30.9 C
Mogadishu
Thursday, May 7, 2026

Dadka MUQDISHO oo la yaaban waxa guddoomiye TARSAN ku kalifay inuu…!

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha maamulka gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa baaq u eg inuu ku dhiiri gelinayo dhul boobka ka socda Muqdisho, mar kale sameeyey, taasi oo shacabka ka yaabisay.

Tarsan, ayaa isku dayaya inuu dadka leh dhulalka aan cabirneyn ee duleedka magaalada ku qasbo inay dhulkooda iibiyaan, xilli markii horeba magaalada oo idil uu ka socday dhul boob xooggan.

Isaga oo ka hadlayey degmada Dayniile, ayaa Tarsan waxa uu ugu baaqay dadka shacabka ee dhulalka waa weyn ee cidlada ah ku leh magaalada daafaheeda in fursadda ay ka faa’ideystaan, ayna ogolaadaan dhulalka in laga iibsado si looga dhiso guryo, hoteelo, shirkado IWM.

20_DEC_2013HTarsan ayaa waxaa uu sheegay qorshahaan in uu uga dan leeyahay si dalka uu u dhismo isla markaana shacabka ay uga faa’ideystaan, hase yeeshee dadka qaar ayaa u macneeyey dano gaar ah oo uu lee yahay.

Maxkamadda gobolka Banaadir, ayaa waxaa maalin kasta ka socda dacwado la xiriira dhulal la kala boobay iyo kuwo si qaldan loo iibiyey, taasi oo kumanaan dollar ay ku heleen Tarsan iyo garsoorka.

Maxkamadaha ayaa waxaa mar walba ku guuleysta cidda lacagta ugu badan siisa maamulka Gobolka Banaadir ee Tarsan, ayada oo la arkay kiisas dad haysta warqado sax ah oo ka yimid dowladdii Maxamed Siyaad Barre, oo dhulkooda loo xukmiyey dan aan waraqad haysan, balse lacag badan bixiyey.

Dad badan, ayaa ka taxaddarsan inay dhulkooda iibiyaan ama iibsadaan dhul, inta ay ka hubsanayaan in dowladda dalka iminka ka jirto ay ka noqoneyso mid la isku halayn karo.

Hadalka cusub ee Tarsan, ayaa ah mid sii dhiiri gelinaya doodaha la xiriira dhulka, sida ay sheegeen dadka deegaanka Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DFS oo ku dhowaaqday in dagaalkii ka socday Sh Hoose uu dhammaaday

0

Afgooye (Caasimada Online)-Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah sheegtay in uu dhammaaday dagaalladii u dhexeeyay beelaha Habar-gidir iyo Biyamaal.

Taliyaha qaybta koobaad ee ciidamada xoogga Soomaaliyeed, Gen Maxamed Xasan Qaafow ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka Shabeellaha Hoose ka socday gaar ahaan deeganka Lambar 50 in lagu guuleestay in la joojiyo.

Gen: ayaa tilmaamay dowladda in ay ku guuleesatay in la kala qaado labada maleeshiyo beeleed lana kala geeto deegananda Ceel-Jaale iyo Garabaareey oo hoostaga gobalka Shabeellaha Hoose.

Wuxuu sheegay oo kale in deeganka lagu dagaalamay la geeyay ciidamo nabad sugid iyo boolis isugu jirra kuwaasoo hadda ammaanka la wareegay.

Ugu dambeyn taliyaha qaybta koobaad ee ciidanka xoogga ayaa dadkii ka barakacay deeganka ugu baaqay in ay dib ugu soo laabtaan.

Ma cadda warkan sida uu xaqiiqo u yahay, waayo garab ka mid ah dhinacyada ku dagaalamay deeganka Lambar 50 ayaa weli dhaliilo u jeedinaya dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya aya wafdi u dirtay gobalka Shabeellaha Hoose si loo kala qaado maleeshiyo beeleedyada ku dagaalamaya deeganka gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Is-beddelka dhaqaale iyo bilic ee Adan Adde Airport oo lasoo saaray

0

Warsaxaafadeed

Waxaan ku faraxsannahay in dakhliga kasoo xarooday gegida dayuuradaha ee caalamiga ah ee Muqdisho uu si weyn u kordhay saddexdii bilood ee ugu horreysay howlgalkeena. Dowladda Soomaaliya ayaa ka heshay in ka badan $1.1 million oo dakhli toos ah gegida, tan iyo markii shirkadda Favori lagu wareejiyey, oo aheyd 15-kii September 2013.

“Kororkani wuxuu ka dhigan yahay in ka badan 50% dakhligii dowlada soo gali jiray, xilliga ugu dhow ee lagu cabbiri karo,” ayuu yiri Axmed Cetin, madaxa shirkadda Favori LLC. “Waxaa naga go’an inaan shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda ka taageerno sidii loo sii kordhin lahaa dakhligaas, iyadoo aan dib u dhisi doono terminaalka weyn”.

Heshiiska ay Favori la saxiixatay Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa qeexaya in Favori ay dhisto terminaalka weyn ee gegida dayuuradaha Muqdisho, iyo inay balaariso goobaha ay dayuuraduhu istaagi karaan, iyo waliba dhabbe cusub oo ay dayuuraduhu ku socdaan, si loo kordhiyo adeegga gegida Muqdisho. Diyaar garowga mashruucani wuu bilowday, waxaana la filayaa in terminaalka cusub la dhammeystiro bartamaha sanadka 2014-ka.

“Terminaalka cusub wuxuu sii kordhinayaa dakhliga usoo xarooda dowladda 40% dheeraad ah,” ayuu yiri Cetin. “Shirkadda Favori waxaa ka go’an inay maal-gashi dheeraad ah sameyso, isla markaana ganacsiga Soomaliya xoojintiisa gacan ka geysato”.

Gegida caalamiga ah ee Muqdihso waxay hadda u adeegtaa illaa iyo 42 shirkad duulimaad. Tan iyo markii ay shirkada Favori la wareegtay masuuliyadiisa, waxaa kordhay shirkadaha duullimaadka ee is-diiwaan galinaya. Celcelis ahaan todobaadkiiba hal shirkad oo cusub ayaa kusoo biirta.

Shirkadda Favori LLC waa mid gaar loo leeyahay oo saldhiggeedu Muqdisho yahay. Adeegyada ay qabato waxaa ugu waaweyn adeegga dhulka ee dayuuradaha, iyo maamulka iyo maareynta gegiyada dayuuradaha. Waxaa shirkadan maal-gashaday laba shirkadood oo Turkey ah, oo kala ah Cetin Group iyo Kozuva Group, waxaana u shaqeeya illaa 7,000 oo qof, illaa $170 million oo dollar ayayna shirkaddu sanadkii ku howl-gashaaa.

CETIN wuxuu ku gabagabeeyay hadalkiisa “Hadafka shirkadda Favori waa inay hagaajiso, oo isku dubba-riddo adeegyada gegida dayuuradha ee caalamiga ah ee Muqdisho, isla markaana soo gaarsiiso heerarka caalamiga ah si ay u xiriir adag ugu sameeyaan bulshada caalamka iyo muqdisho. Tani waxeey keeneysaa fursad lagu qurxiyo lugana taageero dib-u-habeeynta bulshada iyo dhaqaalaha wadanka aan Walaalaha nahay.”

Sawirrada garoonka

faf 1faf 2faf 3faf 4faf 5faf 6faf 7faf 8faf 9faf 10

10 arrimood oo la filayo inay dunida ka hir-galaan 2014-ka (Maxaa ka mid ah?)

0

Khubaro falanqaynta dunida ku takhsustay oo Websetka Al jazeera ku qortay maqaal aad u xiiso badan ayaa ku soo bandhigtay waxyaabo la rajaynaayo in ay hirgalaan sanandka 2014 ee inagu soo fool leh, inkastoo Ilaahay ogyahay wixii maqan ee dhici doona, haddana bal waynu u wada joogi waxa ka hirgala arrimahan.

1. Xaalada Suuriya wax badan baa iska beddeli doona, Madaxweyne Assadna waxa amni ahaan doona, isla markaana xilka sii joogti doona inta uu dhammaanayo sannadka 2014, sababtoo ah waxa aad ugu adkaysanaya in uu awoodda si haysto dalalka Ruushak iyo Iran.

2. Waxa muhiimad badan u leh amniga adduunka heshiiska lagu gaadhay in Iran samaysashada iyo bac-riminta macdanta Uranium joojiso, waxaana lagaa yaaba in arrintan ay heshiis ka dhex dhaliso dawladaha Maraykanka, Fransiiska, Jarmalka, Ruushka iyo Shiinaha.

3. Dalal badan oo adduunka ah waxa ka dhici doona doorashooyin, gaar ahaan waxa doorasho ballaadhan ka dhici doonta dalka Hindiya, waxaana awoodda laga qaadi doona xisbiga koongaraska ee niyad-jabka shacabka Hindiya ka qaadeen, waxaana hoggaanka u qabandoona doorashada xisbiga BJP ee uu hoggaamiyo Narendra Modi, halkaasna waxa kaga bixi doona muslimiin badan oo siyaasiyiin ah.

4. Waxa sidoo kale doorasho ka dhici doonta dalka Koonfur Afrika,w axaana ku guulaysan doona xisbiga ANC, balse dadku waxay aad uga welweli doonaan musuqa iyo faqri badan.

5. Siyaasada dalka Nigeria waxay noqon doonta mdi qasan, xisbiga talada haya ee PDP waxa uu geli doona xaalad halis ah oo dhibaatooyin badan la soo darisaan, balse waxa kor u kici doonta dhaqaalaha dabaqada dhexe ee dalkan?

6. Dalka Scotland waxa uu u codayn doona inuu ka madaxbannaanado boqortooyada Ingiriiska, balse natiijada ka soo baxda waxay noqon doonta ?Maya? oo macnaheedu yahay inaannu ka madaxbannaanayn.

7. Gobolka Yurub wuxuu ahaanaya mid sii xooggaysta, waxaanay dalka Latvia uu noqon doona dalka 18aad ee ku biira dalalka lacagta kaliye ka shaqayso, balse siyaasada Talyaaniga, Portual, Giriiga waxay ahaanaysa mid qasan, waxaana la rajaynaya in ugu yaraan mid ka mid ah dalalkan dawladiisu dhacdo.

8. Dhammaadka sannadka 2014 Mr. Jullian Assange oo ah ninka madaxda ka ahaa Websetka siraha badan reer galbeedka iyo caalamkaba ka baahisay ee Wikileaks waxa uu sii joogi doona safaarada dalka Ecuador ee magaalada London, halka ninka sirdoonka Maraykanka kashifay ee Edward Snowden uu ku sii sugnaan doono dalka Ruushka.

9. Sarajevo waxa ku qulquli doono dalxiisayaal badan, iyagoo ka qaybqaadana sannad-guurada 100 ee ka soo wareegtay dagaalkii 1aad ee adduunka, kuwaasoo u daawasho tegi doona halka uu ka dhacay shirqoolkii hoggaamiyaha dagaalku ka dhashay ee Archduke Franz Ferdinand.

10. waxa la saadaalinaya koobka adduunka ee lagu qaban doono 2014 dalka Brazil in dalka Jarmalku ku guulaysan doono, kaasoo noqon doona dalkii ugu horreeyey ee Yurub ka socda ee koob ku qaada Koonfurta qaarada America.

W/ Turjumay Ibrahim Khadar 

Musharrixiinta Puntland oo shuruudo ku xiray tanaasul ay sameeyeen

0

Garoowe- (Caasimada Online) Magaalada Garoowe waxaa shalay oo Arbaca ahayd, kulan ku yeeshay musharrixiinta u taagan xilka madaxtinnimada maamulka Puntland, waxaana ay soo saareen qoddobo muhiim ah.

Waxa ay musharrixiinta sheegeen kulamo maalmahan u socday iyaga iyo isimada Puntland kaddib in ay oggolaadeen guddiga xalinta khilaafaadka iyo diiwaangelinta xildhibaannada oo uu horery u magacaabay Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

Qoraalkan ayey murashaxiinta ku sheegeen in ay Ogolaadeen in Isimmada Soo-jireenka ah ee Puntland ay noqdaan marjica mar walba loo noqonayo iyagoo sheegay inay aqbali doonaan inuu shaqeeyo guddigii Madaxweynaha horey u magacaabay iyagoo shardi uga dhigay in Marjica kama dambeysta ah ay yihiin Isimmadii soo-jireenka ahaa ee Puntland ee horey marjica u ahaan jiray xiliyada doorashada.

Qoraalka Murashaxiinta ayaa u qornaa sidatan:

Ku: Isimmada Puntland
Ogeysiis: Cidii ay khuseyso

– Annagoo eegeyna danta shacabka, dalka iyo dadka Puntland,

– Annagoo qaadaneyna mas’uuliyadeena taariikheed ee ku aadan khilaafka xoogan ee ka jira doorashooyinka Dowladda Puntland ee sannadka 2014.

– Annagoo tixgelineyna imaatinka Isimmadii Puntland oo uu ugu dambeeyey Boqor Burhan Boqor Muuse.

– Annagoo dooneyna in ay dhacdo doorasho xalaal iyo cadaalad ku dhisan,

Waxaan isla gaarney:

1- In aan mas’uuliyadda khilaafkii noo dhaxeeyey annaga iyo Madaxweynaha aan ku wareejinay Isimmada Soo-jireenka ah ee Puntland.
2- In aan dooneyno in aan helno doorasho xalaal ah oo lagu kalsoonaan karo dhinac walba.
3- In aan ku ogolaano Guddiga Khilaafaadka labada shardi ee hoos ku qoran:
A- In xulashada Baarlamaanka 2013-2014 marjic looga dhigo Isimmadii aasaasey Puntland 1998dii,
B- In wixii khilaafaad ah oo kasoo baxa xulashada Baarlamaanka 2013-2014 loo soo gudbiyo Isimmadii marjica u ahaa Doorashadii 2008, sida ku cad lifaaqa, ayna go’aanka kama-dambeysta ah iyagu leeyihiin.

4- Waxaa soo jeedineynaa in lala xiriiro oo la casumo Ismmada ka maqan shirka ee soo-jireenka ah, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda gobalada Sool iyo Ceyn.

Waxaan ku wareejinaynaa mas’uuliyadda habsami-u-socodka doorashadda guud ee Puntland 2014, isimmadda soo-jireenka ah ee Puntland oo waligood marjic u ahaa doorashooyinkii hore ee Puntland.

Arrinta Amniga doorashooyinka waa in lagu ixtiraamo loona madaxbaneeyo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland ahna mas’uulka amniga Doorashooyinka Gen.Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) sidii lagu heshiiyey.

Murashaxiinta:

1. Maxamed Cabdinur Xirsi
2. Cali Xaaji Warsame
3. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
4. Cali Xaaji Cabdulle
5. Cali Cabdi Awaare
6. Cabdullahi Siciid Samatar
7. Cabdullahi Shiikh Axmed
8. Shire Xaaji Faarax
9. Cabdidaahir Maxamed Yusuf
10. Cali Cabdulqaadir Yuusuf
11. Saadiq Maxamed Eenow
12. Cabdiweli Maxamuud Cilmi Gurey
13. Cabdirisaaq Nuur Caluula
14. Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke
15. Maxamed Cali Yusuf Gaagaab
16. Cabdullahi Daahir Maxamuud Afqurac
17. Cabdullahi Cali Xirsi
18. Xuseen Xaashi Xasan
19. Yaasiin Faarax Cartan
20. Cabdixakiim Cabdullahi Cumar Camey
21. Cali Cumar Caarshe

Waxaa Bayaankan saxiixay Guddoomiyaha Murashaxiinta:
Cabdullahi Siciid Samatar

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

XOG: R/W cusub & Madaxweyne Xasan Sh oo khilaaf uu soo kala dhex galay

0

Muqdisho (Caasimada Online) Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Maxamuud uu soo kala dhexe galay khilaaf xooggan oo la xiriira soo xulista golaha wasiiradda cusub.

Ilaha warkan aan ka xiganay ayaa sheegay khilaafkan in uu la xiriiro markii madaxweyne Xasan Sheekh uu ra’iisal wasaaraha ku wareejiyay liis ay ku qoran yihiin shan wasiir oo horrey uga tirsanaa xukuumadii Saacid si loogu soo daro wasiirada cusub.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ka biyo diidday arrintaas wuxuuna sheegay in uu soo dhisi doono golle wasiirro ah oo dhammaantood ay cusub yihiin.

Wasiiradda uu madaxweynaha codsaday in lagu soo daro xukuumadda cusub waxaa ka mid ah: Arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka, Arrimaah Dibedda, wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo Gaashandhigga.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya waxaa xafiiskiisa buux dhaafiyay waraaqado lagu codsanaayo wasaaradaha, waxaana la sheegay in uu noqday mashquul.

Khilaafkan waxaa hadda soo kala dhex galay guddoomiyaha golaha baarlamaanka Pro Maxamed Cismaan Jawaari oo labada nin kulan la yeeshay, una sheegay khilaafka in laga gudbo.

Ma cadda halka uu saldhiggan doono khilaafkan cusub ee soo kala dhexgalay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha cusub.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

FADEEXAD: Ciidamada AMISOM oo la arkay iyagoo sameynaya wax aan laga filayn iyo ceeb xooggan oo taagan

0

Muqdisho (Caasimada Online) Shabakadda Caasimada Online ayaa ogaatay in ciimadada AMISOM ay barteen laaluush, waxaana la sheegayaa in arrintan ay halis keeni karto xagga ammaanka.

Shabakadda Caasimada Online ayaa wareysatay dhowr qof oo kala duwan kuwaasoo qaar kood ay yihiin ganacsato, waxaana ay qireen in ciidamada Midowga Afrika ay ka qaataan dadka lacago laalush meelaha ay waardiyeeyaan.

Tusaale Ganacsato diidday in magacooda aan soo xiganno ayaa noo sheegay ciidamada AMISOM ee ku sugan dekedda Muqdisho ay qaataan laaluush, marka la doonayo in la galo gudaha dekedda ama alaab laga soo dajinaayo.

“Waxaan la yaabay ciidamada AMISOM ee jooga dekeda Muqdisho, waxaa la siiyaa shan kun oo Shilling Somali ah, waxa ay kuu fududeenayaan in aad gudaha u gasho dekedda oo aad kala soo degto waxa aad rabto, waxaan i weydiiyay lacagtaas waxa ay ku sameeyaan, waxaan ogaaday in lacagta ay qaataan lagu shubo Bangiyo ku yaalla wadankooda sidaas darteed lacagtan waxyaabaha ay rabaan ay ku sameeyaan” ayuu yiri ganacsatada noo warramay.

Wuxuu intaas ku daray in xittaa dekedda laga soo dejiyo hub iyo raashin iyo dawooyin dhacay, taasoo qaab farsameesan loola soo  deggo, dowladdana waxbo kalama socota” ayuu markale yirin ganacsadahan.

Arrintan waa fadeexo cusub oo la soo daristay ciidamada AMISOM.

Dhawaan ayaa la ogaaday saraakiisha ciidamada AMISOM in ay iibsadaan hubka iyo shidaalka loogu talagalay ciidamada, waxaana arrintaas ay keentay in saraakiil 12- gaareysa oo u dhashay dalka Uganda shaqada laga ceyriyo baaritaan lagu sameeyay.

Arrin kale.

Dad ku sugan Shabeellaha Hoose, ayaa u sheegay Caasimada Online, in ciidamada AMISOM ay iibsadaan shaagaga ama cagaha baabuurta iyo rasaasta, waxaana la arkay iyagoo tuuraya markii ay marayaan deeganno ku yaalla gobalka Shabeellaha Hoose, waxaana lacagta loogu soo tuuraa qaab EV+Palas ah ama taleefonka ayaa loogu shubaa.

Dumarka Soomaalida ayey la saaxibeen

Ciidamada AMISOM ayaa dhexgalay bulshadda Soomaalida, waxaana ay shukaasadaan gabdhaha Soomaalida, qaar carruur ayey ka dhaleen dabadeedna ay ku inkireen sida ay noo sheegtay gabar la shaqeysa AMISOM.

“Waxaa jirra rag iyo dumar , gabdho u geeya ciidamada AMISOM oo lacag la siiyo, qaar uur ayey qaadeen, markii dambana askariga waa uu ka wareegay xeradii uu joogay gabdho badan ayaa sidaas lagu sameeyay” ayey tiri gabadha noo warrantay.

Si kastaba, arrintan waa ceyb iyo fadeexaad la soo daristay ciidamada AMISOM, waxaana loo baahan yahay in wax ka qabato dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

SAACID oo la kulmay R/W cusub Cabdi Weli Sheekh Axmed una sheegay…!

0

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta markii ugu horreysay kulan ku yeeshay Ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya Cabdi Faarax Saacid Shirdoon iyo ra’iisal wasaaraha cusub Cabdiweli Sheekh Maxamed.

Kulanka oo ka dhacay Villa Somalia, waxaa kaloo ka qaybgalay qaar ka mid ah shaqaalihii horre xafiiska Saacid, waxaana la arkayay iyagoo gacan qaadaya oo soo dhaweenaya ra’iisal wasaaraha cusub oo hadda xafiiska ku wareegay.

Waa kulankii ugu horreeyay oo si rasmi ah ay u yeeshaan ra’iisal wasaaraha xafiiska baneenaya iyo midka imaanaya.

Saacid ayaa ra’iiisal wasaaraha cusub baray qaar ka mid ah shaqaalihii xafiiska horrey u joogay, waxaana uu kula dar darmaay in ay la shaqeeyaan xukuumaddac cusub.

Ra’iisal wasaarihii horre ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo isbadalka dhashay uuna ku qanacsan yahay, wuxuuna u ballan qaaday ra’iisal wasaaraha cusub in uu la shaqeen doono.

Si kastaba, ra’iisal wasaaraha cusub ayaa hadda billaabay shaqadiisa, wuxuuna wadaa siddii uu dhawaan ku soo dhisi lahaa xukuumadiisa oo uu sheegay in ay ka badnaan doonto xukuumadii horre.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

TARSAN oo eedeeyn culus u jeediyey DF Soomaaliya runtana u sheegay

0

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdishu, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay dowladda Soomaaliya in ay ka gaabisay xiriirka ay la lee dahay shacabka ay mas’uulka ka tahay, isagoona tilmaamay in ay isku koobeen uun xarunta Villa Somalia.

Tarsan oo ka hadlaayay xarunta degmada Degmada Deyniile oo maanta xarigga laga jaray, ayaa sheegay madaxda iyo saraakiisha ciidamada dowladda iyo shacabka inuusan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeya.

Wuxuu sheegay guddoomiyaha shacabka in aysan taageersaneen dowladda waana sabab u ah buu yiri xiriir xumada ka dhexeysa madaxda dowladda iyo shacabkooda.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ayaa ka codsaday wasiirada cusub in ay soo dhex deggaan degmooyinka magaalada.

“War wasiirada cuusub waxaan lee nahay ha isku koobina qol yer oo afar mitir ah oo cariiri ah oo madaxtooyada ku yaalla, kaas wasiir ma ahan waa kaligiis wasiir, ma ahan in ay ka shaqeeyaan qol biyo soo daadinaya

Tarsan ayaa sidoo kale madaxweynaha ka codsaday in marka la soo dhiso wasiirada, uu shuruud ugu xiro xilkooda inay dagaan degmooyinka magaalada Muqdisho, tusaale, Deyniile, Hodan, Wadajir, Warta Nabadda iyo degmooyinka kale.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ayaa wuxuu kaloo taliyaasha iyo saraakiisha ciidamada ka codadsay in ay dagaan farumaha dagaalka iyo goobaha ay ciidamada joogaan “Ma ahan in Hotelada ay ku soo dhuuntaan waa in ay degaan farumaha dagaalka” ayuu yiri Tarsan.

Ugu dambeyn guddoomiyaha gobalka Banaadir ayaa dhinaca kale ugu baaqay dadka iskaleh goofafka in ay ka faa’ideestaan dhulalkaas si looga dhiso Hotelo iyo shirkado.

Wuxuu sheegay in dadka is kaleh dhulalkaas looga baahan yahay in aysan iska iibin oo guryo aan la dhisan sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

War cusub oo ka soo baxay dagaalkii beelaha Habar-gidir iyo Biiyamaal

0

Muqdisho (Caasimada Online) Maalmahan waxaa qayboa ka mid ah gobalka Shabeellaha Hoose ku sugan wafdi ka socda dowladda oo uu hoggaaminaayo sii hayaha xilka wasiirka gaashandhigga Soomaaliya, Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi.

Wafdigan ayaa halkaas u jooga siddii ay u dhammeen lahaayeen dagaallo soo noqnoqday oo gobalka ku dhex maray meleeshiyaad kasoo kala jeeda beelaha Habar-gidir iyo Biiyamaal.

Wafdiga ayaa ku guuleestay in ay kala qaadaan dhinacyada ku dagaalamay deeganka Lambar 50 isla markaana maleeshiyaadka labada qabiil kala geeyay deegannada Carbiska iyo Ceeljaale.

Waxaa la soo sheegayaa in deeganka Lambar 50 ay ka dhaceen falal aad u fool xun oo ka dhan bini’aadinka taasoo la xiriirta guryo si bareer ah loo gubay iyo dadkii ku noolaa deeganka oo la qixiyay.

Wafdiga dowladda ayaa xaley ku baryay deeganka Ceel-jaale oo lagu xareeyay mid ka mid maleeshiyo beeleeyada dagaalamay, waxaana maanta oo Arbaca ah lagu wadaa in ay soo gaaraan deeganka Lambar 50 si ay u qiimeeyaan khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay Lambar 50.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Jawaari oo xukuumada cusub ee DFS ka dalbaday wax ka qabashada…!

0

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa shaaciyay in xukuumadda cusub ay hor taallo shaqooyin adag oo la doonayo in ay qabto muddada dowladda u harsan.

Guddoomiye Jawaari ayaa tilmaamay in xukuumadda looga fadhiyo in ay abuurto mashaariic ay ka faa’ideestaan dhallinyarada shaqo la’aanta ay heesato si looo adkeeyo ayuu ammaanka dalka.

Wuxuu sheegay haddii dhallinyarada loo abuuro shaqooyin in ammaanka dalka uu soo hagaayo oo dalka uu horrumar gaarayo sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa dhinaca kale xusay baarlamaanka in uu difaacayo shacabka wax yaabaha ay u baahan yihiin maadama uu taagan yahay xilkaas.

Wuxuu kaloo sheegay in sannadka 2014-ka ay tagi doonaan gobalada dalka si ay u dhageestaan shacabka ugana warbixiyaan wax yaabaha ay u baahan yihiin.

Wuxuu ku celcliyay in baarlamaanka uu shaqeen doono shacabka, shacabka iyagana looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan dowladoooda iyo madaxooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Go’aankii SHARIIF XASAN oo laga cabsi qabo inuu cawaaqib xun yeesho !!!

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Go’aankii uu shalay qaatay guddoomiyihii hore ee baarlamanka Somalia Shariif Xasan Sheekh, ee uu kaga soo horjeestay dhismaha maamulka Koonfur Galbeed, ayaa xiisad siyaasadeed ka abuuray magaalada Baydhaba.

Waxaa arintaan ay ka denbeysay kadib markii xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia oo ay kala hogaaminayaan Shariif Xasan Sh. Aadan iyo Sh. Aadan Max’ed Nuur (Aadan Madobe) ay isku maandhaafeen qaabka loo dhisayo maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in gudoomiyihii hore ee baarlamaankii KMG ahaa Shariif Xasan uu diiday in 6-gobol loo dhiso maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya islamarkaana uu doonayo in saddex gobol maamulkaasi loo sameeyo.

Sidaas si ka baddalan waxaa qaba Sheekh Aadan Madoobe, oo asna xili soonoqday gudoomiyhii hore ee baarlamaankii KMG ahaa, waxuuna sheegay in lixda gobol ee Koofur Galbeed maamul ay ku mideeysan yihiin loo dhisi doono.

Magaalada Baydhabo ayaa hada waxaa lagu soo waramayaa in ay ka jirto xiisad siyaasadeed iyo dhaqadhaqaaqyo ciidan,w axaana la tilmaamay in ciidamo ka amar qaata aadan madoobe lagu soo daadiyey magaalada Baydhabo.

Waxaan la ogeen wax ay ku danbeeyn doonto xaalada magaalada baydhabo iyo siyaasada ka taagan xiligaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DHAGEYSO: FOWSIYA oo hanti qaran guryo qaali ah uga iibsatay NIAROBI

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda Somalia Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa ku takri fashay lacag 4 milyan oo dollar ah, oo loogu tala-galay in mushahar ahaan loo siiyo diblomaasiyiinta Somalia, diblomaasi Soomaaliyeed ayaa sidaas shaaca ka qaaday.

Cabdi Sataar Xasan, oo ka tirsan safaaradda Somalia ee Nairobi, ayaa wareysi uu bixiyey waxa uu shaaca kaga qaaday in lacagtaasi oo uu soo dhiibay madaxweyne Xasan Sheekh, ay si gaar ah u isticmaashay Fowsiya.

Waxa kale oo ku warramay in dhowr bilood dhammaan diblomaasiyiinta Soomaaliya ee dalalka dunida aysan wax mushahar ah ka qaadan wasaaradda arrimaha dibedda oo ay Fowsiya maamusho, xilli dowladda ay lacagtaasi u dhiibtay Fowsiya.

Waxa kale oo uu shaaca ka qaaday in dhowaan ay Fowsiya Nairobi ka iibsatay guri qiimahiisu yahay 350 kun oo dollar, oo ka mid ah lacagtii ay wasaaradda arrimaha dibedda lahayd, sida uu sheegay.

Fowsiya weli kama aysan hadlan eedeymahan cusub ee soo baxay.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga Cabdi Sataar

fowsiya oo lacag lunsatay

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Kaalinta ay cambarka oo ciriiri noqda iyo Deg Deg u biya baxa ku lee yihiin Madhalaysnimada Lamaanaha

0

MADHALAYSNIMADA NINKA

Sababaha ugu waaweyn ee ninka ku keena madhalaysnimada waxaa kamid ah:

1-   Ciniinnimo:- Ciniinnimadu waxa weeye inay ninka ku dhacdo tamardarri jinsiyeed iyo inuu galmada dhamaystiri waayo. Taasi waxa keeni kara geedkiisa oo si buuxda u kici waaya ama gebi ahaanba aan kicin. Baab dhan baannu kaga hadalnay ciniinnimada.

2-    Degdeg u biyabbax:- In kasta oo geedku uu si buuxda u kacayo haddana biyaha ayuu tuuraa isla marka ay dhalfadu cambarka gasho amaba inta lagu jiro hordhaca, kolkaasi oo intuu damo uu tamar dhigo.

3-    Xawada oo aan bislayn:- Amaba tiradooda iyo inta ka nooli ay yaryihiin, taasi oo markaasi keenaysa inay xawadu awood u yeelan weydo inay wax faxasho.

MADHALAYSNIMADA NAAGTA

Madhalaysnimada haweeneyda waxa keena cudurro fara badan oon halkaan lagu soo koobi karin, balse aynu ka taabanno inta ugu caansan:

1-   Cambarka oo ciriiri noqda:- Geedka ninka oo si buuxda u geli kari waaya cambarka, biyahana ku daadiya afkiisa hore ama meel aan ka fogayn ayaa kamid ah waxyaabaha haweenka ku keena madhalaysnimada, waxaana mararka qaar dhacda in murqaha cambarku ay xilliga galmada gariiraan taasi oo markaasi keenta inuu dibadda iskaga soo tuuro xawada

2-   Qaababka galmo een habboonayn:- Waxaa la wada ogsoon yahay in dumarka caadiga ahi ay uur ku qaadaan qaab kasta oo loogu galmoodo, iyaga oo u baahan qaddar yar oo xawo (sperms) ah si ay ugu gudbaan waddooyinka jirka, dabeetana uu midkood ugu guulaysto inuu faxlo ugxanta. Ha yeeshee dumarka qaar bay dhibaato kaga timaadaa rimayga. Dumarka caynkaasi ah raggooda waxay dhakhaatiirtu ku waaniyaan inay ugu galmoodaan qaabab sahlaya in tirada ugu badan ee xawo ahi ay cambarka gasho.

Qaababkaasi oo aynu hore u soo sharraxnay, waxa kamid ah inay haweeneydu u seexato dhabarka iyada oo barkimo doolasha iska gelinaysa si ay cambarka sare ugu soo qaaddo dabeetana gelitaanka geedka ninku ugu sahlanaado, taasi oo xawada gacan ku siinaysa inay si degdeg ah ku gasho ilma-galeenka. Kolka ay galmadu dhammaato, waa inay haweeneydu muddo dhowr saacadood ah iskaga jiifto dhabarka iyada oon wax dhaqdhaqaaq ah samayn, taasi oo markaasi kahortag u ah soo laabashada xawada, fududaysana inay ilma-galeenka u gudubto.

3-   Afka ilma-galeenka oo ciriiri noqda:- Taasi oo mararka qaar keenta inay xawadii ka daadato iyada oon gelin. Ciriirinimada afka ilma-galeenka guud ahaan waxaa keena gabadha oon si wanaagsan u qaaangaarin ama u bislaan.

4-   Ilma-galeenka oo qallooca:- Ma aha dhif iyo naadir in la’arko madhalaysnimo sababteedu tahay qallooc ku yimaada ilma-galeenka. Ilma-galeenka caadiga ah afkiisu waxa uu u jeedaa dhanka hoose, halkaasi oo ay xawadu ku soo shubanto kolka islaantu ay dhabarka u jiifto. Haddiise ilma-galeenku qallooco, afkiisa ayaa ka fogaada afka cambarka, mar kasta oo qalloocaasi sii fogaadana waxaa yaraata rajada laga qabo inay xawadu gasho ilma-galeenka. Qallooca ilma-galeenku waxa uu keenaa in dhakhtar loo baahdo iyo marmar qalliin.

5-  Qabow jinsiyeed (Kacsi la’aan):- Sida caadiga ah kolka ay haweeneydu kacsato waxaa xubneheeda taranka buuxiya dhiig, dabeetana maqaarka xubnahaasi waa uu kululaadaa, qanjirraduna soo daayaan dheecaannadoodii, murquhuna isku laablaabmaan, laablaabankaasi oo keena in ilma-galeenka afkiisu soo nuugo xawadii. Haddaba haweeneyda baaridka ah (aan kacsan), ilma-galeenkeedu wax dhaqdhaqaaq ah ma sameeyo, taasi oo markaasi yaraysa nuugista xawada iyo rimayga intaba.

6-  Ugxan la’aanta:- Dumarka qaar baa joojiya soo saarista ugxanta, taasi oo inta badan horseedda caadada oo ka istaagta, haddii aanay haweeneydu caado keeninna waxaa lagu tiriyaa madhalays.

Guud ahaan madhalaysnimadu waxay noqon kartaa mid joogta ah ama mid waqti ku xiran oo ay keenaan dhibaatooyin haddii laga hor tago amaba la daweeyo laga gudbi karo.

W/D: Sabriye Macalin Muuse.

VIDEO: Maxaa magaalada MUQDISHO ka cusub ka soconaya iminnka?

0

Caasimada Online:  Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan balaaran oo aad loo soo qaban qaabiyay kaas oo aan nuuciisa horay loo arag waxaana lagu tilmaamay mid wax weyn soo kordhin doono.

Kulamadani ayaa socon doono muddo todobaad ah waxaana laga sugayaa miro dhal wanaagsan oo ka soo baxa wada tashiga haweenka Soomaaliyeed ee isaga kala yimid Gobolada dalka ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Gaalkacyo: Dad ku sumoobay saliid oo la dhigay Isbitaalka magaalada

0

Gaalkacyo (Caasimada Online)Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug ayaa sheegaya in halkaas maanta lagu arkay dad ku sumoobay saliid ay raashiin ku karsadeen.

Guddoomiyaha deeganka Ceel Guula, Cali Baashi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in deegankaas lagu arkay dad ku sumoobay saliid ay isticmaaleen wuxuuna intaas ku daray in dadka loo qaaday Isbitaalka ku yaalla Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Waxaa socda baaritaan lagu ogaanayo saliida ay ku sumoobeen dadkan oo xaaladooda ay u liidato sidda uu sheegay guddoomiyuhu.

Dhacdooyinka noocan oo kale ayaa ka dhaca Soomaaliya wax yaabaha dhaca oo dalka la keeno.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

[email protected]

DF Soomaaliya oo maanta soo saartay go’aan dalka looga mamnuucay…!

0

Muqdisho (Caasimada Online)Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah mamnuucday in gudaha dalka laga xuso ciiddaha masiixiga.

Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho ayaa caawa laga akhriyay wareegto kasoo baxday Wasaaradda garsoorka iyo Arrimaha diinta oo lagu mamnuucayo in gudaha dalka laga xuso ciiddaha Kirishtaanka

Go’aankan ayaa waxaa si wadajir u soo saaray agaasimaha guud ee wasaarada garsoorka iyo arrimaha diinta iyo agaasimaha waaxda diint,kuwaasoo shir ku yeeshay Muqdisho, waxaana ku faah-faahiyeen in ciiddahan ay gaar u lee yihiin dadka aan muslimka ahayn ee heesta diinta Kirishtaanka.

Agaasimaha waaxda arrimaha diinta ee dowladda Soomaaliya Shiikh Cali Maxamuud ” Shiikh Cali dheere” ayaa yiri“Umadda islaamka waxaan la socon siineynaa in maalmahan ay socdeen feesto sanawi ah oo ka bilaabanaysa 25-ka bishaan oo ah xuska ciidda masiixiga, marka bulshada si hufan ula socdeen xuska masiixiga ah in aan la sameyn karin”

Ugu dambeyn waxaa la amray hey’addaha ammaanka dalka in aan dalka laga xusi karin, waxaana shacabka loogu baaqay in ay ka dheeraadaan goobaha xafladaha lagu qabanaayo.

Ma cadda wax yaabaha keenay go’aankan sidan u culus in dowladda ay u soo saartay, balse waxaa sheegis mudan in magaalada ay ku soo laabteen Soomaali badan oo ka timid waddamada qurbaha.

 Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maxaa kasoo baxay mooshinkii la hor geeyey xildhibaanada BF Somalia?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay maanta lahaayeen baarlamaanka dowladda faderaalka ayaa waxaa lugu joojiyey mooshin ka dhan ah Isbedel Ku Sameynta Gudiyada Joogtada.

Kulankii shirka oo uu u furay guddoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka Mudane Jeylaani Nuur iikar ayaa xildhibaannada u sharxay ajandaha kulanka ee maanta oo ku saabsanaa in la ii ambo qaado dooda la xiriirta mooshin ay soo gudbiyeen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo ahaa in la muddeeyo xilka gudiyada joogta ah ee baarlamaanka.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dooda kaddib ku dhawaaqay natiijada xildhibaanada codeysay ayaa sheegay in ay u codeysay 133 mudane, ayna jiraan xildhibaano aan cod siinin.

“Tirada guud ee xildhibaannada u codeysay mooshinkaan ayaa ah 133 mudane, iyadoo 10 mudane aan codkooda dhiibanin, taasi oo tirada guud ay ka dhigtantahay 143 mudane, waxaa ogolaaday in mooshinkaasi lagu kordhiyo xeer hoosaadka 21, waxaa diiday 88, waxaana ka aamustay 24, tirade guud ee codeysay waa 133 mudane, sidaa daraadeed sida uu qabo qodobka 84aad ee xeer hoosaadka baarlaamaanka mooshinkaan meel mar ma ahan” ayuu guddoomiyaha hadalkiisa ku daray.

Waxaa ay baarlamaanku ku ballaamen maalinta berito oo arbaco ah ay inay ka dodi doonaan habka nidaamka axsaabta dalka, oo guddoonka baarlamaanka kal hore u iclaamiyay in nidaamka axsaabta laga dooni doono si sanadka 2016-ka dalka laga hirgeliyo doorasho xor ah oo ay ka qeyb qaadan karaan dhamaan nidaamka axsaabta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]