DHAGEYSO: FOWSIYA oo hanti qaran guryo qaali ah uga iibsatay NIAROBI

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda Somalia Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa ku takri fashay lacag 4 milyan oo dollar ah, oo loogu tala-galay in mushahar ahaan loo siiyo diblomaasiyiinta Somalia, diblomaasi Soomaaliyeed ayaa sidaas shaaca ka qaaday.

Cabdi Sataar Xasan, oo ka tirsan safaaradda Somalia ee Nairobi, ayaa wareysi uu bixiyey waxa uu shaaca kaga qaaday in lacagtaasi oo uu soo dhiibay madaxweyne Xasan Sheekh, ay si gaar ah u isticmaashay Fowsiya.

Waxa kale oo ku warramay in dhowr bilood dhammaan diblomaasiyiinta Soomaaliya ee dalalka dunida aysan wax mushahar ah ka qaadan wasaaradda arrimaha dibedda oo ay Fowsiya maamusho, xilli dowladda ay lacagtaasi u dhiibtay Fowsiya.

Waxa kale oo uu shaaca ka qaaday in dhowaan ay Fowsiya Nairobi ka iibsatay guri qiimahiisu yahay 350 kun oo dollar, oo ka mid ah lacagtii ay wasaaradda arrimaha dibedda lahayd, sida uu sheegay.

Fowsiya weli kama aysan hadlan eedeymahan cusub ee soo baxay.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga Cabdi Sataar

fowsiya oo lacag lunsatay

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com