Go’aankii SHARIIF XASAN oo laga cabsi qabo inuu cawaaqib xun yeesho !!!

Baydhaba (Caasimada Online) – Go’aankii uu shalay qaatay guddoomiyihii hore ee baarlamanka Somalia Shariif Xasan Sheekh, ee uu kaga soo horjeestay dhismaha maamulka Koonfur Galbeed, ayaa xiisad siyaasadeed ka abuuray magaalada Baydhaba.

Waxaa arintaan ay ka denbeysay kadib markii xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia oo ay kala hogaaminayaan Shariif Xasan Sh. Aadan iyo Sh. Aadan Max’ed Nuur (Aadan Madobe) ay isku maandhaafeen qaabka loo dhisayo maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in gudoomiyihii hore ee baarlamaankii KMG ahaa Shariif Xasan uu diiday in 6-gobol loo dhiso maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya islamarkaana uu doonayo in saddex gobol maamulkaasi loo sameeyo.

Sidaas si ka baddalan waxaa qaba Sheekh Aadan Madoobe, oo asna xili soonoqday gudoomiyhii hore ee baarlamaankii KMG ahaa, waxuuna sheegay in lixda gobol ee Koofur Galbeed maamul ay ku mideeysan yihiin loo dhisi doono.

Magaalada Baydhabo ayaa hada waxaa lagu soo waramayaa in ay ka jirto xiisad siyaasadeed iyo dhaqadhaqaaqyo ciidan,w axaana la tilmaamay in ciidamo ka amar qaata aadan madoobe lagu soo daadiyey magaalada Baydhabo.

Waxaan la ogeen wax ay ku danbeeyn doonto xaalada magaalada baydhabo iyo siyaasada ka taagan xiligaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com