Liiska golaha wasiirada xukuumadda R/W C/Weli oo xog cusub laga helay

Muqdisho (Caasimada Online) Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa wada kulamo iyo wadatashiyadii ugu dambeeyay uu ku soo magacaabaayo golaha wasiiradda cusub ee xukuumadiisa.

Ilo xog ogaal ah ayaa u xaqiijiyay Caasimada Online madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ay isku raacen in tirada golaha wasiirada laga dhigo 25-wasiir iyo ku xigeenno.

Waxaa ku jirra golaha wasiiradda cusub inta badan wasiiradii xukuumadii Saacid

Yaa ka mid ah?

Wararka aan helnay ayaa sheegay in golaha wasiiradda cusub ay ku jiraan qaar ka mid ah xubnihii xukuumada Saacid.

Waxaa ka mid ah wasiiradaas:- Cabdixakiin Maxamuud Fiqi, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, Maryan Qaasim, Cabdulaahi Abyaan Nuur, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Faarax Sheekh Cabduqaadir, ma cadda xilalka ay qaban doonaan.

Liiska golaha wasiiradda cusub waxaa ku jirra, wajiyo aan ku cusbeen siyaasadda Soomaaliya, waxaa ka mid Cabdiraxmaan Xooshi Jibriil oo horrey u noqday wasiirka dastuurka iyo Musftaf Dhuxulow oo wasiir isna ka soo noqday dowladii KMG ah ee Shariif.

Waxaa kaloo ka mid ah Cabdiraxmaan Odowaa oo ah madaxa Jaamacadda SIMAD waxa ay saaxibo dhow yihiin madaxweynaha Soomaaliya oo ay ka tirsan yihiin ururka Dam-jadiid.

Waxaa kaloo wasiirada cusub ku jirra Xuseen Xalane oo isku soo taagay xilka ra’iisal wasaaraha iyo Mahad Salaad.

Si kastaba wax kasta ayaa dhici kara saacadaha ugu dambeeya oo ku aadan in wasiiradan ay ka mid noqdaan golaha wasiiradda cusub.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com