Xog cusub oo laga bixiyey qaabkii ay Kenya ula dhaqantay Xasan Sheekh

Nairobi (Caasimada Online) – Safiirka Somalia u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur Ameerica, ayaa difaacay habkii Kenya ay u agaasintay soo dhoweyntii madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, markii uu dalkaas booqday Khamiistii.

Sida ay Caasimada Online qortay shalay, waxaa madaxweyne Xasan soo dhoweeyey wasiir Kenyan ah, wakiilka IGAD ee Somalia Maxamed Cabdi Affey iyo Danjire America.

Si kastaba, Danjre America ayaa ku dooday in qaabkii madaxweynaha Somalia loo soo dhoweeyey ay ahayd wax ay ka wada sinnaayeen madaxdii IGAD ee la booqatay halkaasi, oo aysan ahayn wax u gaar ah asaga.

Waxa uu sheegay in dhammaan madaxdii booqatay Nairobi Khamiistii, ay soo dhoweeyeen wasiiro, kadibna madaxweyne Kenyatta uu ku qaabilay aqalka madaxtooyada.

Isaga oo tixraacaya warkii Caasimada Online, ayuu America soo dhigay bartiisa facebook “Website-yo ayaa qoray in madaxweynaha Somalia aan si fiican loo qaabilin oo uu soo dhoweeyey wasiir, laakiin dhammaan madaxdii IGAD waxaa soo dhoweeyey wasiiro, kadibna Kenyatta wuxuu ku qaabilay madaxtooyada”

Maxamed Cali Nuur America, ayaa sidoo kale soo bandhigay sawir uu sheegay inuu yahay mid la qaaday khamiistii, oo sida uu sheegay caddeynaya Kenyatta oo madaxtooyada kusoo dhoweeyey Xasan Sheekh.

xas kenyat

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com