Gurri uu dagi lahaa taliye CIIDAMADA DF Somalia ka tirsan oo yaab dhaliyey

Muqdisho (Caasimada Online) Ciidamada dowladda ayaa maanta oo Axad ah waxa ay miinooyin ka soo saareen gurri uu dagi lahaa taliyaha ciidamada wadooyinka ee Gen Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) kaasoo ku yaalla degmada Wadajir ee magaalada Muqidsho.

Miinooyinka ayaa la sheegay in la galiyay muddo dheer sida uu saxaafadda u sheegay Cali Gaab, wuxuuna intaas ku daray wax yeelo in aysan geesan.

Taliye Cali Gaab ayaa sheegay in lagu guuleestay in la qarxiyo miinooyinka laga helay gurriga uu ku dagayo degmada Wadajir.

Inta aan la qarxin miinooyinka waxaa goobta laga fogeeyay dadkii ku sugnaa iyadoo la xiray wadooyinka soo gala gurriga taliyaha uu dagaayo.

Wax saameen ah kuma yeelan dhaqdhaqaaqii dadka iyo gaadidka inta miinooyinka la qarxinaayyay.

Dhinaca kale, waxaa maanta miino lagu arkay inta u dhexeysa isgoyska Zoobe iyo KM4. waxaana muddo kooban la xayiray isku socodka dadka iyo gaadidka.

Ciidamada AMISOM ayaa markii dambe ku guuleestay in miinada ay waddada ka saaraan dadbadeedna ay qarxiyaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com