10 SOOMAALI ah oo lagu dilay dagaal shiico iyo sunni ku dhex maraya…!

Muqdisho (Caasimada Online) Ku dhawaad 10 qof oo Soomaali ah ayaa ku dhimmtay dagaal bishii seddaxaad ka socda dalka Yemen gaar ahaan magaalada Damaaj.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu u dhexeeyo kooxo suniyiin ah oo tiro yer iyo Shiico aad u fara badan kuwaasoo ku dagaalamaya deegankan Damaaj oo ah geegan hal km dhinac ka kooban.

Waxaa kaloo jirra 43-qof oo Soomaali ah oo ku dhaawacantay dagaalka ka soda dalka Yemen.

Kooxda Shiicada ee xuutiyiinta ayaa doonaya in magaalada ay ka saaraan kooxda Suniyiinta oo doonaya in magaalada ay ku faafiyaan diinta islaamka.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu go’doomiyay magaalada dhan oo wax dawo iyo cuno aysan hallin muddada dagaalada uu socday.

Waxaa kaloo aan tagi karin magaalada lagu dagaalamayo hey’adda bisha iyo laan qayrta cas iyo MSF.

Dowladda Yemen ayaa u muuqata dagaalada in ay gacanta ka taagday, waxaana maalinta kasta magaalada San’a ka dhacay dibadbaxyo lagu codsanaayo in lagu joojiyo dagaalada ka socda magaalada Damaaj.

Soomalida ku nool magaaladan ayaa lagu sheegaa tiradooda 300 waxaana ay u badan yihiin kuwa ka yimid qurbaha, waxaana ay halkaas u tagaan carruurtooda in ay bartaan diinta Islaamka, maadama uu halkaas ku sugan yahay wadadaad diinta ku fiican.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka

Caasimada@live.com