C/raxmaan Faroole oo maanta go’aan geesinimo leh ku dhawaaqay

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, waxaa maanta oo Axad ka dhacay kulan ay yeesheen madaxweynaha xilka uu ka dhammaanayo iyo madaxweynihii horre ee Maxamuud Xirsi Gen Cade Muuse.

Kulanka oo saxaafadda ay banaanka ka joogtay ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada Puntland waxaa kaloo ka qaybgalay sarkaal ka socday xafiiska UNSOM.

Markii uu soo dhammaaday waxaa shir jaraa’id qabtay madaxweyne Faroole iyo Cadde Muuse, ugu horreyn waxaa hadalka qaatay Nuurudiin Aadan diiriye, wuxuuna sheegay in labada oday ay ka hadleen siddii doorashada Puntland ay u noqoto mid xalaal ku dhacda iyo xafiiska UNSOM uu ka tageeri doono wax kasta oo ah dhinaca farsamada.

Kulan_dhexmaray_Jen_Cadde_&_Faroole_1

Wuxuu soo dhaweeyay dhammaan qoddobada looga hadlay kulanka iyo sida madaxweyne Faroole uu doonayo haddii loogu guuleesto xafiiska in uu sinabad galyo leh uu baneeyo.

Intaa kaddib waxaa isna hadlay madaxweynihii horre Puntland Cadde Muuse, wuxuuna sheegay in uu Faroole kala hadlay siddii loo taageeri lahaa doorashada cid kasta oo ku guuleesata.

Madaxweynaha Faroole Cabdiraxmaan Faroole, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu la kulmo maanta Cadde Muuse, wuxuu xusay in uu diyaar u yahay haddii doorashada looga guuleesto in uu xafiiska baneen doono.

Madaxweynuhu wuxuu tilaamay in doorashadda xilligeeda ay dhici doonto oo ah 8-da bisha Janaayo.

Labada nin ayaa ku kala aragti duwanaa qaabka doorashada ay ku dhaceyso, waxaana aan la ogeyn sida musharrixiinta u taagan doorashada Puntland ay u oggolaan doonaan qoddobada ay gaateen Cadde Muuse iyo Faroole.

Dhinaca kale, waxaa magaalada Garoowe kulan ku yeeshay Ismada Puntland kuwaasoo ka hadlay khilaafka u dhexeeya musharrixiinta iyo madaxweyne Faroole.

Ismada ayaa soo saaray war-murtiyeed ay uga hadlayaan kulanka ay ku yeesheen magaalada Garooe ee xarunta maamulka Puntland.

War-murtiyeedka waxaa saxaafadda ukhriyay Boqor Burhaan Boqor Muuse, wuxuuna sheegay qoddobada ay ku heshiiyeen in ay ka mid tahay doorashadda Puntland in ay dhacdo 8-da bisha Janaayo oo ah xilliga lagu ballaamay iyo xildhibaannada ka qaybgalaya baarlamaanka Puntland in aan la shaacin magacyadooda ilaa inta isimada marjaca ay ka kulmayaan.

Si kastaba, waxaa soo baxaya walaac laga muujinaayo in doorashadda Puntland ay hareyso muran iyo qabqabsi marka loo eego sida ay xaaladda tahay iminka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com