SAACID oo la kulmay R/W cusub Cabdi Weli Sheekh Axmed una sheegay…!

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta markii ugu horreysay kulan ku yeeshay Ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya Cabdi Faarax Saacid Shirdoon iyo ra’iisal wasaaraha cusub Cabdiweli Sheekh Maxamed.

Kulanka oo ka dhacay Villa Somalia, waxaa kaloo ka qaybgalay qaar ka mid ah shaqaalihii horre xafiiska Saacid, waxaana la arkayay iyagoo gacan qaadaya oo soo dhaweenaya ra’iisal wasaaraha cusub oo hadda xafiiska ku wareegay.

Waa kulankii ugu horreeyay oo si rasmi ah ay u yeeshaan ra’iisal wasaaraha xafiiska baneenaya iyo midka imaanaya.

Saacid ayaa ra’iiisal wasaaraha cusub baray qaar ka mid ah shaqaalihii xafiiska horrey u joogay, waxaana uu kula dar darmaay in ay la shaqeeyaan xukuumaddac cusub.

Ra’iisal wasaarihii horre ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo isbadalka dhashay uuna ku qanacsan yahay, wuxuuna u ballan qaaday ra’iisal wasaaraha cusub in uu la shaqeen doono.

Si kastaba, ra’iisal wasaaraha cusub ayaa hadda billaabay shaqadiisa, wuxuuna wadaa siddii uu dhawaan ku soo dhisi lahaa xukuumadiisa oo uu sheegay in ay ka badnaan doonto xukuumadii horre.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com