30.9 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

DHAGEYSO: Fallanqayn iyo xog muhiim ah oo ku aadan doorashada Puntland

0

Washington DC (Casimada Online) Barnaamijka Faaqidaadda ee todobaadka ee VOA waxaa uu ku saabsanaa doorshada madaxtinimada Puntland oo lagu wado in ay dhacdo 8-bisha Janaayo sannadka 2014-ka.

Haddaba barnaamijkan wuxuu si weyn faaqi doonaa qoddobo muhiim ah sida:-

1-Doorka ay odayaasha dhaqanku ku leeyihiin doorshada

2-Qodobada la isku maandhaafsanyahay ee la xidhiidha doorashada

3-Saamaynta ay doorashadu ku yeelan karto nolosha dadweynaha ku nool Puntland.

Waxaana barnaamijka ka qayb qaadanaya, Ismaaciil Aadan Diiriye oo ah aqoonyahan ku sugan London kana faalooda arrimaha Puntland iyo guud ahaan Somalia.

Waxa kale oo ka qayb qaadanaya Burhaan Axmed Daahir oo ah guddoomiyaha ururka saxafiyiinta, iyo Jeylaani Faarax Dhegayste oo ka mid ah aqoonyahanada mudana la soo shaqeeyay ururada aan dawliga ahayn.

Barnaamijka waxaa soo diyaariyay oo daadihinaya Maxamaed Cabdi Sandheere, waxaanad ka dhegaysan kartaa isaga oo dhan qaybta hoose ee boggan.

CABDI WELI oo la kulmay haweenka

0

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa habeenkii xaley ka dhacay kulan uu ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed uu la yeeshay qaar ka mid ah haween ka socday goballada dalka.

Haweenka kulanka ka qaybgalay ayaa ra’iisal wasaaraha ka codsaday in uu kaalin muhiim ah dumarka ka siiyo xukuumadiisa.

Dhammaan haweenka waxa ay ra’iisal wasaaraha u ballan qaadeen in ay taageeri doonaan xukuumadda uu soo diiso doono.

Intaa kaddib ra’iisal wasaaraha ayaa u sheegay haweenka ka qaybgalay kulanka sida xukuumadiisa ay doorka u siin doonto haweenka.

Sidoo kale, ra’iisul wasaare Cabdiweli  ayaa tilmaamay haweenku in ay kaalin ka qaadan karaan dib u dhiska dalka, dhaqaalaha soo celinta, federaaliisimka, horumarinta arrimaha bulshada iyo adkeynta ammaanka.

Ra’iisal wasaaraha ayaa haweenka u sheegay in qorshaha xukuumaddiisa ay ka mid tahay siddii looga hortegi lahaa dhibaatooyinka loo geesto haweenka oo ay ka mid tahay kufsiga.

Waa kulankii ugu horreyay oo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Maxamed oo shaley xafiiska la wareegay uu la qaato haween ka socday gobalada dalka qaar ka mid ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

10 SOOMAALI ah oo lagu dilay dagaal shiico iyo sunni ku dhex maraya…!

0

Muqdisho (Caasimada Online) Ku dhawaad 10 qof oo Soomaali ah ayaa ku dhimmtay dagaal bishii seddaxaad ka socda dalka Yemen gaar ahaan magaalada Damaaj.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu u dhexeeyo kooxo suniyiin ah oo tiro yer iyo Shiico aad u fara badan kuwaasoo ku dagaalamaya deegankan Damaaj oo ah geegan hal km dhinac ka kooban.

Waxaa kaloo jirra 43-qof oo Soomaali ah oo ku dhaawacantay dagaalka ka soda dalka Yemen.

Kooxda Shiicada ee xuutiyiinta ayaa doonaya in magaalada ay ka saaraan kooxda Suniyiinta oo doonaya in magaalada ay ku faafiyaan diinta islaamka.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu go’doomiyay magaalada dhan oo wax dawo iyo cuno aysan hallin muddada dagaalada uu socday.

Waxaa kaloo aan tagi karin magaalada lagu dagaalamayo hey’adda bisha iyo laan qayrta cas iyo MSF.

Dowladda Yemen ayaa u muuqata dagaalada in ay gacanta ka taagday, waxaana maalinta kasta magaalada San’a ka dhacay dibadbaxyo lagu codsanaayo in lagu joojiyo dagaalada ka socda magaalada Damaaj.

Soomalida ku nool magaaladan ayaa lagu sheegaa tiradooda 300 waxaana ay u badan yihiin kuwa ka yimid qurbaha, waxaana ay halkaas u tagaan carruurtooda in ay bartaan diinta Islaamka, maadama uu halkaas ku sugan yahay wadadaad diinta ku fiican.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka

[email protected]

Daawo Video: Tarsan oo cabsi geliyey shacabka magaalada Muqdisho

0

Caasimada Online: Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa hadal haya hadal dhagahooda ku cusub oo ay aysan maqlin weligood, oo kasoo yeeray maamulka gobolka Banaadir.

Maamulka gobolka Banaadir, ayaa shalay ku dhowaaqy go’aan cusub, oo ay ka damacsan yihiin magaalada, waxaana hadalkaas ku dhowaaqy guddoomiye Tarsan.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Yusuf Garad oo shaaciyey wixii uu ku soo arkay xafiisya 3-da u sareysa DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo ah nin in muddo ah ku soo dhex jiray warbaahinta isla markaana isku soo taagay xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay olole iyo hardan ka socda xafiisyada madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisal wasaaraha.

Wuxuu sheegay in xafiisyadaas ay ka socdaan qaabbilaad aan kala go’ lahayn oo ku aadan dad doonaya in ay ka soo muuqdaan golaah wasiirada cusub.

Wuuu caddeeyay in cid kasta ay dooneyso awood qaybsi ku aadan siddii ay isakaga arki lahaayeen golaha wasiirada cusub.

Wuxuu yiri “Jimca wanaagsan saaxiibbayaal. Waxaan idinka soo salaamayaa Muqdisho. Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaaraha Soomaaliya waxaa ka socda qaabbilaad aan kala go ‘ lahayn. Waxaa la qeybsada Guddoomiyaha baarlamaanka. Waxaa la yiri inta badan dhegehooda waxaa ku soo noqnoqda – Reerkeenna ku dar Golaha Wasiirrada; hebel waa in uu ahaadaa, aniga haddaad igu dari weydo baarlamaanku ma ansixin doono; car sannadkan hebel ku soo dara; anigu waxaan haystaa taageerada beesha, aniga dowlado ayaa i wata; hadda ka hor jagadaan anigaa hayn jiray, saxiixa mudanayaasha beesheyda anigaa haysta; hoggaamiye dhaqameedka beesha haddaan ahay kursigeenna waa in uu markaan hebel helaa iwm.

Nin aan ka sheekeysannay wuxuu yiri: Soomaali haddaan nahay waxa aan raadineyno iyo waxa noo danta ahi isma waafaqsyaan! Mana la isku heli karo in madaxda loo tilmaamo sida ay Xukuumadda u dhisayaan, ka dibna wax qabad la’aan lagu eedeeyo marka dadkii lagu khasbay ay hawsha qaban aqoon waayaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maxaad ka taqaan maalmaha galmadu ay keeni karto bacrimin? (Faa’iideyso)

0

GOORMA AYAY BACRIMINI DHICI KARTAA?

Si aynu su’aashaasi uga jawaabno aynu derisno afartaan xaaladood:

– Hadday galmo dhacdo muddada u dhaxaysa maalinta ay haweeneydu ka qabaysato dhiigga caadada, ilaa iyo afar maalmood kahor maalinta ay ugxantu diyaarka u tahay in la faxlo, xawadii waa ay dhimanaysaa intaanay la kulmin ugxantii, maadaama aanay noolaan karin wax ka badan afar maalmood, sidaasi daraadeed bacrimini ma imaan karto.

– Hadday galmo dhacdo afar maalmood ilaa iyo maalin kahor xilliga ugxamaynta, xawada inteeda badani waa ay dhimataa, qaar baase gabbaadin ka dhigta raacana dareeraha duufka ah, halkaasina ku suga soo bixitaanka ugxanta. Markii muddo la joogaba qaar xawadii kamid ah ayaa dibadda u soo baxa si ay bal u hubiyaan inay ugxantii soo baxday iyo in kale, halkaasina ay Aysiidha cambarku qaar kale kaga leysaa. Ugu dambeynta hal xawo ayaa laga yaabaa inay nasiib u yeelato inay ugxantii la kulanto, halkaasina ku bacrimiso. Xawada qura ee ay suuragal tahay inay wax bacrimiso waa nooca X, maadaama aanay Y muddada intaa la’eg noolaan karin keyd cunto iyo adkaysi yaraan aawadood.

– Haddii la isu galmoodo maalinta ugxamaynta ilaa iyo 24ka saac ee xiga, ugxanta ayaa ah markaasi tan iyadu sugaysa inay xawadu u timaado, sidaasina bacrimintii ku dhacdaa. Xawada wax bacrimin karta xilligaasi waa Y, maadaama ay ka firfircoon tahay X, kagana hor marayso ugxantii oo diyaar ah.

– Haddii la isu galmoodo kolkay 24 saac ka soo wareegto ugxamaynta iyo wixii ka dambeeya, nasiib darro ugxanta oon noolaan karin wax ka badan 24 saac aawadeed, ayay intay quusato murugo u dhimataa.

Waxaad halkaasi ka garan kartaa in muddada ah afar maalmood kahor iyo 24 saac kadib maalinta ugxamayntu ay tahay waqtiga ugu habboon ee bacrimini dhici karto.

Su’aashii aynu mar dhoweyd ka jawaabnay haddaynu si kale isu weydiinno, qaab kalena uga jawaabno, waxay noqonaysaa sida tan:

W/D: Sabriye Macallin Muuse

Raddin Shubaha: Muxuu Nebiga NNKH u guursaday Zaynab Bint Jaxshi RC?

0

RADDIN SHUBAHAT- (Muxuu Nebi Muxammad (NNKH) u guursaday Zaynab bint Jaxshi)?

Qormadani waa silsiladda labaad ee raddinta shubahada umadda caamada ahi lagu marin habaabiyay, waana cashar ku wajahan cid kastoo ka shakida Nebinnimada Nebi Muxammad (NNKH).
Qormooyinkan raddinta ahi ee taxanaha ah, waxaa u sabab ahaa inaan qoro qoraal aad u dheer oo uu iisoo direy nin siduu sheegtay riddoobay, misna taagan diinta Islaamka ma ahan diin xaq ah, Nebi Muxammadna (NNKH) ma ahan nebi xaq ah oo run  ah. Wax waliba waxay u baahan yahiin sabab. Wixii aan ku idhaahda maanta waa caddaan, haddii aad i tiraahda waa madow waxay u baahan yahiin sabab. Ninkani wuxuu sheegey sababo dhowr ah oo uu u leeyahay Muxammad (NNKH) ma noqon kara Nebi. Sababahaasi waxaa kamid ahaa oraahdan hoose oo aynu maanta ciwaanka kusoo qaadan doonna, si uu uga faa’iideysta casharkan isaga iyo inta lamidka ahina ay u fahmaan in  lasoo sirey ama lasoo khalday.
e. ”Wiilkii uu isagu soo korsday Zayd ibn Harithah ayuu Maxamad ku amray inuu naagtiisa furo si uu asagu Maxamad ahaan u guursado gabadhaas oo lagu magacaabi jiray Zaynab bint Jahsh (Quran: Surah 33: 36-38)”.

Wuxuu oranayaa ninkani (magaciisa kusheegey Hassan Colhaye), nebi Muxammad (NNKH) wiilkii uu soo korsaday (Zayd bin Xaaritha bin Shuraxbiil) ayuu amray inuu fura xaaskiisii (Zaynab bint Jaxshi), si uu isaga u guursado. Waa caqli liita runtii fikirka ninkani iyo waxa loosoo aqriyey.

Munaafiqiintii Madiinah iyo gaaladii Qureesheed ayaa horey nebi Muxammad (NNKH) ugu durtay arrinka guurka Zaynab, laakiin way u meel mari weyday. Waxyaabahii ay gaalada iyo Munaafiqiintu ku daacayadeynayeen arrinkakasina ma ahayn waxa uu ninkan maanta ku dacaayadeynaya, balse waxay ahayd in Zayd bin Xaaritha markuu furey kadib uu nebi Muxammad (NNKH) guursaday Zaynab, taasoo Carabta agteeda ceeb ka ahayd, in wiil aad soo korsatay gabadhuu fura aad adigu guursata. Waxaanay kasoo qaadi jireen wiilkaasi inuu yahay sida wiilkooda oo kale.
Marna ma dhicin inay gaaladaasi iyo munaafiqiintuba ay ku tuhmeen Nebi Muxammad (NNKH) inuu amray Zayd inuu fura Zaynab oo uu guursada isaga, taasu ma ahayn wixii lagu dacaayadeeyay Nebi Muxammad (NNKH) waayo way ogaayeen inaanay sidaasi ka suurtoobeynin arrinkuna aanu ahayn qaabkaasi, laakiin arrinta ay la yaabeen ee aad adigu ku kadsoontay ayaa ahaa caada cusub oo ah in wiilka aad ka wiil dhigatay gabadhuu fura inaad guursan karto.
Hadda waxaa habboonaan lahayd marka hore inaad ogaato shaqsiyadda Zaynab kadibna aad is weydiisa guurka siduu ku yimid. Ma ahaa mid uu Nebi Muxammad (NNKH) doortay guurkaasi mise wuxuu ahaa mid Alle amray? Sababtu maxay ahayd?
Zaynab waxaa dhashay nebiga (NNKH) eeddadiis la dhalatay aabbahiis. Nebiga (NNKH) awoowgiis Cabdimutallib wuxuu guursaday haween dhowr ah, waxayna u kala dhaleen 10 wiil iyo 6 gabdhood. Lixdaasi gabdhood ee nebiga (NNKH) eeddooyinkiisa ahi Safiyah uun mooyaane shanta kale oo la kala oran jirey Ummu  Xakiim Baydaa, Arwaa, Barrah, Umaymah iyo Caatikah waxay ahaayeen isku hooyo, waxayna la hooyo ahaayeen nebiga (NNKH) aabbahiis Cabdillaahi iyo adeerradiis Zubayr iyo Abii Taalib, waxaana dhammaantood dhashay gabadh reer banii Makhzuum ahayd (reerka uu ka dhashay Abii Jahal) oo la oran jirey Faatimah bint Camr ibnu Caa’id bin Cimraan Al Makhzuumiyah.
Zaynabta aad u jeedda waxaa dhashay nebiga (NNKH) eeddadiis la hooyo iyo la aabba ah, oo la oran jirey Umaymah bint Cabdel mutalleb, waxay ku dhalatay magaallada Makka Al Mukarramah, ee uu kudhashay nebi Muxammad (NNKH), guriga ay ku dhalatay waxba kama fogeyn guriga uu kudhashay nebiga (NNKH), isku meel ayayna kuwada noolaan jireen. Wuxuu arki jirey Zaynab oo yar oo hortiisa ku ciyaaraysa, sida uu u awoodi karay inuu Zaynab guursadana ma jirin haweeney kale oo xaasaskisa kamida oo uu u awooday. Gabadha sidaas ugu dhaweyd nebiga (NNKH) wax dan ah kama gelin, jeer uu markii dambe u guuriyey wiilkii uu soo korsaday. Haddii Muxammad (NNKH) uu damci lahaa guurka Zaynab, uma aanu guurin lahayn Zayd, ee asagaa guursan lahaa. Haddii uu nebi Muxammad (NNKH) marna ku fekerey inuu guursada Zaynab intuu Makka joogay buu guursan lahaa umuuna guuriyeen Zayd.
Yaa amray Zayd inuu furo Zaynab?
Zayd wuxuu ahaa kuray yar oo uu soo korsaday Nebigu, aadna uu u jeclaa, wuxuuna u guuriyey gabadhii eeddadiis Umaymah ay dhashay ee Zaynab. Waxaa caado ahayd Carabta dhexdeeda addoomadu inaanay guursan karin hablaha ay u yaqaanaan kufka, ee hooyooyinkooda ama aabbayaashoodu midkood yahiin Qureeshta, Zaynabna hooyadeed waxay ahayd dadkii ugu nasab fiicnaa Qureeshta (reer Haashim). Sidaa daraaddeed guurkoodii looma aayin, dhibaatooyin badan baana ka dhex dhici jirey ayada iyo Zayd.
Siiradu waxay qoreysaa in Zayd uu u tegey Nebiga (NNKH) oo uu ku yiri Zaynab lama noolaan kara, waan iska furayaa, markaasuu Nebi (NNKH) arrintaasi aad uga murugooday, oo mar kale ku amray inaanu furin xaaskiisa oo uu ceshta. Xaaladdaasi markay soo noqnoqotay Zaydna uu u adkeysan la’yahay Nebiguna uu amraya mar walba inuuna iska furin oo xajiska xaaskiisa, baa Zayd uu furey Zaynab, markaas bay soo degeen aayadahan qiimaha badan ee ka warramaya dhacdadaasi. Zaydna waxaa karaama iyo qiima ugu fillaaday inuu noqday saxaabiga kaliya ee magaciisa lagu xusay Quraan la akhrinaya tan iyo maalinta Qiyaamaha oo ah hadalkii Ilaahay ee xaggiisa ka yimid.
Waa kuwan aayadda
(Xusuuso) markaad ku lahayd kii Alle u nimceeyay, ee aad aduguna u nimceysay(Muxammadoow!! ”NNKH”) haysa xaaskaaga, Allana ka cabsa, naftaadana aad ku qarineysay wax Alle muujinaya oo aad ka cabsanaysid (yacni ka xishooneysid) dadka, Alle baana mudan in laga cabsada (oo lagana xishooda), markuu Zayd dantiisii ka dhammaystayna (oo ay is fureen isaga iyo Zaynab) baan kuu guurinnay si ayan wax dhiba u ahaanin mu’miniinta (hadday guursanayaan) haweenka ay furaan kuwa ay wiilasha ka dhigteen (ee aanan wiilashooda ahayn), amarka Ilaahayna waa midkii la fuliya”. Al Axzaab: 37d
Xikmaddee baa ka dambeysay inuu Zayd fura Zaynab, maxaana loo amray inuu Nebi Muxammad (NNKH) guursada iyada?
Xikmaddaasu waa caddahay sida ka muuqata aayaddan, waxayna ahayd in lagu tirtira caada jaahili jiri jirtay, oo ahayd in wiil aad soo korsatay aad ka dhigato sida wiilkaada oo kale, taasoo xaqiiqda ka fog. Sidoo kale kudhaxlaya oo aanan guursan karin gabdhahaada iwm. Sidoo kale aadan guursan karin gabadh uu furay wiilkaasi, si caadadaasi loo tirtira baa lagu tir tiray arrinkaasi tusaalihii umadda (waa Nebiga ”NNKH”). Sidii bayna arrintii noqotay oo Carabta dhexdeeda maalintaas baa ugu dambeysay caadadaasi, xataa kuwii aanan markaasi Islaamin ayaa u riyaaqay arrinka uu amraya Quraanka, sidaas bayna arrini ku dambeysay.
Ilmaha lasoo korsaday oo laga dhiga sida ilma aad dhashay oo kale oo ku dhaxla adna aad dhaxashaahi reebiddeeda ayuu Ilaahay ku fur furtay horraanta suuradda Al Axzaab ee ay ku jiraan aayadaha kawarramaya xaadisadii guurka Zaynab. Sidaa darteed baa arrinta ay suuraddu ku furfuratay si loo waadixiya dhowr iyo soddon aayadood kadib billawgeeda wuxuu Ilaahay ku boqna jaray caadada ku dhex raagtay umadda ee ay ka diin dhigtaan. Maantana Ilaahay amarkiis dunida Muslimka iyo cidda aanan Muslimka ahaynba caadadaasi way ka suushay Alle mahaddiis, waana halka ay aayaddu dhammaadkeeda ka oranaysa ”Amarka Ilaahayna waa midkii la fuliya”. Al Axzaab: 37d.
Subxanallaah!! minaayba mucjiso ahayn qeybta dambe ee aayadda ugu dambeysa, waayo waxay oranaysaa arrin Carabta ku weyneed oo agtooda caado qadiim ah ka ahayd baa Quraanku wuxuu oranayaa Alle baa amraya in caadadaas la dabarjara oo misna oranaya ”Amarka Ilaahayna waa midkii la fuliya”.
Waa rumowday arrintaasi oo caadadii maalintaas baa ugu dambeysay geyigaas, oo waa dabar go’day siduu Quraanka ku goodinaya. Haddii marka uu Quraankani meel kale oo aanan Alle agtiisa ahayn, ma xaqiiqa sidaas u weyn ayuu keeni kari lahaa?
Maxay tahay marka waxa aad ku liideysa oo aad u oranaysa Muxammad (NNKH) wuxuu guursaday gabadhii wiilka uu soo korsaday, sidaa daraadeed maahan nebi? Nebi miyaanu guursan karin gabadha wiilka uu soo korsaday? Haddii aad tiraahda asagaa amray Zayd inuu fura Zaynab si uu u guursada, waxaan ku oranayaa waa beentaa, waayo aayadaha aad numberadooda soo qortay ee suuradda Axzaab ku jirta sida aad tiri si aanan ahayn bay oranayaan. Ma oranayaan inuu Nebigu (NNKH) amray Zayd inuu fura Zaynab, laakiin aayadahaasi waxay tilmaamayaan in nebigu (NNKH) uu arrinkaasi kasoo horjeeday oo xataa uu ka cabsi qabay in dadku ay kula yaabaan.
Haddaba waxaan kuweydiiyey Hassanoow!! xaggee baad ka keentay warka ah Nebiga (NNKH) inuu amray Zayd bin Xaaritha inuu fura Zaynab si uu u guursado? Quraanka kama aadan keenin, waayo Quraanka sidaas ma ahee si kale ayuu oranayaa? Baybalka kama aadan keenin waayo, kama hadla Baybalku waxaas? Xadiis ma jira oranaya sidaas oo aad soo daliishatay? Kaliya waxaad soo qortay aayada lambaradooda, iyana sida aad tiri ma oranayaan.Halka aad ka keentay waxaasi innaga waa noo caddahay oo waa xaashiyaha yar yar ee ay masiixiyiinta diinta faafiya ay kusoo siiyeen, cilmi looga hortaga oo laysaga celiyana malihid, saa waxaad ku qaabiishay oraahda ah ”qabbaltu”, macnaha yeelay. Tii baad moodday inaanay jirin dad cilmi leh oo kaala hadli kara, saad dadka lasoo dhex gashay adigoonanba khajileynin. Ka warran intan ooxaqiiq ah kadib, maxaa kula gudboon oo aad samayn doontaa? Ma waxaad jeexjeexi doontaa warqadaha lagugu soo sirey oo xaqa baad usoo laaban doontaa, mise dhoohane wax ma arka mana maqlee halkii baad jahli lasii duur geli doontaa?
Ilaahay haddii uu xaqa kula doona wuu ku fahamsiin doonnaa, haddii uuna kula dooninna xaabada Jahannama ayuunbaad noqon doontaa. Shaqsi ay ummaduhu rajayn doonaan maalinta Qiyaamaha si uu ugu shafeec qaada ayaad dafirtay isaga iyo caddeymahiisa iyo xaqa uu la yimid oo aad leedahay maahan nebi.. Waa kuu lama huraan marka haddii aadan ka toobad keenin arrinkaasi inaad noqota xaabada Jahannama.
Waxaad la yaabtay in Nebi uu guursada gabadha uu furay wiilkii uu soo korsaday, sidaa daraaddeedna waxaad tiri nin sidaasi sameeyay ma noqon kara nebi. Haddaba Maxay tahay sababta aad ku rumeysay nebi Luud oo aad ugu sheegtay nebi? Waayo kitaabka aad leedahay waan aaminsanahay ee Baybalka, wuxuu qorayaa inuu la seexday labadiisii hablood ee uu dhalay kadib markuu sakraamay. Subxanallaah!!. Waa ka hufan yahay Nebiyullaahi Luud waxa aad ku sheegteen, laakiin haddii aad aaminsan tahay waxa sidaas ah in nebinnimada aanay waxba u dhimeyn maxay tahay sababta aad u oranaysa nebi Muxammad (NNKH) ma noqon kara nebi maadaama uu guursaday gabadh uu furay wiilkii uu soo korsaday?’
Bal eeg yaqyaqsadan aad kusheegeysaan nebigii Ilaahay ee dahirsanaa Luud nabadi dushiisa ha ahaatee. Luud waa ninkii ay dadkii baladkiisa kusheegeen inuu yahay shaqsi is dahirin badan oo faxshida iyo xummaanta ka nasahan, waana nebi Ilaahay doortay.Luud wuxuu Quraanka inooga warramayaa in qoomkiisii liwaadka ku talax tegey ay yiraahdeen siduu Alle ka warramaya sida kusugan aayadda 82d ee suuradda Al Acraaf.

{ وَمَا كَانَ جَوَابَ قَوْمِهِ إِلاَّ أَنْ قَالُوا أَخْرِجُوهُمْ مِنْ قَرْيَتِكُمْ إِنَّهُمْ أُنَاسٌ يَتَطَهَّرُونَ..}

”Ma noqon jawaabtoodii qoomkiisa (qoomka Luud) wax kale, inay yiraahdeen uun mooyaane ka saara magaalladiina (isaga iyo inta raacsan)”. .Al Acraaf: 82dBaybalku muxuu ka oranayaa bal eeg yaqyaqsadaniGenises/Billawgii: 28: 30d- 38d

30. Luudna Socar wuu ka baxay, oo buurtuu degay, isaga iyo labadiisii gabdhood ee la joogayba; waayo, wuu ka cabsaday inuu Socar degganaado, wuxuuna degay bohol dhexdeed, isaga iyo labadiisii gabdhood. 
31. Oo tii curadda ahayd waxay tii yarayd ku tidhi, Aabbeheen waa duq, dhulkana ma jiro nin inoo iman kara sida caadada dunida oo dhan tahay. 
32. Kaalay, aynu aabbeheen khamri cabsiinnee, markaasaynu la jiifsanaynaa, si aynu aabbeheen farcan ugala hadhno. 
33. Oo habeenkaasay aabbahood khamri cabsiiyeen, oo tii curadda ahayd baa u tagtay oo la jiifsatay aabbeheed; mana uu ogayn markay la jiifsatay, iyo markay ka kacday toona. 
34. Oo waxay noqotay in maalintii dambe ay tii curadda ahayd ku tidhi tii yarayd, Bal eeg, xalayto aabbahay baan la jiifsaday: caawana aynu khamri cabsiinno; oo adigu u tag oo la jiifso isaga, aynu aabbeheen farcan kala hadhnee. 
35. Oo haddana habeenkaasay aabbahood khamri cabsiiyeen: oo tii yarayd baa kacday oo aabbeheed la jiifsatay; mana uu ogayn markay la jiifsatay iyo markay ka kacday toona. 
36. Oo sidaasay Luud labadiisii gabdhoodba aabbahood uurka ugu lahaayeen. 
37. Oo tii curaddii ahayd waxay dhashay wiil, oo waxay magiciisii u bixisay Moo’aab, isna waa reer Moo’aabka maanta joogo aabbahood. 
38. Tii yarayd iyana waxay dhashay wiil, oo waxay magiciisii u bixisay Bencammi: isna waa reer Cammoonka maanta jooga aabbahood.
Xaaladdaasi Luud kama suurtoobin, shaqsiyad nebiyeedna sidaasi kama suurtowda, bes laakiin Baybalka wuxuu aaminsan yahay in nebi sidaas ka suurtowda. Bal yaa daran nebi guursaday wiil uu soo korsaday gabadh uu furay, iyo mid labadiisii gabdhood carruur ka dhalay??Quraankeena kariimka ahi wuxuu sharfay nebiyada, martabad aanay diin kale gaadhsiinin buuna gaarsiiyey. Diinta Islaamku waa diin naxariis oo xaqiiqa kudhisan. Mahan waxyaabaha ay shayaadiinta inay farahooda kuqoraan yiraahdaan waa kitaab Alle, oo misna dhexdiisa nebiyada Alle sidaas loogu aflagaadeeya.
Sidoo kale aqri qormooyinkeenii hore ee Difaaca Suubanaha SCW

Raddin Shubbaha ah – Nebi Muxammad (NNKH) wuu dagaalamay!!

Muxuu Nebi Muxammad (NNKH) u guursaday Ca’isha? (Raddin shubaha)  

WQ: Mohammed Tahir Abdi
Email: [email protected]
____________________________________
Afeef: Qormadani waxay u gaar tahay qoraha iyo webka caasimada.net, lama daabacan kara idan la’aan.

Danjire AMEERIKA oo ka hadlay sirtii ay safaaraddiisa ka kashiftay Fowsiya?

0

Nairobi (Caasimada Online) Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi ayaa ka hadlay hadal uu dhawaan sheegay mid ka mid ah diplomaasiyiinta Soomaalida ee ka shaqeeya safaaradda.

Maxamed Cali Nuur Americo oo la hadlaayay Radiyaha Dowladda ayaa sheegay hadalka uu kashifay Cabdi Sataar Xasan Cali uusan ahayn mid xaqiiqo ah.

Danjire Americo ayaa sheegay in Cabdisataar laga ceyriyay shaqada dhowr bil ka hor isla markaana uusan ku hadli karin magaca safaarada oo uu ka ahaa xog-hayaha seddaxaad.

Wuxuu sheegay in uu raali galin ka bixinaayo hadalka uu sheegay Cabdisataar isagoona intaas ku daray in dowladda ay u baahan tahay taageero.

“Aad baan uga xumahay hadalada dacaayada ah ee uu sheegay Cabdisataar, waxaan caddeenayaa in uusan ka tirsaneen safaarada ninkaas ayuu yiri” Ameerico oo u muuqday qof ka carooday hadalka uu sheegay Cabdisataar.

Si kastaba, dhawaan ayaa mid ka mid ah diplomaasiyiinta Soomaalida ee fudhida magaalada Nairobi wuxuu ka shifay war sir ah oo ku saabsan sii hayaha xilka wasiirka arrimaha dibedda marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan in ay dhacday lacago badan oo loogu talagalay safaaradaha Soomaalida, waxaana ay guryo uga iibsatay magaalada Nairobi.

Hadalka danjiraha waxa uu u muuqdaa mid dowladda ay ka carootay sirta ay dusisay safaaradiisa waana tan keentay in uu beeniyo hadalkaas uu sheegay Cabdisataar.

Ma cadda Cabdisataar in uu weli ka tirsan safaaradda iyo in kale, balse warkan wuxuu noqday mid wax badan iftiimiyay oo ku aadan shaqada ay heyso siihayaha xilka wasiirka arrimaha dibedda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

DHAGEYSO: Siyaasi arrintii ka dhacday Hotellada Muqdisho xog ka bixiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalin ka hor ayaa waxaa soo shaac baxday in Hoteello ku yaalla magaalada Muqdisho laga saaray qaar ka mid ah xubnihii ka qeyb galay shirkii Muqdisho ee looga hadlaayay aayaha gobalada Jubooyinka iyo Gedo.

Xubnahaas, ayaa waxa ay sidoo kale isku diyaarinayeen inay u dhaqaaqaan magaalada Kismaayo, oo wejiga labaad ee shirkaas uu ka furmo.

Illaaa dhowr iyo toban qof oo isugu jira siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda Jubbooyinka ayaa ay saameysay arrintan, waxaana la sheegay in talaabadan ay ka dambeysay dowladda Somalia.

Axmed Maxamed Dhalcadde waxa uu ka mid yahay xubnihii siyaasiyiinta ahaa ee hoteelada laga soo saaray, waxaana uu bixiyey xog ku saabsan qaabka ay wax u dhaceen iyo sida iminka xaalkoodu yahay.

Dowladda Soomaaliya ayuu ku eedeeyay inay jabisay heshiis uu sheegay in horay ay u kala galeen, waxaana uu dowladda sidoo kale ku eedeeyay inay la saftay maamulka KMG ee Jubba.

HALKAN HOOS KA DHAGEEYSO WAREYSIGA

Z0000026

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Warmurtiyeed ka soo baxay shir deg deg ah oo looga hadlaayay K/Sudan

0

Nairobi (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in shir degdeg ah oo ay yeesheen hoggaamiyaasha IGAD oo looga hadlay dagaalada ka socda dalka Koonfurta Sudan in laga soo saaray war-murtiyeed.

Wariyaha Caasimada Online ee Nairobi oo ku sugan xarunta madaxtooyada Kenya ee Harambi House ayaa sheegay in shan qoddobo laga soo saaray shirka maanta ay yeesheen madaxda waddamada IGAD.

Qoddobada ku qoran war-murtiyeedka waxaa ka mid ah:-

1-In dagaallada la joojiyo si shuruud la’aan ah.

2-In xafiiska IGAD uu xiir joogto ah la sameeyo dhinacyada ku dagaalamaya dalka Koonfurta Sudan.

3- In wada-hadal la dhex dhigo madaxweyne Salva Kiir iyo ku xigeenkiisii horre Riek Machar iyo haweeneydii uu ka dhintay hoggaamihii horre John Garang ee Rebecca Garang.

4-In dagaalada aysan noqon kuwa qabiil la isku laayo oo aysan ka bixin in siyaasad la isku hayo.

5- In dhinacyada dagaalamaya ay ilaaliyaan sharciyada u yaalla dagaalada isla markaana aysan dileen, dadka rayidka, shaqaalaha hey’addaha gargaarka iyo ciidamada nabad ilaalinta.

Shirka waxaa guddoominayay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo hadda ninka haya xilka IGAD, waxaana isaga iyo ra’iisal wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn ay booqdeen magaalada Juba halkaasoo ay kula kulmeen madaxweyne Salva Kiir.

Shirka waxaa kaloo ka qaygalay madaxweynaha Soomaaliya, madaxweynaha Jabuuti iyo hoggaamiyaal ka socda waddamada Uganda, Burudi iyo Ethiopia.

Dagaalka Koonfurta Sudan oo socda muddo 12-cisho waxaa ku dhimmitay in ka badan 1000 qof, tiro intaas ka badana waa ay ku dhaawacmeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

 

 

DHAGEYSO: SAACID oo wereysi cusub uga hadlay arrimo aan horey loo ogeyn

0

Muqdisho (Caasimada Online) Ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Saacid Shirdoon ayaa wareysi uu siiyay VOA wax yer uun kaddib markii uu wareejiyay xilka ra’iisal wasaaranimo wuxuu uga hadlay arrimo badan.

Saacid ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay wax yaabaha uu qabtay muddada xilka uu hayay oo ahayd 15-bilood, wuxuu tilmaamay oo kale in meel fiican uu soo gaarsiiyay Soomaaliya.

Ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya ayaa tilaamay in aqoonsiga beesha caalamka ay siisay dowladda Soomaaliya ay ku timid markii la arkay wax qabadka hey’adda dowladda sida tii fullinta oo uu isaga madax u ahaa.

379729_482703938516963_1494474582_n

Wuxuu sheegay in saacad iyo xilli kasta inta uu joogay xafiiska uu ka fikiri jiray siddii uu u qaban lahaa wax wanaagsan sida uu yiri.

Waxaa la weydiiyay in ay jireen wax faragallin ah oo lagu sameeyay shaqadiisa inta uu xafiiska joogay, wuxuu ku celceliyay in wax kasta oo lagu sameeyay uusan dib u gocaneynin isla markaana uu u soo diyaar garoobay shaqo adag oo daruuf ay ku heeran tahay.

Ra’iisal wasaarihii horre ayaa la weydiiyay bal mustaqbalkiisa iyo wax yaabaha u qorsheesan mar haddii uu xafiiska baneeyay, wuxuu sheegay in sii wadi doono ka shaqeenta siddii Soomaaliya ay horrumar u gaari lahayd.

Halkan ka dhageyso wareysiga

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DAGAALLO culus oo caawa ka dhacay Sh/oose iyo warar kale oo dheeri ah

0

Afgooye (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya deeganka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas gallinkii dambe uu ka dhacay dagaal xooggan oo la isku adeegsaday hub culus.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dhacay xaafadda Arbacow oo hoos-tagta deeganka Ceelasha Biyaha, ma cadda khasaaraha ka dhashay iyo siddoo kale cidda uu u dhexeeyo.

Xaaladda deeganka ayaa caawa kacsan waxaa weli la maqlayaa daryanka rasaasta sida ay Caasimada Online u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Dhinaca kale, kooxo hubeysan ayaa bambo gacmeed ku weeraray caawa saldhigga booliska ee magaalada Marka xarunta gobalka Shabeellaha Hoose.

Weeerarka ayaa la sheegay in uu geestay khasaaro balse si dhab ah looma oga inta uu gaarsiisan yahay.

Weerarka kaddib ciidamada ammaanka ayaa howgallo ka billaabay agagaarka saldhigga booliska magaalada Marka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

XASAN SH oo safar deg deg ah aaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa galabta u ambabaxay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaasoo uu uga qaybgali doono shirka hoggaamiyaasha IGAD oo looga hadlaayo dagaalka ka socda dalka Koonfur-Sudan.

Afhayeenka madaxweynaha, Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa warbaahinta u sheegay in madaxweynaha uu ka mid yahay madax ka tirsan urur-goboleedka IGAD oo codsatay in shir degdeg ah laga yeesho collaada ka aloosan Koonfur-Sudan, kaasoo ka dhacay Nairobi.

Eng Yariisow ayaa xusay in madaxweynaha inta uu joogo Kenya uu kulamo goonni goonni ah la qaadan doono madaxda IGAD.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu hoggaamiyaasha gobalka uu kala hadli doono siddii loo badbaadin lahaa Soomaalida ku nool dalkaas.

Dhinaca kale, magaalada Juba waxaa maanta gaaray madaxweynaha Kenya Uhurro Kenyatta iyo ra’iisal wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, waxaana ay kulamo la qaateen madaxweynaha Koonfurta Sudan Silver Kirr.

Madaxda gobalka ayaa doonaya in ay qaboojiyaan colaada ka taagan dalkaas, oo dad badan ay ku dhinteen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

XOG: Habar-Gidir oo ku gacan seertay wasiirkii uu u qoondeeyey Xasan Sh.

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Beelaha Habar-Gidir, ayaa ku gacan seeray qorshe cusub oo madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh uu ka damacsan yahay golaha wasiirada cusub ee dhowaan la dhisi doono, sida ay ilo-xog ogaal ah ay u sheegeen Caasimada Online.

Madaxweynaha, ayaa u sheegay Habar-Gidir in la siin doono wasiiradda arrimaha gudaha, balse ay sidoo kale jiri doonto wasaaradda Amniga Qaranka oo iyana la sameyn doono, taasi oo ay diidmo ka muujiyeen.

Xubno ka tirsan beeshaas ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in kullan ay beesha dhowaan la yeelatay madaxweynaha uu ku dhammaaday natiijo la’aan, ayada oo Habar-Gidir ay diiday qorshaha Xasan Sheekh.

Waxa ay u sheegeen madaxweynaha inaysan dhib ku qabin inay sii hayaan wasaaradda arrimaha gudaha, balse aysan aqbali karin in wasaarad kale laga doc sameeyo, taasi oo jahwareer siyaasadeed abuuri karta.

Waxa ay madaxweynaha ka dalbadeen inuu sameeyo laba arrin midkood oo ah in wasaaradda arrimaha gudaha kaliya ay jirto, ama labada wasaaradood ee arrimaha gudaha iyo amniga qaranka la isku qabto.

Dhismaha wasaaradda amniga qaranka oo horey uga jirtay dowladihii KMG ahaa, ayaa ka dhigeysa in howlo badan oo ay lahayd wasaaradda arrimaha gudaha sida maamulka ciidamada booliska iyo nabad sugidda ay u wareegi doonaan amniga qaranka.

Siyaasiyiinta Habar-Gidir ayaa ku dooday in tani macnaheedu uu yahay in beesha lagu koobay oo kaliya nus wasaarad, taasi oo aan u qalmin, sida ay hadalka u dhigeen.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Xukuumadda cusub ee dhowaan lasoo dhisi doono, ayaa waxa ay ka koobnaan doonta 25 wasaaradood, ayada oo dhowr wasaaradooda oo horey isu dul saarnaa la kala qaad qaadi doono, si beelo badan loogu qanciyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog iyo Gorfeyn: 25 wasiir, 25 wasiir ku xigeen iyo 5 wasiiru: Soomaaliya..!

0

Qodobka 64-aad: Tirada Xubnaha golaha Shacabka Tirada Xildhibaanada caadiga ee Golaha shacbiga (Aqalka Hoose) ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa Labo Boqol iyo Shan iyo Todobaatan (275). Waxay beeluhu u qeybsadeen wax la yiraahdo 4.5, mana rumeysni inay tahay DIINIYAN, AKHLAAKHIYAN, in qof LAB ah lagu tilmaamo .5, haseyeeshee, Soomaalida ayaa ku heshiisay, waxna ku qeybsatay, kolkaad aqrido qodobka 64-aad ee Dastuurka ku qoran.

Miyaanay habbooneyn in baarlamaanku ka saaro dastuurka tirada kala dhiman ee wax lagu qeybsaday ee ku salaysan hab beeleedka, inta aan loo guda galin Golaha Fulinta.

Ma suurtoobi karto, in baarlamaanka lagu qeybsado 4.5, Golihii fulintana lagu qeybsado Shan beelood oo siman, waxay arrintaasi noqoneysaa wax is khilaafsan, kana soo horjeeda qaabkii lagu qeybsaday baarlamaanka.

MURTI AYAA ORANEYSA (HASHU MAANKEYGA GADAYE EE MA MASAAR BEY LIQDAY), waxaan uga jeedaa Madaxweynaha, Guddoomiyaha baarlamaanka miyaaney akhrisan waxa ay beeluhu ku qeybsadeen Golaha Shacabka, mise waxay jecelyihiin inay wax ku fuliyaan siyaasad ay markaas dan ka leeyihiin.

Waa wax lala yaabo, kooxdan yar ee af-duubka ku heysata qarankii soomaaliyeed in lagu fiirsado siyaasadaha shirqoolka ah ee iska hor keenaya beelihii soomaaliyeed, ee mar hore wax ku qeybsaday 4.5.

Waxaa soo iftiimaya shirqoolkii 184-ta Mudane ay ku heshiiyeen, sida uu hadda u burburaayo, Beesha Shanaad waxaa hoggaaminaya Faarax C/qaadir oo baadi goobaya, sidii loo heli lahaa 5-wasiir oo la siiyo beesha shanaad; maxaa yeelay waa beel markii la rabo wax lagu fushan karo, laguna burburin karo.

Waxaa kale oo habeenkii xalay ku arkaayay qasriga Madaxtooyada, koox la baxday (KUDLAD) oo baadi goob ugu jirta, ballanqaadyadii ku saleysnaa marka aanu ridno ra’iisul-wasaarihii hore, waa inaanu helnaa saamigii aanu ka heli laheyn xukuumadda cusub. Waxay ilaaween inay ku yimaadeen 4.5, waxa lagu qeybinaayo golaha fulintana inay tahay 4.5, waxaad moodaa iyagana in la isticmaalay, maadaama ay wax ku baadi goobayaan wax la yiraahdo (kudlad).

Waxaa kale oo iyana olole ugu jirta baadi goobka Golaha Wasiirada, koox la baxday (BADBAADO), iyagana waxaa lagu hawl geliyay, kolka aad riddaan ra’iisul-wasaarihii hore, waxaad ka muuqan doontaan Siyaasadda cusub ee dhalan doonta, waxaana qeyb libaax ka heli doontaan golaha Wasiirada ee cusub.

Waxaa tasa ka sii daran, qof qofka iskiis u socda oo baadi goobaya ballan qaadkii laga ballan qaaday inuu ka mid noqon doono xukuumada cusub.

Isku soo wada duub; waxaa soo iftiimaya qaabkii loo shirqoolay Ra’iisul-wasaarihii hore Dr. Saacid, iyo sida hadda laysu maan dhaafsan yahay kuwii ka danbeeyay inqilaabka. Waxaan u dhaafi doonaa taariikhda aan beenta sheegin iyo maalmaha dhow ee innagu soo haya foodda.

Waxaa taa ka sii daran, kuwii loo ballan qaaday inay noqonayaan Ra’iisul-wasaare, kolka Saacid la rido, oo iyaguna si deg deg ah diyaarad uga raacay Muqdisho, iyagoo ilaaway inay ka mid yihiin Golaha Baarlamaanka.

Waxaan talo ahaan, u soo jeedinayaa Ra’iisul-wasaaraha cusub inuu ka fogaado, wax ka badan 18-wasiir, 18-kuxigeen, 2-wasiiru dowle, haddii uu aqbalo hindisaha kooxda yar ee ka soo jeeda urur diimeedyada, sida DAM JADIID, JAMAACATUL ISLAAMIYA iyo MADAXWEYNE Xasan Sheekh oo ku lammaan, waxaa kala kulmi doontaa Beesha Caalamka Fadeexad, shacbiga soomaaliyeedna waxay u arki doonaan in loo yeedhiyey, iyagoo waxuun kooxdaasi ay rabto inay ka fuliso ballan qaadyadii dhagareysnaa.

Soomaaliya, marnaba xal u noqon meyso in laga dhigo Golaha Fulinta 25-wasiir, 25-wasiir kuxigeen, 5-wasiiru dowle, maxaa yeelay waa soo marnay, waxnna way soo kordhin waayeen, marka laga reebo kharash fara badan oo ay galaan.

65-tii Mudane ee uu ka geeriyooday Mujaahid Feysal, waxay u taagan yhiin inay bad-baadiyaan wadanka, waxaana hadafkoodu yahay inaan mid kasoo noqon wasiiradii hore ee galay shirqoolka dhagareysan, saxeexayna mooshinkii laga soo mustafeeyay qasriga Madaxtooyada. U maleyn maayo, inay baadi goob ugu jiraan sidii ay uga mid noqon lahaayeen xukuumaddan cusub; haddii ay soo noqdaan dhagar qabayaashii, Soomaali baday xukuumad la’aanta.

W/Q: Cali Daacuun
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

Qarax weyn oo ka dhacay KISMAAYO

0

Kismaayo (Caasimada Online) Magaalada Kismaayo waxaa maanta ka dhacay qarax lagu weeraray kolonyo ay la socdeen ciidamada AMISOM ee halkaas ku sugan.

Qaraxa oo ka dhacay nawaaxiga garoonka diyaaradah waxaa la sheegay geestay khasaaro balse si weyn looma ogga.

Qaraxa oo si weyn looga maqlay magaalada dhan, ayaa la sheegay goobta uu ka dhacay in ay isku gadaameen ciidamada Kenya iyo kuwa Jubba.

Ma cadda khasaaraha soo gaaray ciidamada la weeraray balse goobjoogayaasha waxa ay lee yihiin waxaan aragnay mid ka mid kolanyada AMISOM oo burbur uu soo gaaray.

Qaraxa kaddib ciidamada AMISOM iyo kuwa maamulka KMG ah waxa ay fureen rasaas taasoo haleeshay dad goobta ka agdhawaa.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka KMG ah ee Juba iyo ciidamada AMISOM ee lagu weeraray qaraxa.
Xaaladda magaalada ayaa caawa deeggan,mana jirto wax saameen ah oo qaraxa uu ku yeeshay isku socodka dadka iyo gawaarida gudaha magaalada.
Caasimada OnlineXafiiska Wararka Muqdisho[email protected]

XASAN SHEEKH oo ammaanay howsha uu qabtay R/Wasaarihii hore SAACID

0

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Khamiis ah ka dhacday xaflad ay xilalka ku kala wareegayeen ra’iisal wasaraha cusub Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo ra’iisal wasaarihii horre Cabdi Faarax Saacid Shirdoon.

Xafladda oo ka dhacday aqalka madaxtooyada waxaa ku sugnaa madaxweynaha Soomaaliya iyo qaar ka mid ah xildhibaannada iyo golihii wasiiradda horre.

Ugu horreyn xafladda waxaa ka hadlay ra’iisal wasaaraha xafiiska baneeyay Cabdi Faarax Shirdoon, wuxuuna ka warbixiyay wax yaabaha uu qabtay mudadda uu xilka hayay oo ah 15-bilood.

DSC01479-466x350

Wuxuu sheegay in ay wax ka qabteen arrimaha ammaanka iyo xoojinta xiriirka dadweynaha, wuxuuna sheegay in uu ku guuleestay wax badan oo aysan qaban xukuumadihii ka horeeyay.

Ra’iisal wasaaraha ayaa aad uga mahadceliyay madaxweynaha oo fursad u siiyay in uu shaqadiisa u madax baneeyo inta uu xafiiska joogay.

Wuxuu ku celceliyay in uu ku faraxsan yahay wax yaabaha uu soo qabtay iyo in xilka uu ku wareejiyo Cabdiweli Sheekh Axmed oo uu sheegay in uu aad u yaqaano isla markaana uu ka soo bixi karo xilkaas.

Mudane Saacid ayaa ku celceliyay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan ra’iisal wasaaraha cusub.

Intaa kaddib waxaa iska goobta ka hadlay ra’iisal wasaaraha xafiiska la wareegaya mudane Cabdiweli Weli Sheekh oo sheegay in uu ku faraxsan yahay shaqada uu qabtay Saacid wuxuuna tilmaamay in uu meesha ka sii wadi doono.

Isagoo shaaciyay in uu xoogga saari doono ammaanka, arrimaha garsoorka  iyo la dagaalanka musuq-maasuqa sida uu yiri.

Wuxuu sheegay in dowladda la gayn doono degmo, tuulo iyo gobal kasta dalka sida u hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu dambeyn hadalka la siiyay, wuxuuna sheegay in ku faraxsan yahay shaqada ay soo qabtay xukuumadii Saacid, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay isagoona muujiyay in uu ku kalsoon yahay ra’iisal wasaaraha xilka la wareegay.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay xil wareejinta qaabka lagu yaqaano dowladnimada, caalamka hormartay sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha ayaa ra’iisal wasaaraha cusub sheegay in looga baahan yahay isbadal iyo wax qabad ka balalaran xukuumada xilka baneesay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Guddoomiyaha BFS oo soo gudbiyay qorshe cajiib ah oo dalka Somalia….!

0

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaam Jawaari ayaa xildhibaannada ka cosaday in maamus iyo sharraf la siiyo madaxda dalka soo martay si looga faa’ideesto khibradaha ay hayaan.

Jawaari ayaa tilmaamay in madaxweyne ama mas’uul kasta oo xil dalka u soo qabtay in naan la siin maamus, sharraf iyo xuquuq, waxaaana looga tagaa ayuu yiri meesha.

Jawaari ayaa sheegay dhaqankaas in uu mid soo jiray wixii ka dambeeyay burburkii dalka, oo dowlad kasta aysan ixtiraam iyo sharraf siinjirin madaxda soo martay dalka.

“Wax fiican ma ahan in madaxweyne, ra’iisal wasaare iyo xildhibaan xil dalka ka soo qabtay ixtiraam iyo maamus oo aan laga warqabin, shaley madaxweyne ayaa dalka ka tagay, maalin dhexdaas ra’iisal wasaare ayaa la badalay anniga waxaa laga yaabaa in aad mooshin iga keentaan oo sidaas aan ku baxo, marka ma jirto wax sharraf ah oo la siiinaayo mas’uuliyiintaas waana ayaan daro” ayuu yiri Jawaari.

Guddoomiya baarlamaanka ayaa weydiiyay xildhibaannada bal in uu soo sameeyo qorshe haddii uu madaxweynaha,ama mas’uul xil u soo qabtay dalka loo sameeyo maamus iyo sharraf lana ogaado halka uu ku dambeeyay”

Xildhibaannada ayaa u sheegay guddoomiyaha arrintaas in ay muhiim tahay, loona gudbiyo xukuumadda cusub si ay u soo diyaariso barnaamij arrimahaas looga hadlaayo.

Waa markii ugu horreysay oo guddoonka baarlamaanka uu soo jeediyo in ixtiraam iyo sharraf la siiyo madaxda dalka soo martay, wixii ka dambeeyay burburkii dalka.

Inta badan haddii madaxda waqtigooda uu dhammaado waa ay ka tagaan dalka iyagoo la baxsanaya nafsadooda, waxaana ay magangalyo ka doontaan waddamada qurbaha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dadka MUQDISHO oo la yaaban waxa guddoomiye TARSAN ku kalifay inuu…!

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha maamulka gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa baaq u eg inuu ku dhiiri gelinayo dhul boobka ka socda Muqdisho, mar kale sameeyey, taasi oo shacabka ka yaabisay.

Tarsan, ayaa isku dayaya inuu dadka leh dhulalka aan cabirneyn ee duleedka magaalada ku qasbo inay dhulkooda iibiyaan, xilli markii horeba magaalada oo idil uu ka socday dhul boob xooggan.

Isaga oo ka hadlayey degmada Dayniile, ayaa Tarsan waxa uu ugu baaqay dadka shacabka ee dhulalka waa weyn ee cidlada ah ku leh magaalada daafaheeda in fursadda ay ka faa’ideystaan, ayna ogolaadaan dhulalka in laga iibsado si looga dhiso guryo, hoteelo, shirkado IWM.

20_DEC_2013HTarsan ayaa waxaa uu sheegay qorshahaan in uu uga dan leeyahay si dalka uu u dhismo isla markaana shacabka ay uga faa’ideystaan, hase yeeshee dadka qaar ayaa u macneeyey dano gaar ah oo uu lee yahay.

Maxkamadda gobolka Banaadir, ayaa waxaa maalin kasta ka socda dacwado la xiriira dhulal la kala boobay iyo kuwo si qaldan loo iibiyey, taasi oo kumanaan dollar ay ku heleen Tarsan iyo garsoorka.

Maxkamadaha ayaa waxaa mar walba ku guuleysta cidda lacagta ugu badan siisa maamulka Gobolka Banaadir ee Tarsan, ayada oo la arkay kiisas dad haysta warqado sax ah oo ka yimid dowladdii Maxamed Siyaad Barre, oo dhulkooda loo xukmiyey dan aan waraqad haysan, balse lacag badan bixiyey.

Dad badan, ayaa ka taxaddarsan inay dhulkooda iibiyaan ama iibsadaan dhul, inta ay ka hubsanayaan in dowladda dalka iminka ka jirto ay ka noqoneyso mid la isku halayn karo.

Hadalka cusub ee Tarsan, ayaa ah mid sii dhiiri gelinaya doodaha la xiriira dhulka, sida ay sheegeen dadka deegaanka Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DFS oo ku dhowaaqday in dagaalkii ka socday Sh Hoose uu dhammaaday

0

Afgooye (Caasimada Online)-Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah sheegtay in uu dhammaaday dagaalladii u dhexeeyay beelaha Habar-gidir iyo Biyamaal.

Taliyaha qaybta koobaad ee ciidamada xoogga Soomaaliyeed, Gen Maxamed Xasan Qaafow ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka Shabeellaha Hoose ka socday gaar ahaan deeganka Lambar 50 in lagu guuleestay in la joojiyo.

Gen: ayaa tilmaamay dowladda in ay ku guuleesatay in la kala qaado labada maleeshiyo beeleed lana kala geeto deegananda Ceel-Jaale iyo Garabaareey oo hoostaga gobalka Shabeellaha Hoose.

Wuxuu sheegay oo kale in deeganka lagu dagaalamay la geeyay ciidamo nabad sugid iyo boolis isugu jirra kuwaasoo hadda ammaanka la wareegay.

Ugu dambeyn taliyaha qaybta koobaad ee ciidanka xoogga ayaa dadkii ka barakacay deeganka ugu baaqay in ay dib ugu soo laabtaan.

Ma cadda warkan sida uu xaqiiqo u yahay, waayo garab ka mid ah dhinacyada ku dagaalamay deeganka Lambar 50 ayaa weli dhaliilo u jeedinaya dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya aya wafdi u dirtay gobalka Shabeellaha Hoose si loo kala qaado maleeshiyo beeleedyada ku dagaalamaya deeganka gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]