Yusuf Garad oo shaaciyey wixii uu ku soo arkay xafiisya 3-da u sareysa DF

Muqdisho (Caasimada Online) Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo ah nin in muddo ah ku soo dhex jiray warbaahinta isla markaana isku soo taagay xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay olole iyo hardan ka socda xafiisyada madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisal wasaaraha.

Wuxuu sheegay in xafiisyadaas ay ka socdaan qaabbilaad aan kala go’ lahayn oo ku aadan dad doonaya in ay ka soo muuqdaan golaah wasiirada cusub.

Wuuu caddeeyay in cid kasta ay dooneyso awood qaybsi ku aadan siddii ay isakaga arki lahaayeen golaha wasiirada cusub.

Wuxuu yiri “Jimca wanaagsan saaxiibbayaal. Waxaan idinka soo salaamayaa Muqdisho. Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaaraha Soomaaliya waxaa ka socda qaabbilaad aan kala go ‘ lahayn. Waxaa la qeybsada Guddoomiyaha baarlamaanka. Waxaa la yiri inta badan dhegehooda waxaa ku soo noqnoqda – Reerkeenna ku dar Golaha Wasiirrada; hebel waa in uu ahaadaa, aniga haddaad igu dari weydo baarlamaanku ma ansixin doono; car sannadkan hebel ku soo dara; anigu waxaan haystaa taageerada beesha, aniga dowlado ayaa i wata; hadda ka hor jagadaan anigaa hayn jiray, saxiixa mudanayaasha beesheyda anigaa haysta; hoggaamiye dhaqameedka beesha haddaan ahay kursigeenna waa in uu markaan hebel helaa iwm.

Nin aan ka sheekeysannay wuxuu yiri: Soomaali haddaan nahay waxa aan raadineyno iyo waxa noo danta ahi isma waafaqsyaan! Mana la isku heli karo in madaxda loo tilmaamo sida ay Xukuumadda u dhisayaan, ka dibna wax qabad la’aan lagu eedeeyo marka dadkii lagu khasbay ay hawsha qaban aqoon waayaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com