:Xasan Xaaji Siciid Maxamuud. Bari,Karkaar and Gardafuu
21:Cabdirisaaq Muuse Maxamed. Bari,Karkaar and Gardafuu

Gobalka Nugaal waxaa ka socda

22:Cabdisalaan Xuseen Bootaan.Nugaal
23:Liibaan Cabdilaahi Ow-Cabdi.Nugaal
24:Siciid Cabdi Samater Nugaal
25:Maxmauud Faarax Warsame Nugaal
26:Cabdidaahir Siciid Ciise. Nugaal
27:Maxamed Faarax Nuux. Nugaal
28:Burhaan Aadan Ow.Cabdi. Nugaal
29:Cabdikariin Xuseen Guure. Nugaal
30:Siciid Xuseen Nuur. Nugaal

Goballada Sanaag iyo Halaan waxaa ka socda

31:Cismaan Dalmar Yuusuf. Sanaag iyo Halaan.
32:Cabdixamiid Maxamed Axmed Sanaag iyo Halaan.
33:Axmed Cali Xaashi. Sanaag iyo Halaan.
34:Maxamed Cali Guuleed. Sanaag iyo Halaan.
35:Abshir Siciid Saalax. Sanaag iyo Halaan.
36:Cabdiraxmaan Cali Jibriil. Sanaag iyo Halaan.
37:Siciid Xasan Shire. Sanaag iyo Halaan.
38:Siciid Daahir Qodax. Sanaag iyo Halaan.
39:Cumar Maxamed Irbad. Sanaag iyo Halaan.
40:Ismaaciil Cabdi Abtiile. Sanaag iyo Halaan.
41:Cabdi Siciid Kafad. Sanaag iyo Halaan.

Goballada Sool iyo Cayn waxaa ka socda

42:Saleeban Maxamed Cilmi. Sool iyo Cayn
43:Cabdul Cabdi Faarax . Sool iyo Cayn
44:Faarax Caydiid Casoowe. Sool iyo Cayn
45:Cabdirisaaq Jaamac Cabdibile. Sool iyo Cayn
46:Saadiq Abshir Garaad Maxamed. Sool iyo Cayn
47:Cali Jaamac Faarax. Sool iyo Cayn
48:Kayse Cawil Cali Boowe. Sool iyo Cayn
49:Aadan Xaaji Xuseen Ismaaciil. Sool iyo Cayn
50:Xariir Gaas Guutaale. Sool iyo Cayn
51:Maxamed Cabdilaahi Cilmi. Sool iyo Cayn
52:Xuseen Yaasiin X.Diiriye. Sool iyo Cayn
53:Axmed Maxamed Jibriil. Sool iyo Cayn
54:Faarax Sulub Jaamac. Sool iyo Cayn
55:Cali Axmed Cismaan. Sool iyo Cayn
56:Cumar X.Cabdi Ibraahim(Akabe) Sool iyo Cayn

Iyo Gobalka Mudug oo ay ka socdaan

57:Cabdirisaaq Yaasiin Cabdulle. Mudug.
58:Cabdirashiid Maxamed Xirsi. Mudug.
59:Raxmo Cabdixabiib Jaamac Mudug.
60:Cabdiqaadir Faarax Bootaan. Mudug.
61:Cabdixakiin Macalin Daahir: Mudug.
62:Axmed Jaamac Cabdulle. Mudug.
63:Nuuradiin Cabdirashiid Cali. Mudug.
64:Xasan Xaange Maxamed Faarax. Mudug.
65:Cali Jaamac Xasan. Mudug.
66:Maxamed Cabdi Warsame. Mudug.

Isku soo duub magacaabista xubnaha baarlamaanka Puntland ayaa ku soo beegmaysa iyadoo uu jirro khilaaf u dhexeeya isimada Puntland, kuwaasoo ahaa marjici, waxaana ay isku heestaan guddiga xallinta khilaafka ee uu magacaabay madaxweyne Faroole.

Deegannada Puntland waxaa si weyn looga diyaar garoobayaa qaban qaabada doorashada madaxtinnimada taasoo dhaceysa 8-da bisha Janaayo ee sannadka dambe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Ganacsade caan ahaa oo la dilay !!!!

0

Guriceel (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya gobalka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaas galabta lagu dilay ganacsade caan ah.

Ganacsadaha la dilay oo lagu magacaabi jiray Axmed Jaamac Cabdulle ayaa lagu dilay deeganka Dhabad, waxaana lala dilay qof kale.

Maamulka degmada Guriceel oo caawa la hadlay warbaahinta ayaa sheegay ganacsadahan in ay dileen kooxo hubeysan, waxaana la sheegayaa dilkiisa in uu la xiriiro aanooyin qabiil.

Deeganka lagu dilay ganacsadahan ayaa waxaa ka taagan caawa xiisad collaadeed, waxaana laga cabsi qabaa in ay ka dilaacaan dagaal beeleedyo.

Dilalka noocan oo kale ayaa ku soo noq noqda gobalada dalka Soomaaliya waxaana ka dhasha raad aad u xun iyo dagaallo aaan dhammaad lahayn

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Golaha wasiirada cusub oo xog dheeri ah ay kasoo baxday iyo xildhibaano…

0

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Isniin ah kulan ku yeeshay odayaal iyo wax garad kuwaasoo ka hadlay soo xulista golaha wasiiradda cusub ee Soomaaliya.

Waxa ay kulankooda ku soo bandhigeen xog ku saabsan dadka ugu badan ee araajida codsiga u gudbiyay ra’iisal wasaaraha cusub, kuwaasoo doonaya in ay ka mid noqdaan xubaha wasiiradda waxaana ay sheegeen in ugu badan yihiin xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Boqor Cabdi Faarax Guure oo u hadlay odayaasha kulanka ku yeeshay Muqdisho, ayaa warbaahinta u sheegay in ka badan 300 oo CV in loo gudbiyay xafiiska ra’iisal wasaaraha, kuwaasoo lagu doonayo xilal wasiiro ah, wuxuu ugu baaqay baarlamaanka in ay ra’iisal wasaaraha ka daayaan codsiyada fara badan.

“Ilaa hadda inta ognahay codsiyada loo gudbiyay ra’iisal wasaaraha in ay ka badan 300 waxaana ay u badan yihiin kuwa ka yimid xildhibaannada baarlamaanka, arrintaas waa ayaano daro qof xil haya haddana in uu xil kale doonayo, waa in fursad la siiyo dadka aqoonta leh ee xilkaas u qalma” ayuu yiri boqor Cabdi Faarax.

Dhinaca kale, odayaasha maanta ku shiray Muqdisho ayaa ra’iisal wasaaraha ka codsaday in uu soo dhiso xukuumad tayo fiican oo dalka iyo dadka wax u qaban karta.

Mar la weydiiyay boqorka sidda ay u arkaan haddii golaha wasiiradda lagu soo darro xubno horre uga tirsanaa xukuumadii Saacid.

Wuxuu sheegay in aysan diiddaneyn haddii lagu soo daro, waayo ayuu yiri kuwa fiican ayaa ku jiray, “Annaga xukuumad tayo leh oo wax ka qaban karta xaaladda dalka ayaan rabnaa” ayuu yiri.

Ugu dambeyn odayaasha maanta ku shiray Muqdisho waxa ay soo dhaweeyeen in xukuumadda cusub la ballaariyo oo ay iska arkaan dhammaan beelaha Soomaalida.

Si kastaba, hadalka odayaashan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan la filaayo in uu ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ku dhawaaqo golaha wasiiradiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

XOG: HABAR-GIDIR oo diiday Guuleed & kullan lagu kala dareeray, Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha Beesha Habargidir, ayaa waxa ay magaalada Muqdisho ku yeesheen kullan xasaasi oo lagu lafa guray xilka wasiirka ah ee beeshaas ay ka heleyso xukuumadda cusub iyo shaqsigii beesha u matali lahaa.

Kullanka ayaa waxaa qaban qaabiyey odayaal kasoo jeeda Jilibka Sacad, oo la sheegay inuu gadaal ka riixayey wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Kariim Xuseen Guuleed, oo taageero u raadinaya sidii uu mar kale xilkaas u heli lahaa.

Sida ilo xog ogaal ah ay u sheegeen Caasimada Online, Guuleed ayaa dareemaya inuu lumiyey taageerada beelaha kale ee Habar-Gidir iyo sidoo kale Soomaalida, xilli uu ka mid yahay wasiirada ugu wax-qabadka xun DF.

Dhammaan jilibyadii Habar-Gidir ee ka qeyb galay kullanka sida Cayr, Saleebaan iyo Saruur, ayaa la sheegay inay diideen in loo soo celiyo Guuleed.

Waxa ay ku doodeen in Guuleed uusan beeshaas iyo Soomaalida kaleba waxba u qaban.

Xubnihii Sacad, ayaa si aad ah isugu dayey inay taageero u helaan Guuleed, balse waxaa la sheegay in xubnihii beelaha kale ay diideen, kullankiina lagu kala dareeray.

Si kastaba, waxaa is weydiin muudan in diidmadooda ay wax saameyn ah yeelan karto, maadaama Guuleed uu saaxiib dhow la yahay madaxweynaha iyo Faarax Cabdul Qaadir, kana tirsan yahay kooxda xukunta dalka Somalia ee Damu-Jadiid?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DHAGEYSO: Guddoomiye Tarsan oo si xun u bahdilay Faysal Cali Waraabe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa weerar afka ah ku qaaday Faysal Cali Waraabe, oo ka mid ah siyaasiyiinta maamulka la magac baxay Somaliland ee dhaca waqooyiga dalka Somalia

Tarsan ayaa tixraacayey hadal uu dhowaan jeediyey Faysal Cali Waraabe oo uu kaga hadlay xaaladda Somalia iyo dagaal beeleedyo dhex maray beelo Soomaali ah.

Halkan hoose ka dhageyso hadalka Tarsan

031226_001

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Daawo: Muuqaalka Barre Hiiraale oo la helay muddo kadib isagoo booqday…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Col. Barre Aadan Shire Hiiraale, oo weli sheegta inuu yahay madaxweynaha Juntland, ayaa markii ugu horeysay muuqaalkiisa la helay, tan iyo markii dhowr bilood ka hor laga saaray magaalada Kismaayo, kadib dagaal uu la galay Axmed Madoobe.

Hiiraale oo xiliyadii u danbeeysay ku suganaa deegaanka Goobweeyn, ayaa waxa uu kormeer ku tagay dhul beereedka deegaanadaasi, halkaasi oo sawiro looga soo qaaday uu baahiyey website-ka rajonews.

Col. Barre, ayaa waxa uu la kulmay qaar kamid ah beeralayda deegaanka.

Barre ayaa la arkayay isaga oo cabitaanka qumbaha ka qaadanaya Wiilyar oo kamid ah beeralayda waxa uuna ku amaanay habka ay u jecelyihiin wax soo saarka.

Waxaa xusid mudan inaanay sawirrada ka muuqan wax ciidan ah oo la socda Barre Hiiraale, mana cadda haddii uu go’aansaday inaan ciidankiisa la sawirin iyo haddii xaalka si kale yahay

Halkan Hoose ka daawo sawirrada

hiiraale 1hiiraale 2hiiraale 3hiiraale 4hiiraale 5

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Dadkii ugu horreeyay ee K/Sudan laga soo daad gureeyey oo Xamar yimid

0

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa galabta soo gaaray 132 qof oo Soomaali ah kuwaasoo laga soo daad gureeyay dalka Koonfurta Sudan oo ay collaado ay ka alasoon tahay.

Dadkan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ka soo dajisay diyaarad ay dowladda Soomaaliya u kireysay, waxaana qaar kood oo saxaafadda la hadley ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan iyagoo nabad ah.

Waxa ay u mahadceliyeen dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Fawsiyo Yuusuf Xaaji Aadan  oo iyadu mas’uul ka ahayd in dadkan laga soo daad gureeyo Koonfurta Sudan.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya iyo qaar ka mid xil dhibaannada baarlamaanka oo soo dhaweeyay dadka maanta soo gaaray Muqdisho ayaa sheegay in dhammaan dadka ku xayiran dalka Koonfurta Sudan la soo daad gureen doono.

Waxaa la filayaa in maalinta berri ah la soo qaado Soomaali kale oo ku go’doonsan dalka Koonfurta Sudan oo muddo ku dhow bil ay ka socdaan dagaallo sokeeye.

Waa tallaabadii ugu horreysay oo dowladda Soomaaliya ay ku soo daad gureeneyso muwaadiinta uga go’doon san dalka ugu cusub adduunka ee Koonfurta Sudan.

In kastoo waddamo badan markii collaada billaabatay ay la baxeen muwaadiniintooda oo diyaarado ay ku daad gureeyeen haddana waxaa tallaabo fiican in kastoo Soomaali badan ay ku go’doomeen dagaalada kuwa kalena ay ku dhinteen.

Waxaa kaloo jirrta in goobihii ganacsiga Soomaalida Koonfurta Sudan la boobay oo ay qaateen kooxaha ku dagaalamaya dalka Koonfurta Sudan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Tallaabadii uu qaaday R/W Cabdi Weli oo si aad ah loo soo dhoweeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) Fanaaniinta Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay booqashasda uu dhawaan ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ugu tagay fanaanka caanka ah ee Cabdi Tahliil Warsame.

Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in tallaabadaas ay dhiirigalineyso fanaaniinta Soomaaliyeed oo u muuqda kuwa la iska ilaaway markii ay burburtay dowladii dhexe ee dalka.

Wuxuu sheegay in ra’iisal wasaaraha markii uu xafiiska la wareegay shaqada ugu horreysa ee uu qabtay ay ka mid ahayd in uu booqdo fanaanka Cabdi Tahliil Warsame oo ku xanuunsanaya magaalada.

Abwaab Cabdi Dhuux ayaa rajo fiican ka muujiyay in xukuumadda cusub ay wax u qaban doonto fanaaniinta Soomaaliyeed oo ku dhibaateesan dalka.

Wuxuu xusay in fanaaniinta ay diyaar u yihiin siddii ay ula shaqeen lahaayeen ra’iisal wasaaraha iyo xukuumada uu soo dhisaayo.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ballan qaaday in ay wax u qaban doonaan fanaanka Cabdi Tahliil Warsame oo ah fanaan heer qaran oo dalka oo dhan caan ka ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Qarax xooggan oo ka dhacay KENYA

0

Dhadhaab (Caasimada Online) Inta la ogyahay hal askari ayaa ku dhintay afar kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax miino oo maanta barqadii ka dhacay xerada qoxootiga Dhagaxleey ee gobalka Waqooyi-Bari Kenya.

Qaraxa ayaa lala eegtay baabuur ay la socdeen ciidamada ammaanka Kenya kuwaasoo galbinayay gaadid ay la socdeen hey’addaha gargaarka.

Qaraxa kaddib ciidamada ammanka Kenya ayaa howgallo ka sameeyay xaafadaha ay ka kooban tahay xerada qoxootiga Dhagaxleey ee dalka Kenya sidaas waxaa soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Nairobi.

Ma jirto ilaa hadda cid sheegatay qaraxa ka dhacay xeryaha qoxootiga Kenya, balse  waxaa sheegis mudan in wixii ka dambeeyay markii Kenya ay ciidamo u dirtay Soomaaliya in ay weerarro iyo qaraxyo ay ka dhaceen dalka Kenya.

Xeryaha qoxootiga Kenay waxa ay hooy u yihiin nus malyuun qoxooti Soomaali ah kuwaasoo ka soo cararay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka Soomaaliya

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Musharrixiinta PUNTLAND oo mar kale go’aan culus soo saaray maanta

0

Garoowe (Caasimada Online) Magaalada Garoowe waxaa maanta oo Isniin ah ku shiray qaar ka mid ah musharrixiinta u taagan doorashadda Puntland oo lagu wado in ay dhacdo 8-da bisha soo socota.

Waxa ay uga hadleen kulankooda qoddobo ay ka mid yihiin doorashadda in waqtigeeda ay ku dhacdo iyo madaxweyne Faroole joojiyo faragallinta uu ku hayo guddiga xallinta khilaafaadka.

Intaas kaddib markii uu shirka soo dhammaaday waxaa saxaafadda la hadlay Cali Xaaji Warsame oo ah afhayeenka musharrixiinta, wuxuuna sheegay in wixii dhibaato ah oo ka yimaada doorashadda uu mas’uul ka ahaan doono madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole.

Wuxuu sheegay oo kale in ay shaki ka qabaan qaabka ay u socoto xulista baarlamaanka, wuxuuna tilmaamay in wax kasta loo daayo guddiga marjiga oo ah isimada.

Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan go’aan dhawaan ay soo saareen isimada Puntaland balse waxa uu sheegay in codsanayaan in ay midoobaan isimada Puntland.

War-saxaafadeedka ka soo baxay shirka musharrixiinta ay maanta ku yeesheen magaalada Garoowe isagoo dhammeestiran halkan hoose ka eeg.

bayaanka

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

 

 

 

Ciidamada DF qarax lagu weeraray

0

Afgooye (Caasimada Online)Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaas maanta uu ka dhacay qarax miino oo lagu weeraray kolanyo ay la socdeen ciidamada dowladda.

Ugu yaraan seddax askari ayaa la xaqiijiya in ay ku dhimmatay qaraxa in ka badan shan kalena waa ay ku dhaawacmeen sida ay lee yihiin goobjoogayaal la hadlay warbaahinta.

Qaraxa ayaa sidoo kale wuxuu burburiyay baabuurka ay la socdeen ciidamada dowladda.

Qaraxa kaddib waxaa ciidamada dowladda ay howgallo ka sameeyeen goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana ay soo qabqabteen dhowr qof oo u badan dhallinyaro.

Dhinaca kale, degmada Kaaran ee magaalada Muqdisho waxaa maanta qarax lagu weeraray ciidamado dowladda ka tirsan, waxaana la sheegayaa in khasaaro  ay jiraan balse si cad ah looma oga.

Waxaa soo badanaya qaraxyada lala eeganayo ciidamada dowladda ee ku sugan goobaha ay dowladda ka arrimiso dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

B/WEYNE oo xaalku aan caadi ahayn

0

Beledweyne (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan uu ka socdo howgallo ballaaran oo ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Taliyaha ciidamada booliska gobalka Hiiraan, Korneel Maxamed Amiin oo saakay la hadlay wariyaasha ayaa sheegay in howgalkan uu daba socdo markii ay soo gaartay hey’addaha ammaanka iyo weerar is qarxin laga geesan rabo magaalada.

Wuxuu xusay taliyaha in howlgalka uu ku kooban yahay xaafadaha Kooshin iyo Xaawataako, waxaana la soo gabagabeen doonaa ayuu yiri 12-ka duhurnimo ee maanta.

Wariyaasha ku sugan magaalada Beledweyna ayaa sheegaya in howgalka ka socda saakay magaalada laga dareemay oo waxaa istaagay isku socodka dadka iyo gaadidka.

Waxaa xiran dhammaan goobaha ganacsiga iyo waxbarashada ee ku yaalla xaafadaha howgalka uu ka socdo.

Magaalada Beledweyne waxaa 12-kii bishan ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo lagu qaaday saldhigga booliska,waxaana ku dhintay  30 qof oo u badan ciidamada dowladda, wixii xilligaas ka dambeeyay ammaanka magaalada aad ayaa loo adkeeyay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

ETHIOPIA oo Soomaaliya ka codsatay hal arrin si ay xiriir cusub u yeeshaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) Dowladda Itoobiya ayaa Soomaalida ka codsatay in ay iska hilmaamaan khilaafkii colaadii dhex martay labada dal.

Danjiraha Itoobiya u fadhiya Muqdisho, Wondimu Asaminew oo maanta qada sharraf u sameeyay xubnihii ka qaybgalay xuska qowmiyadaha Itoobiya ee sannadkan lagu qabtay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya ayaa codsaday in xiriir cusub ay yeeshaan labada dal iyadoo la iska iloowayo wixii soo dhex maray labada dal.

Wuxuu xusay in diyaar u yihiin xiriir cusub oo dhexmara Soomaaliya iyo Ethiopia, waxaana uu ku celceliyay in dowladiisa ay gacan siin doonto dowladda iyo shacabka Soomaalida.

Danjiraha ayaa tilaamay in loo baahan yahay xiriir dhex mara labada shacab ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Qaar ka mid ah xildhabaannada joogay munaasabadda ayaa soo dhaweeyay hadalkii danjiraha Itoobiya waxaana ay ku baaqeen in la soo celiyo xiriirka labada xumaaday wixii ka dambeeyay dagaalkii 1977-kii.

Waa markii ugu horreysay oo safiirka Itoobiya Soomaaliya uu kulan la qaato qaybaha kala duwan ee bulshadda.

Itoobiya waxaa la sheegaa in ay galaangal ku lee yahay arrimaha siyasaadda Soomaaliya xilliga, waxaana waddamada safka horre ku jirra marka loo eego dalka gobalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

C/raxmaan Faroole oo maanta go’aan geesinimo leh ku dhawaaqay

0

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, waxaa maanta oo Axad ka dhacay kulan ay yeesheen madaxweynaha xilka uu ka dhammaanayo iyo madaxweynihii horre ee Maxamuud Xirsi Gen Cade Muuse.

Kulanka oo saxaafadda ay banaanka ka joogtay ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada Puntland waxaa kaloo ka qaybgalay sarkaal ka socday xafiiska UNSOM.

Markii uu soo dhammaaday waxaa shir jaraa’id qabtay madaxweyne Faroole iyo Cadde Muuse, ugu horreyn waxaa hadalka qaatay Nuurudiin Aadan diiriye, wuxuuna sheegay in labada oday ay ka hadleen siddii doorashada Puntland ay u noqoto mid xalaal ku dhacda iyo xafiiska UNSOM uu ka tageeri doono wax kasta oo ah dhinaca farsamada.

Kulan_dhexmaray_Jen_Cadde_&_Faroole_1

Wuxuu soo dhaweeyay dhammaan qoddobada looga hadlay kulanka iyo sida madaxweyne Faroole uu doonayo haddii loogu guuleesto xafiiska in uu sinabad galyo leh uu baneeyo.

Intaa kaddib waxaa isna hadlay madaxweynihii horre Puntland Cadde Muuse, wuxuuna sheegay in uu Faroole kala hadlay siddii loo taageeri lahaa doorashada cid kasta oo ku guuleesata.

Madaxweynaha Faroole Cabdiraxmaan Faroole, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu la kulmo maanta Cadde Muuse, wuxuu xusay in uu diyaar u yahay haddii doorashada looga guuleesto in uu xafiiska baneen doono.

Madaxweynuhu wuxuu tilaamay in doorashadda xilligeeda ay dhici doonto oo ah 8-da bisha Janaayo.

Labada nin ayaa ku kala aragti duwanaa qaabka doorashada ay ku dhaceyso, waxaana aan la ogeyn sida musharrixiinta u taagan doorashada Puntland ay u oggolaan doonaan qoddobada ay gaateen Cadde Muuse iyo Faroole.

Dhinaca kale, waxaa magaalada Garoowe kulan ku yeeshay Ismada Puntland kuwaasoo ka hadlay khilaafka u dhexeeya musharrixiinta iyo madaxweyne Faroole.

Ismada ayaa soo saaray war-murtiyeed ay uga hadlayaan kulanka ay ku yeesheen magaalada Garooe ee xarunta maamulka Puntland.

War-murtiyeedka waxaa saxaafadda ukhriyay Boqor Burhaan Boqor Muuse, wuxuuna sheegay qoddobada ay ku heshiiyeen in ay ka mid tahay doorashadda Puntland in ay dhacdo 8-da bisha Janaayo oo ah xilliga lagu ballaamay iyo xildhibaannada ka qaybgalaya baarlamaanka Puntland in aan la shaacin magacyadooda ilaa inta isimada marjaca ay ka kulmayaan.

Si kastaba, waxaa soo baxaya walaac laga muujinaayo in doorashadda Puntland ay hareyso muran iyo qabqabsi marka loo eego sida ay xaaladda tahay iminka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Gurri uu dagi lahaa taliye CIIDAMADA DF Somalia ka tirsan oo yaab dhaliyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) Ciidamada dowladda ayaa maanta oo Axad ah waxa ay miinooyin ka soo saareen gurri uu dagi lahaa taliyaha ciidamada wadooyinka ee Gen Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) kaasoo ku yaalla degmada Wadajir ee magaalada Muqidsho.

Miinooyinka ayaa la sheegay in la galiyay muddo dheer sida uu saxaafadda u sheegay Cali Gaab, wuxuuna intaas ku daray wax yeelo in aysan geesan.

Taliye Cali Gaab ayaa sheegay in lagu guuleestay in la qarxiyo miinooyinka laga helay gurriga uu ku dagayo degmada Wadajir.

Inta aan la qarxin miinooyinka waxaa goobta laga fogeeyay dadkii ku sugnaa iyadoo la xiray wadooyinka soo gala gurriga taliyaha uu dagaayo.

Wax saameen ah kuma yeelan dhaqdhaqaaqii dadka iyo gaadidka inta miinooyinka la qarxinaayyay.

Dhinaca kale, waxaa maanta miino lagu arkay inta u dhexeysa isgoyska Zoobe iyo KM4. waxaana muddo kooban la xayiray isku socodka dadka iyo gaadidka.

Ciidamada AMISOM ayaa markii dambe ku guuleestay in miinada ay waddada ka saaraan dadbadeedna ay qarxiyaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]