XOG: Madaxweyne Xasan Sh oo diiday Cali Maxamed Geedi iyo xulufadiisa

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa diiday isku day la doonayey in lagu kullansiiyo isaga iyo siyaasiyiin mucaarad ah oo ku sugan magaalada Nairobi, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Ilo-Xog ogaal ah, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey inuu jiray isku day fashilmay oo ganacsatada Nairobi ay sameeyeen intii madaxweynaha uu ku sugnaa magaaladaas maalmihii tagay, si isaga iyo xubnaha mucaaradka ah ee jooga halkaas ay u wada hadlaan.

Xubnaha kooxda qas-wadayaasha Nairobi ee uu ka mid yahiin Cali Maxamed Geedi iyo Caasha Axmed Cabdalla, ayaa dhankooda ogolaaday inay la kulmaan madaxweynaha, balse madaxweynaha ayaa la sheegay inuu diiday.

Ganacsatada isku daygan sameysay, ayaa doonayey in la dhameeyo khilaafyada jira,si loo yareeyo mucaaradka dowladda, sida ay xubno ka mid ah u sheegeen Caasimada Online.

Sida xogta aan ku helnay, madaxweynaha waxa uu sheegay inuusan diyaar u ahayn la hadalka xubno doonaya bur-burinta qarannimada Soomaaliyeed, oo dhinacyo kale ay ku adeeganayaan.

“Madaxweynaha wuxuu inoo sheegay inuusan diidaneyn in la mucaarado, haddii ay tahay mid wax lagu dhisayo, hase yeeshee in kooxda Geedi ay qaran dumis yihiin” ayuu yiri mid ka mid ah xubnihii isku daygan sameeyey, oo inaga codsaday inaan la magacaabin.

Cali Maxamed Geedi, ayaa dhowaanahan bixinayey wareysiyo is-daba joog ah oo uu si aad ah ugu weeraray dowladda iyo gaar ahaan shaqsiyadda madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com