DHAGEYSO: Fallanqayn iyo xog muhiim ah oo ku aadan doorashada Puntland

Washington DC (Casimada Online) Barnaamijka Faaqidaadda ee todobaadka ee VOA waxaa uu ku saabsanaa doorshada madaxtinimada Puntland oo lagu wado in ay dhacdo 8-bisha Janaayo sannadka 2014-ka.

Haddaba barnaamijkan wuxuu si weyn faaqi doonaa qoddobo muhiim ah sida:-

1-Doorka ay odayaasha dhaqanku ku leeyihiin doorshada

2-Qodobada la isku maandhaafsanyahay ee la xidhiidha doorashada

3-Saamaynta ay doorashadu ku yeelan karto nolosha dadweynaha ku nool Puntland.

Waxaana barnaamijka ka qayb qaadanaya, Ismaaciil Aadan Diiriye oo ah aqoonyahan ku sugan London kana faalooda arrimaha Puntland iyo guud ahaan Somalia.

Waxa kale oo ka qayb qaadanaya Burhaan Axmed Daahir oo ah guddoomiyaha ururka saxafiyiinta, iyo Jeylaani Faarax Dhegayste oo ka mid ah aqoonyahanada mudana la soo shaqeeyay ururada aan dawliga ahayn.

Barnaamijka waxaa soo diyaariyay oo daadihinaya Maxamaed Cabdi Sandheere, waxaanad ka dhegaysan kartaa isaga oo dhan qaybta hoose ee boggan.