FADEEXAD: Ciidamada AMISOM oo la arkay iyagoo sameynaya wax aan laga filayn iyo ceeb xooggan oo taagan

Muqdisho (Caasimada Online) Shabakadda Caasimada Online ayaa ogaatay in ciimadada AMISOM ay barteen laaluush, waxaana la sheegayaa in arrintan ay halis keeni karto xagga ammaanka.

Shabakadda Caasimada Online ayaa wareysatay dhowr qof oo kala duwan kuwaasoo qaar kood ay yihiin ganacsato, waxaana ay qireen in ciidamada Midowga Afrika ay ka qaataan dadka lacago laalush meelaha ay waardiyeeyaan.

Tusaale Ganacsato diidday in magacooda aan soo xiganno ayaa noo sheegay ciidamada AMISOM ee ku sugan dekedda Muqdisho ay qaataan laaluush, marka la doonayo in la galo gudaha dekedda ama alaab laga soo dajinaayo.

“Waxaan la yaabay ciidamada AMISOM ee jooga dekeda Muqdisho, waxaa la siiyaa shan kun oo Shilling Somali ah, waxa ay kuu fududeenayaan in aad gudaha u gasho dekedda oo aad kala soo degto waxa aad rabto, waxaan i weydiiyay lacagtaas waxa ay ku sameeyaan, waxaan ogaaday in lacagta ay qaataan lagu shubo Bangiyo ku yaalla wadankooda sidaas darteed lacagtan waxyaabaha ay rabaan ay ku sameeyaan” ayuu yiri ganacsatada noo warramay.

Wuxuu intaas ku daray in xittaa dekedda laga soo dejiyo hub iyo raashin iyo dawooyin dhacay, taasoo qaab farsameesan loola soo  deggo, dowladdana waxbo kalama socota” ayuu markale yirin ganacsadahan.

Arrintan waa fadeexo cusub oo la soo daristay ciidamada AMISOM.

Dhawaan ayaa la ogaaday saraakiisha ciidamada AMISOM in ay iibsadaan hubka iyo shidaalka loogu talagalay ciidamada, waxaana arrintaas ay keentay in saraakiil 12- gaareysa oo u dhashay dalka Uganda shaqada laga ceyriyo baaritaan lagu sameeyay.

Arrin kale.

Dad ku sugan Shabeellaha Hoose, ayaa u sheegay Caasimada Online, in ciidamada AMISOM ay iibsadaan shaagaga ama cagaha baabuurta iyo rasaasta, waxaana la arkay iyagoo tuuraya markii ay marayaan deeganno ku yaalla gobalka Shabeellaha Hoose, waxaana lacagta loogu soo tuuraa qaab EV+Palas ah ama taleefonka ayaa loogu shubaa.

Dumarka Soomaalida ayey la saaxibeen

Ciidamada AMISOM ayaa dhexgalay bulshadda Soomaalida, waxaana ay shukaasadaan gabdhaha Soomaalida, qaar carruur ayey ka dhaleen dabadeedna ay ku inkireen sida ay noo sheegtay gabar la shaqeysa AMISOM.

“Waxaa jirra rag iyo dumar , gabdho u geeya ciidamada AMISOM oo lacag la siiyo, qaar uur ayey qaadeen, markii dambana askariga waa uu ka wareegay xeradii uu joogay gabdho badan ayaa sidaas lagu sameeyay” ayey tiri gabadha noo warrantay.

Si kastaba, arrintan waa ceyb iyo fadeexaad la soo daristay ciidamada AMISOM, waxaana loo baahan yahay in wax ka qabato dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com