War cusub oo ka soo baxay dagaalkii beelaha Habar-gidir iyo Biiyamaal

Muqdisho (Caasimada Online) Maalmahan waxaa qayboa ka mid ah gobalka Shabeellaha Hoose ku sugan wafdi ka socda dowladda oo uu hoggaaminaayo sii hayaha xilka wasiirka gaashandhigga Soomaaliya, Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi.

Wafdigan ayaa halkaas u jooga siddii ay u dhammeen lahaayeen dagaallo soo noqnoqday oo gobalka ku dhex maray meleeshiyaad kasoo kala jeeda beelaha Habar-gidir iyo Biiyamaal.

Wafdiga ayaa ku guuleestay in ay kala qaadaan dhinacyada ku dagaalamay deeganka Lambar 50 isla markaana maleeshiyaadka labada qabiil kala geeyay deegannada Carbiska iyo Ceeljaale.

Waxaa la soo sheegayaa in deeganka Lambar 50 ay ka dhaceen falal aad u fool xun oo ka dhan bini’aadinka taasoo la xiriirta guryo si bareer ah loo gubay iyo dadkii ku noolaa deeganka oo la qixiyay.

Wafdiga dowladda ayaa xaley ku baryay deeganka Ceel-jaale oo lagu xareeyay mid ka mid maleeshiyo beeleeyada dagaalamay, waxaana maanta oo Arbaca ah lagu wadaa in ay soo gaaraan deeganka Lambar 50 si ay u qiimeeyaan khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay Lambar 50.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com