17 Radio oo sameystay dallada Somali Independent Media Houses Assoc.

Ururkan oo ay ku midoobeen ku dhawaad 20 idaacadood ayaa looga dhawaaqay hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, waxaana goob joog ahaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ,Boostada Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Soomaaliya mudane C/llaahi Ciilmoge Xirsi , afhayeenka madaxtooyada C/raxman Yarisow , afhayeenka R/wasaaraha Ridwaan Xaji Abdiwali afhayeenka G/Banaadir Max’ed Yusu , afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Madaale ,Xildhibaano,,Ururada Bulshada rayidka iyo ururka suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Dhamaan mas’uuliyiinti goobta ka hadlay ayaa sheegay in ku dhawaaqista midowga maanta ay sahleyso is faham iyo wada shaqeyn dhex marta saxfiyiinta Soomaaliyeed iyo dawladda iyo in suxufiyiinta Soomaaliyeed ay helaan xuquuqda uu leeyahay isagana uu u dhowro shuruurcda warbaahinta ee dalka.

Agaasimaha Radio Dalsan Xasan Cali geesey ahna Gudoomiyaha KMG ah ee Midowgan maanta lagu dhawaaqay ayaa sheegay in ujeedka laga leeyahay uu yahay in la xoojiyo midnimada warbaahinta , iska warqabkood iyo waliba sidi ay u heli lahaayeen xuquuqdooda .

Gesey ayaa sheegay in xarumaha warbaahineed ee dalka ay ku shaqeeyaan aruufo adag oo dhinac walba taasna looga gudbi karo mindimo iyo iskaashi.

“Idaacaha manta waxaa maamula xirdalayaal saxaafadeed fursad ka fiican manta oo aan wax ku dhisan laheyn ma jirto “ayu yiri gudoomiyaha xarumahan warbaahineed ee manta midoobay

C/laahi Max’ed Shirwac gudoomiyaha SOSHENSA oo ah dalad ay mideysanyihiin ururada bulshada rayidka ayaa sheegay in midawga saaxafada uu wax badan ka badali doono waaqici hore ee ay saxaafadu ku shaqeyn jirtay , waxaana uu sheegay in SOHENSA ay garab taagantahay xarumahan midoobay .

Mohamed Shikeh oo isna ka socday hay’ada article 19 ayaa dhiniciisa soo dhaweeyey ku dhawaqista .

Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo ah madaxi hore ee laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in ay wax lagu farxo ay in saxaafadda soomaaliya inta ay meel isugu yimaadaana ay ka wada hadlaan aayahooda iyo ka qeyb qaadashada dib u dhiska dalka wuxuuna dardaaran usoo jeediyaya saxfiyiinta soomaaliyeed

Afhayeenka booliska soomaaliyeed Generaal Max’ed Yuusuf Cumar ‘’Madaalle ‘’ ayaa sheegay in haddii saxaafadda si sax ah loo adeegsado ay tahay awooda afaraad ee dalka

Xarumaha idaacadaha midoobay waxaa ay kala ahaayeen .

Somali independent media houses association (SIMHA)

1-Radio Dalsan ,

2-Radio Star FM ,

3-Radio Banaadir ,

4-Radio Danan

5-Radio Banadir

6-VOD Radio Xamar

7-Wadaag Radio

8-Radio Maanta ,

9-Radio Baydhabo,

10-Radio VOS (Kismaayo),

1-Radio Simba ,

13-Radio jowhar,

14-Radio Afgoye ,

15-Radio Merka ,

16-Radio Xurmo

17-Al-ixsaan , Cadaado Galguduud

18-Codka bartamaha , Hiiraan