29.9 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

Liiska golaha wasiirada xukuumadda R/W C/Weli oo xog cusub laga helay

0

Muqdisho (Caasimada Online) Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa wada kulamo iyo wadatashiyadii ugu dambeeyay uu ku soo magacaabaayo golaha wasiiradda cusub ee xukuumadiisa.

Ilo xog ogaal ah ayaa u xaqiijiyay Caasimada Online madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ay isku raacen in tirada golaha wasiirada laga dhigo 25-wasiir iyo ku xigeenno.

Waxaa ku jirra golaha wasiiradda cusub inta badan wasiiradii xukuumadii Saacid

Yaa ka mid ah?

Wararka aan helnay ayaa sheegay in golaha wasiiradda cusub ay ku jiraan qaar ka mid ah xubnihii xukuumada Saacid.

Waxaa ka mid ah wasiiradaas:- Cabdixakiin Maxamuud Fiqi, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, Maryan Qaasim, Cabdulaahi Abyaan Nuur, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Faarax Sheekh Cabduqaadir, ma cadda xilalka ay qaban doonaan.

Liiska golaha wasiiradda cusub waxaa ku jirra, wajiyo aan ku cusbeen siyaasadda Soomaaliya, waxaa ka mid Cabdiraxmaan Xooshi Jibriil oo horrey u noqday wasiirka dastuurka iyo Musftaf Dhuxulow oo wasiir isna ka soo noqday dowladii KMG ah ee Shariif.

Waxaa kaloo ka mid ah Cabdiraxmaan Odowaa oo ah madaxa Jaamacadda SIMAD waxa ay saaxibo dhow yihiin madaxweynaha Soomaaliya oo ay ka tirsan yihiin ururka Dam-jadiid.

Waxaa kaloo wasiirada cusub ku jirra Xuseen Xalane oo isku soo taagay xilka ra’iisal wasaaraha iyo Mahad Salaad.

Si kastaba wax kasta ayaa dhici kara saacadaha ugu dambeeya oo ku aadan in wasiiradan ay ka mid noqdaan golaha wasiiradda cusub.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xog cusub oo laga bixiyey qaabkii ay Kenya ula dhaqantay Xasan Sheekh

0

Nairobi (Caasimada Online) – Safiirka Somalia u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur Ameerica, ayaa difaacay habkii Kenya ay u agaasintay soo dhoweyntii madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, markii uu dalkaas booqday Khamiistii.

Sida ay Caasimada Online qortay shalay, waxaa madaxweyne Xasan soo dhoweeyey wasiir Kenyan ah, wakiilka IGAD ee Somalia Maxamed Cabdi Affey iyo Danjire America.

Si kastaba, Danjre America ayaa ku dooday in qaabkii madaxweynaha Somalia loo soo dhoweeyey ay ahayd wax ay ka wada sinnaayeen madaxdii IGAD ee la booqatay halkaasi, oo aysan ahayn wax u gaar ah asaga.

Waxa uu sheegay in dhammaan madaxdii booqatay Nairobi Khamiistii, ay soo dhoweeyeen wasiiro, kadibna madaxweyne Kenyatta uu ku qaabilay aqalka madaxtooyada.

Isaga oo tixraacaya warkii Caasimada Online, ayuu America soo dhigay bartiisa facebook “Website-yo ayaa qoray in madaxweynaha Somalia aan si fiican loo qaabilin oo uu soo dhoweeyey wasiir, laakiin dhammaan madaxdii IGAD waxaa soo dhoweeyey wasiiro, kadibna Kenyatta wuxuu ku qaabilay madaxtooyada”

Maxamed Cali Nuur America, ayaa sidoo kale soo bandhigay sawir uu sheegay inuu yahay mid la qaaday khamiistii, oo sida uu sheegay caddeynaya Kenyatta oo madaxtooyada kusoo dhoweeyey Xasan Sheekh.

xas kenyat

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

XOG: Madaxweyne Xasan Sh oo diiday Cali Maxamed Geedi iyo xulufadiisa

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa diiday isku day la doonayey in lagu kullansiiyo isaga iyo siyaasiyiin mucaarad ah oo ku sugan magaalada Nairobi, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Ilo-Xog ogaal ah, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey inuu jiray isku day fashilmay oo ganacsatada Nairobi ay sameeyeen intii madaxweynaha uu ku sugnaa magaaladaas maalmihii tagay, si isaga iyo xubnaha mucaaradka ah ee jooga halkaas ay u wada hadlaan.

Xubnaha kooxda qas-wadayaasha Nairobi ee uu ka mid yahiin Cali Maxamed Geedi iyo Caasha Axmed Cabdalla, ayaa dhankooda ogolaaday inay la kulmaan madaxweynaha, balse madaxweynaha ayaa la sheegay inuu diiday.

Ganacsatada isku daygan sameysay, ayaa doonayey in la dhameeyo khilaafyada jira,si loo yareeyo mucaaradka dowladda, sida ay xubno ka mid ah u sheegeen Caasimada Online.

Sida xogta aan ku helnay, madaxweynaha waxa uu sheegay inuusan diyaar u ahayn la hadalka xubno doonaya bur-burinta qarannimada Soomaaliyeed, oo dhinacyo kale ay ku adeeganayaan.

“Madaxweynaha wuxuu inoo sheegay inuusan diidaneyn in la mucaarado, haddii ay tahay mid wax lagu dhisayo, hase yeeshee in kooxda Geedi ay qaran dumis yihiin” ayuu yiri mid ka mid ah xubnihii isku daygan sameeyey, oo inaga codsaday inaan la magacaabin.

Cali Maxamed Geedi, ayaa dhowaanahan bixinayey wareysiyo is-daba joog ah oo uu si aad ah ugu weeraray dowladda iyo gaar ahaan shaqsiyadda madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Daawo Video: Horumar cusub oo lagu farxay oo ka hir-galay Muqdisho

0

Caasimada Online: Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa laga hadal hayaa Horumar cusub oo ka bilaaqday taa oo waagi Dowladii dhexe ugu dambeysay Magaalada.

Shacabka Muqdisho oo u dhaga nugul howlaha horumarka leh ay Dowlada ku talaabeyso iyo Talaabooyinka dib u soo celinta Bilicdii ay la haan jirtay Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho ee nala daawo horumarkan cusub.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Weerar caawa lagu qaaday Hotel caan ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) Kooxo hubeysan ayaa fiidkii waxa ay bamb gacmeed ku weerareen Hotelka Saxafi oo ku yaalla isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Bambka ayaa la sheegay in uu lagu tuuray goob ay joogeen ciimo ilaaliya hotelka sida uu goobjooge u sheegay Caasimada Online.

Ma cadda khasaaraha ka dashay bambka lagu weeraray Hotelka Saxafi oo ku yaalla goob ay aad u maashu dowladda Soomaaliya.

Weerarka kaddib waxaa ciidamada ay fureen rasaas waxaana ay gacanta ku dhigeen gaari hoomeey ah oo ay la socdeen dhallinyaro, waxaana lagu xiray xarunta dambi baarista ee CID-da.

Hotelka Saxafi ayaa ku yaalla goob aad loo waardiyeeyo waxaana ka soo horjeeda xarunta dambi baarista ee CID-da, waxaana deggan hotelka xildhibaanno iyo saraakiil ka tirsan dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Guddoomiyaha Maxkamadda Banaadir oo sameeyey qirasho aan laga fileyn

0

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Sabti ah ka dhacay kulan ay yeesheen ururada bulshadda iyo hey’addaha garsoorka dalka, waxaana looga hadlay sababaha keenay in uu si fiican u shaqeen garoonka Soomaaliya.

Waxaa goobta lagu soo bandhigay dhaliilo badan oo loo jeediyay garsoorka dalka iyo wax yaabaha keenay in uu si fiican u maareeyo dacwadaha loo keeno.

Guddoomiyaha maxkamadda gobalka Banaadir, Xaashi Cilmi Nuur ayaa caddeeyay in garsoorka Soomaaliya dhammaan dhaliilaha loo jeediyay ay sax tahay in uu lee yahay.

Wuxuuna sabab uga dhigay daryeel la’aan ku heesata howshooda isagoona tilmaamay in ammaan iyo dhaqaale aysan ku heesan shaqada ay heestaan, waxaana arrintaas nagu dayacay ayuu yiri dowladda.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ayaa caddeeyay in ay jiraan kiisas badan oo loo keenay in qaab farsameesan ama si kale loo maareeyay markii dad uu ku sheegay, odayaal, beelo iyo saraakiil dowladda ay maxkamadda ka codsadaan in la joojiyo kiisaaskaas.

Waxaa kaloo guddoomiyaha xusay in maxkamadda gobalka Banaadir la keenay kiis badan oo ku aadan kufsi loo geestay haween iyo carruur yer yer balse awood loo waayay in maxkamadda ay qabto.

Si kastaba, waxaa la isku raacay in dowladda ay wax ka qabato cabashada ay soo jeediyeen heyaddaha garsoorka gobalka Banaadir haddii kale xaaladda dalka uu ka sii dari doono.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xaaladda Hargeysa oo maanta allow sahal ah (Sidee wax u jiraan?)

0

Hargeysa (Caasimada Online) War goordhow na soo gaaray ayaa sheegaya in dibadbaxyo ballaaran ay ka socdaan magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Wariyaha Caasimada Online ee Hargeysa ayaa soo sheegay in dibaxyada oo rabshado wata uu ku dhintay qof cadeyle ah oo xabad ay ku dhacday rasaas ay fureen ciidanka booliska.

Goobaha dibadbaxyada ay ka socdaan ayaa ka mid ah xaafadaha October, Maxamed Mooge iyo Calamada waxaana halkaas laga maqlayaa rasaas xooggan.

Dadka dibad baxaya dhigaya ayaa ka careesan biyo la’aan heesatay in muddo ah, waxaana ay maamulka Somaliland ku eedeeyeen in uu ka gaabiyay dadka ku nool xaafadaha Koonfurta Hargeysain ay helaan adeegyada aasaasiga ah sida biyaha.

Xaaladda magaalada Hargeysa ayaa weli kacsan, waxaana magaalada laga maqlayaa rasaas teelteel ah sida uu lee yahay wariyihu.

Ma jirto ilaa hadda cid ka hadashay dibad baxa ka socda magaalada Hargeysa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

DEG DEG: Weerar maanta lagu qaaday garoonka diyaaradaha magaalada….

0

Guriceel (Caasimada Online) Inta la ogyahay labo qof ayaa ku dhaawacantay weerar saakay aroortii kooxo hubeysan ay ku qaadeen garoonka diyaaradaha magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud.

Weerarka ayaa la sheegay in uu yimid markii la isku qabsaday lacag canshuur ah oo laga qaado diyaaradaha qaadka keena, sida ay lee yihiin goobjoogayaasha.

Dadka dhaawacmay ayaa la sheegay in uu ku jiro mid ka mid ah kooxda weerarka soo qaaday, halka qof kalena uu ahaa qof garoonka ku sugnaa.

Waxaa istaagay dhmmaan howsha garoonka markii is-rasaaseenta ay billaabatay, waxaana kooxda weerarka soo qaaday ay weli ku sugan gudaha garoonka.

Arrintan ayaa maalmahan soo taagneyd, waxaana ay keentay in garoonka shaley oo dhan uu xayirnaa oo wax duyuurad ah aysan ka soo dagin.

Ma jirto wax waan ah oo hadda socota oo ku aadan in howshii garoonka ay dib u soo laabato, waxaana garoonka ku go’doonsan dad doonayay in aadaan gobalada dalka.

Faah-faahin kala soco wararka soo socda

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Kenya oo Madaxweyne Xasan ku bah-dishay Nairobi iyo carro ka dhalatay

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaan weli wax sharraxaad ah ka bixin sababtii keentay in garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta lagu cidleeyo madaxweynaha Somalia, xilli uu booqasho rasmi ah ku tagay dalkaas, khamiistii.

Xukuumadda Nairobi, ayaa ku guul darreysatay inay wax saraakiil ah u dirto Xasan Sheekh, markii dalkaas uu u tagay ka qeyb galka shirkii Jimcihii dhex maray madaxda Geeska Africa.

Marka ay waddan ku bixinayaan booqasho rasmi ah, madaxweynayaasha waxaa caadiyan garoonka diyaaradaha ku qaabila madaxweyne, ra’iisul wasaare ama ugu yaraan afhayeenka baarlamanka, hase yeeshee taasi ma dhicin markii Xasan uu cago dhigtay Nairobi, Khamiistii.

xasan affeyWaxaa garoonka ku qaabilay wakiilka IGAD ee Somalia Maxamed Cabdi Affey iyo safiirka Somalia ee Kenya Maxamed Cali Nuur America iyo wasiir Kenyan ah.

Inkasta oo Affey uu yahay Kenyan, haddana maadaama uu xil u hayo IGAD, ma matali karin Kenya.

Diblomaasiyiinta, ayaa rumeysan in tani ay astaan u tahay sida Kenya iyo Somalia ay usii kala durqayaan, hase yeeshee waxa ay ku doodeen in heerkuu doonaba ha la ekeedo xiriirka labada dhinac’e ay qasab ahayd in Xasan la sharfo.

Dowladaha Kenya iyo Somalia, ayaa horey khilaaafyo ku aaddan gobollada Koonfureed ee Jubbaland ay kala fogeeyeen, ayada oo xukuumadda Muqdisho ay dalbatay in ciidanka Kenya laga beddelo halkaas.

Yaa hadlaya, yaase wax dhageysanaya?
Yaa hadlaya, yaase wax dhageysanaya?

Sawir soo baxay horaantii sanadkan oo Xasan Sheekh iyo Uhurru Kenyatta ah, ayaa muujiyey laba nin oo midba uu hadlayo, oo aanu jirin wax is-dhageysi ah, taasi oo calaamadeysay in labada mas’uulba ay isku dayayeen in hadakooda la maqlo.

Tallaabada Kenya ayaa aad uga carreysiisay Soomaalida, ayada oo baraha Facebook iyo Twitter ay qabsadeen falkii ay ku dhaqaaqday Kenya.

Xasan Sheekh, ma mudna in ciidanka Kenya ay xoog ku joogaan dalkiisa, dowladooduna ay ku sharaf tirto Nairobi, waxaase cad in beesha caalamka ay Somalia gacmaha uga qabatay Kenya, dantii la doonaba ha laga lahaadoe, waayo hadal kasoo baxa Xasan Sheekh oo kaliyay ayaa ku filan in ciidamada Kenya ay ka baxaan Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Cabdi Qaasmi oo shaaciyey dalal dhib ku haya Somalia + Dhaleeceeyey wixii ka dhacay Villa Somalia + Sababta

0

Cairo (Caasimada Online) Madaxweynihii horre ee Soomaaliya, Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa caawa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay xaaladda siyaasadda ee dalka Soomaaliya.

Cabdiqaasim oo ku sugan magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar, ayaa u sheegay Idaacad ku taalla Muqdisho in uu aad ula socdo isbadallada dhinacyada siyaasadda iyo ammaanka ee dalka.

Khilaafkii Villa Somalia

Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay khilaafka madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha mar kasta soo kala dhex gala, wuxuuna sheegay in dhaqankaas uu soo billowday dowladii laga soo dhisay dalka Jabuuti gaar ahaan deeganka Carta.

Cabdiqaasim ayaa tilmaamay Soomaaliya in ay faragallin ay ku hayaan waddamada gobalka iyo kuwa caalamka oo uu yiri hub, dhaqaale iyo siyaasad ayey ku taageeraan siddii Soomaaliya aysan u dagi lahayn, arrintaas “muddo 10-sanno laga joogo ayaan sheegay “ayuu yir.

Madaxweynihii horre ee Soomaaliya ayaa dhinaca kale tilmaamay in khilaafka madaxda dowladda inta badan uu sabab u tahay dastuurka qabyada ah oo aan qeexeynin awoodaha madaxda dowladda sida madaxweynaha, ra’iisalwasaaraha iyo baarlamaanka.

Wuxuu ra’iisal wasaaraha cusub Cabdiweli Sheekh Axmed ugu baaqay in uu la tashado madaxweynaha, baarlamaanka iyo shacabka Somaaliyeed.

Ugu dambeyn Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa ka hadlay dagaalada ka dhacay qaybo ka mid ah gobalada dalka sida Shabeellaha Hoose iyo Hiiraan, wuxuuna ku tilmaamay mid nasiib darro ah in xilligan dagaallo qaab qabiil u eg dalka ay ka dhacaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xildhibaannada BFS oo maanta kulan xasaasi ah ka leh qorshe cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah kulan ku leh xarunta golaha shacabka.

Fadhigga maanta ayaa looga hadli doonaa dhammeestirka qorshe cusub oo la doonayo in lagula dhaqmo qoxootiga Soomaalida ee ku nool waddamada dariska.

Qorshahan ayaa maalmahan looga dooddayay fadhigga baarlamaanka, iyadoo dooddo xasaasi ah ay ka soo baxeen iyo bal sida laga yeelayo qoxootiga Soomaalida ee ku nool waddamada gobalka.

Si kastaba, waxaa dhawaan dowladda ay magacowday hey’ad qaabilsan qoxootiga, taasoo dhawaab bllaabi doontaa soo daad gureynta qoxootiga Soomaalida.

Arrintan ayaa daba socota heshiis dhawaan ay kala saxiixdeen dowladdaha Soomaaliya, Kenya iyo hey’adda UNHCR, kaasoo ah in qoxootiga nus-malyuunka ah ee ku sugan xeryaha qoxootiga Kenya dib loogu soo celiyo waddanka.

Wixii ku soo kordha fadhigga baarlamaanka oo goordhow furmi doono kala soco Shabakadda Caasimada Online.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

RW ayaa kormeeray goobo muhiim ah oo Muqdisho ku yaalla

0

Muqdisho (Caasimada Online) Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay goobo muhiim ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Meelaha uu booqday waxaa ka mid ah dekedda Muqdisho, halkaasoo uu kula kulmay madaxda dekedda isagoona soo arkay howlasha ka socda dekedda.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in la ballaarin doono dekedda Muqdisho isla markaana wax laga qaban doono musuq-maasuqa ka dhaca dekedda.

Ra’iisal wasaaraha waxaa kaloo uu xarigga ka jaray Iskuulka Sarre ee Macallin Jaamac oo ku yaalla degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, kaasoo dhawaan dayac tir lagu sameeyay.

Iskuulkan ayaa qayb ka ah barbaamijka Aada iskuulada oo ay soo bandhigtay xukuumadii horre kaasoo la rabo in ay wax ku bartaan hal Milyan oo carruur  Soomaali ah.

Ra’iisal wasaaraha ayaa tilmaamay in xukuumadiisa ay ahmiyad siin doonto kobcinta tacliinta carruurta iyo tayeenta manhajka waxbarashada dalka sida uu hadalka u dhigay.

Ra’iisal wasaaraha oo kormeerkiisa ay ku wehlinayeen qaar ka mid ah wasiiradii horre ayaa booqday xerada barakacayaasha ee Rajo ee degmada Wadajir halkaasoo ay ku noon yihiin in ka badan 400 oo qof oo ka soo  barakacay gobalada dalka, wuxuuna amaanay gargaarka ay siiyaan dadkan dowladda Turkiga.

Ugu dambeyn ra’iisal wasaaraha ayaa ku booqdaty guriiga uu daggan yahay fannaanka caanka ah ee Cabditahliil Warsame oo ku xanuunsanaya magaalada, wuxuuna ballan qaaday in uu wax u qaban doono.

Waa howshii ugu horreysay oo uu ra’iisal wasaaraha dhawaan uu magacaabay madaxweyne Xasan uu qabto tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Sawirro iyo Warbixin: Xasan oo Nairobi kula kulmay diblomaasiyiinta dunida

0

Nairobi (Caasimada Online) – Nairobi, 28 December 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud  ayaa kulamo gaar gaar ah shalay iyo xalay Nairobi kula qaatay Diblomaasiyiin  islamarkaana  kala hadlay xaaladda Soomaaliya.

Kulamadii uu madaxda IGAD uu kula qaatay shirkii shalay ee looga hadlayey arrimaha South Sudan, waxuu sidoo kale Madaxweynaha kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda ay ka midka yihiin Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Hailemarian Deselegn oo uu kala hadlay muhiimadda ay leedahay in la joojiyo collaada ka bilaabatay dalka South Sudan si looga hortago dagaal ehel ah oo ka dhaca South Sudan.

Sidoo kale madaxweynaha waxaa hoyga uu ka degenyahay Nairobi ku soo booqday diblomaasiyiin beesha caaalamka ah oo uu kala hadlay xiriirka dalalkaas iyo arrimaha Soomaaliya.

Diblomaasiyiintii uu Madaxweynaha la kulmay waxaa ka mid ahaa Ergeyga Gaarka ah ee dowladda Mareykanka ee u qaabilsan Soomaaliya James P. McAnulty, Safiirka Belgium u fadhiya Kenya Bart Ouvry iyo Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Alex Rondos iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa diblomaasiyiintii uu la kulmay kala hadlay xaaladda South Sudan iyo sida ay muhiimka u tahay in si deg-deg ah wax looga qabto, isagoo tusaale u soo qaadanaya arrimaha Soomaaliya oo uu sheegey haddii caalamku ay 1990kii wax ka qaban lahaayeen inuusan dalka Soomaaliya bur-bureen, isla markaana tusinayey in laga hortago collaadaha South Sudan si aysan isagu bedelin kuwo qatar u keena geeska Afrika.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kala hadlay diblomaasiyiintaas xaaladda Soomaaliya una sheegey in Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed uu dhowaan soo dhisayo Xukuumad ka tarjumeysa marxaladda isla markaana isbedelka soo socda uu yahay mid rajo weyn gelinaya shacabka iyo dalka oo howlaha muhiimka ah la dar-dargelin doono, sida amniga, maamul wanaaga, dib u eegista dastuurka, dhaqan-gelinta Federaalka, fulinta dhammaan howlaha ku xusan dastuurka KMG ah si dalka loo gaarsiiyo doorashooyin xor ah.

Madaxweynahu waxuu ka codsaday diblomaasiyiintii uu la kulmay inay dar-dar geliyaan sanadka 2014ka kaalmada iyo saacidaada dowladda Soomaaliya si ay ugu sahlanaato Xukuumadda inay howlaheeda dardargeliso.

Sawirrada kullamada

xas nair (1)xas nair (2)xas nair (3)xas nair (4)

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Nabaddoon caan ahaa oo la dilay !!!!

0

Afgooye (Caasimada Online) Waxaa faah-faahin laga helayaa dil xaley kooxo hubeysan ay ugu geesatay magaalada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose, nabadoon caan ka ahaa halkaas.

Nabadoonka oo lagu magacaabi jiray Suldaan Cabdiqaadir Cali Baiile, wuxuu ahaa suldaanka degmada Afgooye sidaas waxaa sheegay xildhibaan Cali Ganeey oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Nabadoonka ayaa waxaa toogtay seddax dhallinyaro ah oo ku hubeysan bastoolado kuwaasoo ku dishay albaabka horre gurrigiisa oo ku yaalla Afgooye.

Kooxda dilka geesatay ayaa goobta isaga baxsatay, waxaana durba gaaray halkaas ciidamada dowladda oo howgallo billaabay.

Ma cadda sababta loo dilay nabadoonkan iyo cidda dishay toona, balse wuxuu ka mid yahay nabadoono siyaabo kala duwan loogu dilay dalka Soomaaliya sannadkan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Waa siddee garoonka diyaaradaha Guriceel oo la weerarray?

0

Guriceel (Caasimada Online) Maamulka degmada Guriceel ayaa ka war bixiyay israsaaseyn socotay muddo kooban oo saakay aroortii garoonka diyaaradaha ee deegmadaas ku dhexmartay ciidamada maamulka iyo maleeshiyo hubaysan.

Guddoomiye degmada Guriceel, Cusmaan Ciise Nuur Taar dhuleed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maamulkooda uu hadda ku garoonka isla markaana ay soo qabqabteen dhammaan kooxda soo weerartay sida uu hadalka u dhigay.

Taardhuleed ayaa xusay in ammaanka garoonka uu sugan yahay, in kastoo howlihii garoonka uusan shaqeyneynin.

Diyaaradihii adeegsan jiray garoonka diyaaradaha ee Guriceel ayaa si kumeel gaar ah loogu wareejiyay degmada Caabudwaaq oo hoos-tagta gobalka Galgaduud.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Culimada P/Land oo soo saaray go’aan 21 qodob ah oo ku aadan doorashada

0

Culimadda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa si wada jir ah waxay ugu baaqeen Isimadda marjaca u ah dhismaha Puntland, baarlamaanka imaan doono sanadka cusub,murashaxiinta iyo guddiga xalinta khilaafaadka inay si wada jir ah oo nabad iyo midnimo leh ugu shaqeeyaan shacabka iskana fogeeyaan wixii diinteena islaamka ka hor imaanaya.

Bayaankan ayaa kasoo baxay nadwo loogu magac daray ilaalinta danta umadda oo xalay lagu soo gu-naanuday Masaajidka Xaaji Cali ee magalada Garowe,waxayna culimaddu si wada jir ah u codsadeen in danta umadda si wadajir ah looga shaqeeyo oo wax kasta o dhaca si nabadgalyo ah lagu dhameeyo.

Waxa uu ka kooban yahay bayaankan 21-qodob oo cid kasta si toos ah u abaaraysa,hoos ka akhriso:

1. Ujeeddooyinka nadwadan waxaa ugu horreeya gudashada xilka weyn ee Ilaahay culimada ka saaray bayaaninta xaqa iyo u naseexeynta iyo u tilmaamidda bulshada sida ay ku gaari karaan guul adduun iyo badbaado aakhiro.

2. Isu soo dhoweynta guud ahaan ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada reer Puntland iyo xasuusinta iyo ku boorrinta waajibaadka iyo xuquuqda islaamnimo, walaalnimo iyo xigto ee ka dhexeysa.

3. In loogu nasteexeeyo cid walba oo rabta in ay ummadda xil u qabato loona tilmaamo mas’uuliyadda iyo amaanada culus ee ay holliyeen.

4. In bulshada lagu baraarujiyo in danaha gaar ahaaneed ay ku hirgalayaan helitaanka danta guud ee bulshadu leedahay.

Intaa ka dib waxaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqaynaa arrimahan soo socda:-

Bulshada Soomaaliyeed

1) Waxaan bulshadeenna Soomaaliyeed ugu baaqeynaa inaan Ilaahay ka xishoonno, ilaalinno soohdimaha ay diintu inoo dhigtay iyo inaan ogaanno inuu Ilaahay diinta galiyay sharafteenna adduun iyo badbaadadeenna aakhiro, wanaag aan iyada lagu helinna aan meel kale laga dooneyn.

2) Waxaan ugu baaqeynaa ummadda Soomaaliyeed inay ka towbad keento dunuubtii iyo dulmigii dhaxalsiiyay heerka hooseeya ee aynu maanta taagan nahay gude iyo dibad labadaba, ogaadaanna in Ilaahay oo lagu caasiyo ay keento ciqaabtiisa, in loo noqdana lagu helo naxariistiisa iyo nolol wanaagsan.

3) Waxaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqeynaa inay midoobaan, iskaashadaan iskuna tiirsanaadaan ayna ogaadaan in waxa midnimada ay ku helayaan uu ka weyn yahay waxa ay ku mudanayaan tafaraaruqa iyo kala daadsanaanta.

4) Waxaan bulshada xasuusineynaa sidii ay isugu gurmadeen xilligii duufaantu ku dhufatay Puntland iy fatahaaddii wabiga ee shabeellada dhexe ay astaan cad u tahay in wax wada qabsi oo kaliya lagu gaari karo waxa naga maqan.

Musharraxiinta jagada madaxweynenimada Puntland

5) Waxaan ugu baaqeynaa ragga ku loolamaya hoggaanka dowladda Puntland in ay Ilaahay ka cabsadaan, una tartamaan si xilkasnimo, hufnaan iyo mas’uuliyad leh, bulshadana tusaan hindise siyaasadeed oo u qalma hanka ummadda, hab-dhaqan wanaagsan oo ay ku kasbadaan kalsoonida iyo inay bulshada u muujinaya inay u qalmaan hoggaanka dalka.

6) Waxaan musharraxiinta xasuusineynaa in dalku yahay koodii, dadkuna yahay kuwii ay doonayeen inay xukumaan, sidaa darteed looga baahan yahay inay bulshada u muujiyaan inay u maqan yihiin ee aysan ku maqneyn, u daneynayaan ee aysan ku daneysaneyn, u damqanayaan ee aysan dulmineyn.

7) Waxaan murashaxiinta ogeysiineynaa in qiimaha doorashadu aysan joogin dagaal, laaluush iyo wax is dabamarin ee ay joogto kalsooni, sidaa darteed looga baahan yahay in ay ku mashquulaan sidii ay ku kasban lahaayeen kalsoonida bulshada iyo xubnaha ay u wakiilatay inay codkeeda matalaan.

8) Waxaan ugu baaqeynaa murashaxiinta iyo taageerayaashooda inay ka dheeraadaan kicinta, iskudirka iyo kalageynta bulshada iyagoo u adeegsanaya ujeeddooyin siyaasadeed oo shakhsi ah.

9) Waxaan uga digeynaa murashaxiinta inay isu adeegsadaan dicaayado iyo wax iska sheeg been abuur ah iyagoo ka dhiganaya xeelad ay ku sumcad dilaan murashaxa la tartamaya.

10) Waxaan murashaxiinta ugu baaqeynaa inay ilaaliyaan wixii lagu heshiiyay ee go’aanno ah iyo xeerarka nidaam ee dalka u yaal diintana aan ka hor imaaneyn, siiyayna xuquuqda ay isku soo sharraxeen, kana soo baxaan waajibaadka saaran, xuquuqdoodana ku doontaan si sharaf, hufnaan iyo dhowrsooni leh.

11) Waxaan murashaxiinta uga digeynaa wax walba oo khalkhal ku keeni kara amniga iyo xasilloonida dalka, tixgeliyaan taladana uga dambeeyaan ciddii kusoo baxda nidaamka ay ku heshiiyeen.

12) Waxaan murashaxiinta ugu baaqeynaa inay ka digtoonaadaan inay tartankooda ku galaan ballanqaadyo been ah ama aan suurtagal aheyn.

13) Waxaan murashaxiinta xasuusineynaa in waxa loo tartamayo ay tahay hal jago, taasoo qaadda hal nin oo kaliya sidaa darteed kii la dooran waayo waa uuin natiijada soo baxda ogolaado, si lamid sidii uu jeclaan lahaa in loo ogolaado haddii uu isaga ahaan lahaa murashaxa la doortay.

Isimmada

14) Isimmadu waxay u ahaayeen mandiqadan, yihiinna marjic lagu kalsoon yahay qeybna ka ah xasilloonideeda, sidaa darteed waxaan ugu baaqeynaa inay ilaashadaan tilmaamahaas wanaagsan ee lagu bartay, xalkana ay qeyb ka noqdaan.

15) Waxaan isimmada ugu baaqeynaa inay xoojiyaan isku duubnidooda, kana dheeraadaan wax kasta oo dhaawacaya midnimadooda, muujinayana is heysi iyo loollan dhexdooda ah, gaar ahaan soo xulidda xubnaha baarlamaanka iyo inay iska ilaaliyaan inay la kala saftaan murashaxiinta madaxweynenimada ee ay marjica u yihiin, arrimahaas oo meel kadhac ku ah sumcaddooda iyo kalsoonidii soo jireenka aheyd ee lagu qabay.

Xubnaha cusub ee golaha baarlmaanka

16) Waxaan ugu baaqeynaa xubnaha baarlamaanka in ay ilaaliyaan amaanadii ay Ilaahay hortiis u qaadeen ummadda, kuna dhaarteen inay daacad ka noqonayaan, ayna xasuusnaadaan hadalkii Ilaahay ee ahaa:

إن الذین یشترون بعھدلله وأیمانھم ثمنا قلیلا أولئك لا خلاق لھم في الآخرة ولا یكلمھم لله ولا ینظر إلیھم یوم
القیامة ولا یزكیھم ولھم عذاب ألیم. آل عمران 77

17) Waxaan ugu baaqeynaa inay maslaxadda guud ka hormariyaan maslaxadaha gaar ahaaneed, ayna ka digtoonaadaan inay qaaddo eex ama hunguri, aakhiradoodana dhaafsadaan adduunyada qof kale.

18) Waxaan mudanayaasha baarlamaanka ugu baqeynaa inay soo xulaan sida Ilaahay ku og yahay qofka ay ku jirto danta, diinta, dadka iyo dalka.

Guddiga xallinta khilaafaadka

19) Guddiga xallinta khilaafaadka waxaan xasuusineynaa inay Ilaahay hortiis ku qaadeen amaano iyo xil ummadeed, sidaa darteed ay waajib ku tahay inay sida ugu wanaagsan u gutaan, annagoo xasuusineyna in loo xushay inay wax xalliyaan ee aan laga fileyn inay mas’uuliyadda la saaray wax ku halleeyaan.

Murashaxa la doorto

20) Waxaan ugu baaqeynaa murashaxa kusoo baxa doorashada xilka madaxweynenimadada in uu dalka cadaalad ku dhaqo ilaaliyana diinta, iyo masaalixda dadka iyo dalka, kana shaqeeyo isu soo dhoweynta, walaaleynta iyo mideynta ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto.

21) Waxaan ugu baaqeynaa in uu ilaaliyo ballanta amaanada iyo xilka Alle hortii kaga aaddan iyo kan bulshada labadaba.

Ilaahay ayaa mahad leh ay galladdiisu wanaagyadu ka ebyoomaan.

Culimada bayaanka saxiixday

1) Sh. Daahir Aw-Cabdi Aw-Yuusuf
2) Sh. Axmed-Daahir Xasan Xuseen
3) Sh. C/Naasir X. Axmed Maxamed
4) Sh. Maxamuud X. Yuusuf Maxamed
5) Sh. Maxamed M. Axmed Xuseen
6) Sh. Axmed Yuusuf Daad
7) Sh. Axmed C/Samad Cabdille
8) Sh. C/Qani Qorane Maxamed
9) Sh. Maxamed Maxamuud Ciise
10) Sh. C/Salaam Maxamuud Cartan
11) Sh. Mukhtaar Axmed Faarax
12) Sh. Yaasiin C/Laahi Cali
13) Sh. Maxamed Cali Axmed
14) Sh. Dalmar Guureeye Kaarshe
15) Sh. Cabdi Xirsi Cali

 

 

 

 

 

 

 

 

 

17 Radio oo sameystay dallada Somali Independent Media Houses Assoc.

0

Ururkan oo ay ku midoobeen ku dhawaad 20 idaacadood ayaa looga dhawaaqay hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, waxaana goob joog ahaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ,Boostada Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Soomaaliya mudane C/llaahi Ciilmoge Xirsi , afhayeenka madaxtooyada C/raxman Yarisow , afhayeenka R/wasaaraha Ridwaan Xaji Abdiwali afhayeenka G/Banaadir Max’ed Yusu , afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Madaale ,Xildhibaano,,Ururada Bulshada rayidka iyo ururka suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Dhamaan mas’uuliyiinti goobta ka hadlay ayaa sheegay in ku dhawaaqista midowga maanta ay sahleyso is faham iyo wada shaqeyn dhex marta saxfiyiinta Soomaaliyeed iyo dawladda iyo in suxufiyiinta Soomaaliyeed ay helaan xuquuqda uu leeyahay isagana uu u dhowro shuruurcda warbaahinta ee dalka.

Agaasimaha Radio Dalsan Xasan Cali geesey ahna Gudoomiyaha KMG ah ee Midowgan maanta lagu dhawaaqay ayaa sheegay in ujeedka laga leeyahay uu yahay in la xoojiyo midnimada warbaahinta , iska warqabkood iyo waliba sidi ay u heli lahaayeen xuquuqdooda .

Gesey ayaa sheegay in xarumaha warbaahineed ee dalka ay ku shaqeeyaan aruufo adag oo dhinac walba taasna looga gudbi karo mindimo iyo iskaashi.

“Idaacaha manta waxaa maamula xirdalayaal saxaafadeed fursad ka fiican manta oo aan wax ku dhisan laheyn ma jirto “ayu yiri gudoomiyaha xarumahan warbaahineed ee manta midoobay

C/laahi Max’ed Shirwac gudoomiyaha SOSHENSA oo ah dalad ay mideysanyihiin ururada bulshada rayidka ayaa sheegay in midawga saaxafada uu wax badan ka badali doono waaqici hore ee ay saxaafadu ku shaqeyn jirtay , waxaana uu sheegay in SOHENSA ay garab taagantahay xarumahan midoobay .

Mohamed Shikeh oo isna ka socday hay’ada article 19 ayaa dhiniciisa soo dhaweeyey ku dhawaqista .

Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo ah madaxi hore ee laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in ay wax lagu farxo ay in saxaafadda soomaaliya inta ay meel isugu yimaadaana ay ka wada hadlaan aayahooda iyo ka qeyb qaadashada dib u dhiska dalka wuxuuna dardaaran usoo jeediyaya saxfiyiinta soomaaliyeed

Afhayeenka booliska soomaaliyeed Generaal Max’ed Yuusuf Cumar ‘’Madaalle ‘’ ayaa sheegay in haddii saxaafadda si sax ah loo adeegsado ay tahay awooda afaraad ee dalka

Xarumaha idaacadaha midoobay waxaa ay kala ahaayeen .

Somali independent media houses association (SIMHA)

1-Radio Dalsan ,

2-Radio Star FM ,

3-Radio Banaadir ,

4-Radio Danan

5-Radio Banadir

6-VOD Radio Xamar

7-Wadaag Radio

8-Radio Maanta ,

9-Radio Baydhabo,

10-Radio VOS (Kismaayo),

1-Radio Simba ,

13-Radio jowhar,

14-Radio Afgoye ,

15-Radio Merka ,

16-Radio Xurmo

17-Al-ixsaan , Cadaado Galguduud

18-Codka bartamaha , Hiiraan

DHAGEYSO: Fallanqayn iyo xog muhiim ah oo ku aadan doorashada Puntland

0

Washington DC (Casimada Online) Barnaamijka Faaqidaadda ee todobaadka ee VOA waxaa uu ku saabsanaa doorshada madaxtinimada Puntland oo lagu wado in ay dhacdo 8-bisha Janaayo sannadka 2014-ka.

Haddaba barnaamijkan wuxuu si weyn faaqi doonaa qoddobo muhiim ah sida:-

1-Doorka ay odayaasha dhaqanku ku leeyihiin doorshada

2-Qodobada la isku maandhaafsanyahay ee la xidhiidha doorashada

3-Saamaynta ay doorashadu ku yeelan karto nolosha dadweynaha ku nool Puntland.

Waxaana barnaamijka ka qayb qaadanaya, Ismaaciil Aadan Diiriye oo ah aqoonyahan ku sugan London kana faalooda arrimaha Puntland iyo guud ahaan Somalia.

Waxa kale oo ka qayb qaadanaya Burhaan Axmed Daahir oo ah guddoomiyaha ururka saxafiyiinta, iyo Jeylaani Faarax Dhegayste oo ka mid ah aqoonyahanada mudana la soo shaqeeyay ururada aan dawliga ahayn.

Barnaamijka waxaa soo diyaariyay oo daadihinaya Maxamaed Cabdi Sandheere, waxaanad ka dhegaysan kartaa isaga oo dhan qaybta hoose ee boggan.