TARSAN oo eedeeyn culus u jeediyey DF Soomaaliya runtana u sheegay

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdishu, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay dowladda Soomaaliya in ay ka gaabisay xiriirka ay la lee dahay shacabka ay mas’uulka ka tahay, isagoona tilmaamay in ay isku koobeen uun xarunta Villa Somalia.

Tarsan oo ka hadlaayay xarunta degmada Degmada Deyniile oo maanta xarigga laga jaray, ayaa sheegay madaxda iyo saraakiisha ciidamada dowladda iyo shacabka inuusan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeya.

Wuxuu sheegay guddoomiyaha shacabka in aysan taageersaneen dowladda waana sabab u ah buu yiri xiriir xumada ka dhexeysa madaxda dowladda iyo shacabkooda.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ayaa ka codsaday wasiirada cusub in ay soo dhex deggaan degmooyinka magaalada.

“War wasiirada cuusub waxaan lee nahay ha isku koobina qol yer oo afar mitir ah oo cariiri ah oo madaxtooyada ku yaalla, kaas wasiir ma ahan waa kaligiis wasiir, ma ahan in ay ka shaqeeyaan qol biyo soo daadinaya

Tarsan ayaa sidoo kale madaxweynaha ka codsaday in marka la soo dhiso wasiirada, uu shuruud ugu xiro xilkooda inay dagaan degmooyinka magaalada Muqdisho, tusaale, Deyniile, Hodan, Wadajir, Warta Nabadda iyo degmooyinka kale.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ayaa wuxuu kaloo taliyaasha iyo saraakiisha ciidamada ka codadsay in ay dagaan farumaha dagaalka iyo goobaha ay ciidamada joogaan “Ma ahan in Hotelada ay ku soo dhuuntaan waa in ay degaan farumaha dagaalka” ayuu yiri Tarsan.

Ugu dambeyn guddoomiyaha gobalka Banaadir ayaa dhinaca kale ugu baaqay dadka iskaleh goofafka in ay ka faa’ideestaan dhulalkaas si looga dhiso Hotelo iyo shirkado.

Wuxuu sheegay in dadka is kaleh dhulalkaas looga baahan yahay in aysan iska iibin oo guryo aan la dhisan sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com