CABDI WELI oo la kulmay haweenka

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa habeenkii xaley ka dhacay kulan uu ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed uu la yeeshay qaar ka mid ah haween ka socday goballada dalka.

Haweenka kulanka ka qaybgalay ayaa ra’iisal wasaaraha ka codsaday in uu kaalin muhiim ah dumarka ka siiyo xukuumadiisa.

Dhammaan haweenka waxa ay ra’iisal wasaaraha u ballan qaadeen in ay taageeri doonaan xukuumadda uu soo diiso doono.

Intaa kaddib ra’iisal wasaaraha ayaa u sheegay haweenka ka qaybgalay kulanka sida xukuumadiisa ay doorka u siin doonto haweenka.

Sidoo kale, ra’iisul wasaare Cabdiweli  ayaa tilmaamay haweenku in ay kaalin ka qaadan karaan dib u dhiska dalka, dhaqaalaha soo celinta, federaaliisimka, horumarinta arrimaha bulshada iyo adkeynta ammaanka.

Ra’iisal wasaaraha ayaa haweenka u sheegay in qorshaha xukuumaddiisa ay ka mid tahay siddii looga hortegi lahaa dhibaatooyinka loo geesto haweenka oo ay ka mid tahay kufsiga.

Waa kulankii ugu horreyay oo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Maxamed oo shaley xafiiska la wareegay uu la qaato haween ka socday gobalada dalka qaar ka mid ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com