XASAN SHEEKH oo ammaanay howsha uu qabtay R/Wasaarihii hore SAACID

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Khamiis ah ka dhacday xaflad ay xilalka ku kala wareegayeen ra’iisal wasaraha cusub Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo ra’iisal wasaarihii horre Cabdi Faarax Saacid Shirdoon.

Xafladda oo ka dhacday aqalka madaxtooyada waxaa ku sugnaa madaxweynaha Soomaaliya iyo qaar ka mid ah xildhibaannada iyo golihii wasiiradda horre.

Ugu horreyn xafladda waxaa ka hadlay ra’iisal wasaaraha xafiiska baneeyay Cabdi Faarax Shirdoon, wuxuuna ka warbixiyay wax yaabaha uu qabtay mudadda uu xilka hayay oo ah 15-bilood.

DSC01479-466x350

Wuxuu sheegay in ay wax ka qabteen arrimaha ammaanka iyo xoojinta xiriirka dadweynaha, wuxuuna sheegay in uu ku guuleestay wax badan oo aysan qaban xukuumadihii ka horeeyay.

Ra’iisal wasaaraha ayaa aad uga mahadceliyay madaxweynaha oo fursad u siiyay in uu shaqadiisa u madax baneeyo inta uu xafiiska joogay.

Wuxuu ku celceliyay in uu ku faraxsan yahay wax yaabaha uu soo qabtay iyo in xilka uu ku wareejiyo Cabdiweli Sheekh Axmed oo uu sheegay in uu aad u yaqaano isla markaana uu ka soo bixi karo xilkaas.

Mudane Saacid ayaa ku celceliyay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan ra’iisal wasaaraha cusub.

Intaa kaddib waxaa iska goobta ka hadlay ra’iisal wasaaraha xafiiska la wareegaya mudane Cabdiweli Weli Sheekh oo sheegay in uu ku faraxsan yahay shaqada uu qabtay Saacid wuxuuna tilmaamay in uu meesha ka sii wadi doono.

Isagoo shaaciyay in uu xoogga saari doono ammaanka, arrimaha garsoorka  iyo la dagaalanka musuq-maasuqa sida uu yiri.

Wuxuu sheegay in dowladda la gayn doono degmo, tuulo iyo gobal kasta dalka sida u hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu dambeyn hadalka la siiyay, wuxuuna sheegay in ku faraxsan yahay shaqada ay soo qabtay xukuumadii Saacid, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay isagoona muujiyay in uu ku kalsoon yahay ra’iisal wasaaraha xilka la wareegay.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay xil wareejinta qaabka lagu yaqaano dowladnimada, caalamka hormartay sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha ayaa ra’iisal wasaaraha cusub sheegay in looga baahan yahay isbadal iyo wax qabad ka balalaran xukuumada xilka baneesay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com