B/WEYNE oo xaalku aan caadi ahayn

Beledweyne (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan uu ka socdo howgallo ballaaran oo ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Taliyaha ciidamada booliska gobalka Hiiraan, Korneel Maxamed Amiin oo saakay la hadlay wariyaasha ayaa sheegay in howgalkan uu daba socdo markii ay soo gaartay hey’addaha ammaanka iyo weerar is qarxin laga geesan rabo magaalada.

Wuxuu xusay taliyaha in howlgalka uu ku kooban yahay xaafadaha Kooshin iyo Xaawataako, waxaana la soo gabagabeen doonaa ayuu yiri 12-ka duhurnimo ee maanta.

Wariyaasha ku sugan magaalada Beledweyna ayaa sheegaya in howgalka ka socda saakay magaalada laga dareemay oo waxaa istaagay isku socodka dadka iyo gaadidka.

Waxaa xiran dhammaan goobaha ganacsiga iyo waxbarashada ee ku yaalla xaafadaha howgalka uu ka socdo.

Magaalada Beledweyne waxaa 12-kii bishan ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo lagu qaaday saldhigga booliska,waxaana ku dhintay  30 qof oo u badan ciidamada dowladda, wixii xilligaas ka dambeeyay ammaanka magaalada aad ayaa loo adkeeyay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com