XOG: R/W cusub & Madaxweyne Xasan Sh oo khilaaf uu soo kala dhex galay

Muqdisho (Caasimada Online) Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Maxamuud uu soo kala dhexe galay khilaaf xooggan oo la xiriira soo xulista golaha wasiiradda cusub.

Ilaha warkan aan ka xiganay ayaa sheegay khilaafkan in uu la xiriiro markii madaxweyne Xasan Sheekh uu ra’iisal wasaaraha ku wareejiyay liis ay ku qoran yihiin shan wasiir oo horrey uga tirsanaa xukuumadii Saacid si loogu soo daro wasiirada cusub.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ka biyo diidday arrintaas wuxuuna sheegay in uu soo dhisi doono golle wasiirro ah oo dhammaantood ay cusub yihiin.

Wasiiradda uu madaxweynaha codsaday in lagu soo daro xukuumadda cusub waxaa ka mid ah: Arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka, Arrimaah Dibedda, wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo Gaashandhigga.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya waxaa xafiiskiisa buux dhaafiyay waraaqado lagu codsanaayo wasaaradaha, waxaana la sheegay in uu noqday mashquul.

Khilaafkan waxaa hadda soo kala dhex galay guddoomiyaha golaha baarlamaanka Pro Maxamed Cismaan Jawaari oo labada nin kulan la yeeshay, una sheegay khilaafka in laga gudbo.

Ma cadda halka uu saldhiggan doono khilaafkan cusub ee soo kala dhexgalay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha cusub.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com