ETHIOPIA oo Soomaaliya ka codsatay hal arrin si ay xiriir cusub u yeeshaan

Muqdisho (Caasimada Online) Dowladda Itoobiya ayaa Soomaalida ka codsatay in ay iska hilmaamaan khilaafkii colaadii dhex martay labada dal.

Danjiraha Itoobiya u fadhiya Muqdisho, Wondimu Asaminew oo maanta qada sharraf u sameeyay xubnihii ka qaybgalay xuska qowmiyadaha Itoobiya ee sannadkan lagu qabtay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya ayaa codsaday in xiriir cusub ay yeeshaan labada dal iyadoo la iska iloowayo wixii soo dhex maray labada dal.

Wuxuu xusay in diyaar u yihiin xiriir cusub oo dhexmara Soomaaliya iyo Ethiopia, waxaana uu ku celceliyay in dowladiisa ay gacan siin doonto dowladda iyo shacabka Soomaalida.

Danjiraha ayaa tilaamay in loo baahan yahay xiriir dhex mara labada shacab ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Qaar ka mid ah xildhabaannada joogay munaasabadda ayaa soo dhaweeyay hadalkii danjiraha Itoobiya waxaana ay ku baaqeen in la soo celiyo xiriirka labada xumaaday wixii ka dambeeyay dagaalkii 1977-kii.

Waa markii ugu horreysay oo safiirka Itoobiya Soomaaliya uu kulan la qaato qaybaha kala duwan ee bulshadda.

Itoobiya waxaa la sheegaa in ay galaangal ku lee yahay arrimaha siyasaadda Soomaaliya xilliga, waxaana waddamada safka horre ku jirra marka loo eego dalka gobalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com