Jawaari oo xukuumada cusub ee DFS ka dalbaday wax ka qabashada…!

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa shaaciyay in xukuumadda cusub ay hor taallo shaqooyin adag oo la doonayo in ay qabto muddada dowladda u harsan.

Guddoomiye Jawaari ayaa tilmaamay in xukuumadda looga fadhiyo in ay abuurto mashaariic ay ka faa’ideestaan dhallinyarada shaqo la’aanta ay heesato si looo adkeeyo ayuu ammaanka dalka.

Wuxuu sheegay haddii dhallinyarada loo abuuro shaqooyin in ammaanka dalka uu soo hagaayo oo dalka uu horrumar gaarayo sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa dhinaca kale xusay baarlamaanka in uu difaacayo shacabka wax yaabaha ay u baahan yihiin maadama uu taagan yahay xilkaas.

Wuxuu kaloo sheegay in sannadka 2014-ka ay tagi doonaan gobalada dalka si ay u dhageestaan shacabka ugana warbixiyaan wax yaabaha ay u baahan yihiin.

Wuxuu ku celcliyay in baarlamaanka uu shaqeen doono shacabka, shacabka iyagana looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan dowladoooda iyo madaxooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com