XOG IYO GORFEYN: “Qeeybinta waxaa i bartey, Ishaa Dhurwaa ka laalaada!”

HORDHAC/GOGOL-DHIG

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Intaa kabacdi, aan ku bilaabo’e, Dawacaa laga sheegey, “Qeeybinta waxaa i bartey, Ishaa Dhurwaa ka laalaada!”, kadib markii Libaax ku yiri Dhurwaa, “Bal Dhurwaa hilbaha neefkan Habar-Dugaag uwada qeeybi”. Dhurwaa ayaa intuu hilbihii neefka labo u dhigey, yiri; “Habar-Dugaag oo idili qeyb/bar/haaf ha wadaagto, Libaaxna kaligii qeybta kale ha qaato”. Nasiibdarro! Libaax oo sida Dhurwaa wax u qeeybiyey dhaliishan baa Dharbaaxo Il-iyo-Goon jabiyey Dhurwaa, illa Il falaq soo tiri, oo ka laadlaadsatey. Kadib Libaax baa Dawaco ku yiri bal adna qeybi neefka, saa waatan Dawaco neefkii laba u qeeybisey, oo qeyb Libaax siisey, deetana sii kala qeybisey qeebtii kale, oo qeyb libaax siisey, illaa neefkiiba eey Libaax wada siisey. libaax oo la dhacsan sida Dawaco wax u qeeybisey baa yiri, “Oo Dawaco yaa qeeybinta sidan hufan kuu barey?”, waxeey ugu jawaabtey, “Qeybinta waxaa i bartey, Ishaa Dhurwaa ka laalaada”

Marka Mudane Ra’isulwazaare: Cabdiweli Sheikh Axmed Sh. Maxamed, taariikhda waa lagu cibro qaataa, lagana faa’ideeystaaye, Qormadan talo siinta ah, waxaan ku ururiyey malaha wixii aan isleeyahay Mudanihii kaa horeeyey ee Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) wuu eebsadey, waxaana maangal ah in sida Dawaco uga faa’ideeysatey waxa Dhurwaa ku dhacay, aad adna uga faa’ideeysato waxa Mudane Saacid qabsadey.

Waxeey ka koobnaan doontaa dhowr qodob oo kaliya, ulajeedooyinkoodana waa si aad u badbaado, una kala  badbaadaan adiga iyo madaxweeynaha illaa xilliga dowladan waqtigeedu dhamaanayo. Mudane Ra’isulwazaare waa macquul in qaarkood horeyba laguugula soo heshiiyey, oo eeyba shardi u ahaayeen in laguu magacaabo jagada aad heeyso ee Ra’isulwazaaraha Soomaaliya. Hadiise taasi eeysan hore u jirin, sifiican hadda u dhuux talooyinkan. Waxaase muhiim ah in aan kuusii sheego oo waliba aan ku celceliyo in aaney qasab aheyn in talooyinkaan eey u wanaagsanyihiin Danta Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, balse waxaa ku xiran badbaadkaada “Your Survival”. Marka Fadlan talooyinkan qaado oo raac:

A-QODOBKA 1-AAD: LIISKA WAZIIRADA: Waa qodibka 1-aade, mudane Ra’isulwazaare waa in aad soo celisaa qaar ka mid ah waziiradii ka tirsanaa Xukummadii Waxqabad la’aanta lagu eedeeyey, Ra’isulwazaaraheediina loo ceeyriyey. Gaar ahaan “Kooxda Madaxweynaha”.Waxaa macquul ah in eey kula noqoto wax aan caqligal aheyn, balse xaqiiqda jirta ma aha in aad iska indha tirdo. Waxaa waajib kugu ah in aad soo celiso: A-Waziiru dowlihii hore ee Madaxtooyada: Mudane Faarax C/Qaadir (Farah Topaz). B-Waziirkii hore ee Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka mudane: C/kariin Xuseen Guuleed. C-Waziiradii hore ee Arimaha Dibada, aheydna Ra’isulwazaare ku Xigeen: Marwo.Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan. Dhib malaha Kamaal Guutaale oo ah chief of staff-ka Madaxweynaha Soomaaliya cidiba ma aaney ridin, oo sidiisa ayuu u joogayaa. Maxaa yeeley Ra’isulwazaarihii hore ee Saacid ayaa ka horyimi Liiska Madaxweynaha, wuuna eebsadey, oo wuu ku baxay, adigana waad ku baxeeysaa hadii aadan sida uu madaxweynaha kuugu dhiibo aadan u magacaabin. Laga yaabe in aad sifiican uga faa’ideeysan doono, hadii aad aqrisato qormadii aan ka qorey, sirtii ka dambeeysey Iskhilaafka Madaxweynaha iyo Ra’isulwazaarihii hore. Qormadaa aadka loo aqristey ciwaankeedu wuxuu ahaa,”SIRTA KA DAMBEEYSA IS KHILAAFKA “MADAXDA QARAN” – “KOOXDA” XASAN SH. Waa Imtixaanka ugu horeeya ee ku horyaalla, sidii aad uga dabaalanlaheydna lagaa sugayo.Nasiibdarro! Guud ahaan Ummada Soomaaliyeed ayaa kugu qiimeyndoonta arintan.

B-QODOBKA 2-AAD: ARIMAHA BADDA: Waloow eey jirto in Bishii Oktoobar sideedeedii 2011-da (October 8, 2011) in Xildhibaanaddii Baarlamaankii DFKMG aheyd eey si buuxda isugu raaceen 6-qodob oo ku aaddanaa Badda Soomaaliya, oo Guddoomiyihii fadhiga cod u qaaday tirada ogol ama diidan 6-daa qodob. Waqtigaa waxaa ogolaatay 335 oo ah xubnihii soo xaadiray madasha fadhiga, cid diidey ma jirin, cid ka aamusteyna ma jirin, wuxuuna Go’aanka baarlamaankii DFKMG ahaa si wada jirta u yiri: “Waa in Soomaaliya ku dhaqantaa sharcigii Badda ee soo baxay 1988-dii”. Balse waa in aad waxaas iska indho tirtaa, oo aad u jilicsanaataa kuwa wata danaha boobka Badda Ummadeena Soomaaliyeed. Kuwaas oo eey ugu horeeyaan: Kenya, Norwey, Shirkadaha shidaalkan, iyo France. Waa in aad soo istaagtaa Foowqifka Madaxweynaha ee uu ugu qudbeeyey Kooxda “Somali Contact Group-ka”. Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Shiikh Xasan ayaa maalin Arbaco ah, taariiqduna ku beegneyd May 1, 2013. Wuxuu qoraal iyo hadal Video ahaanba u jeedeyey Kooxda Contact Group ee qaabilsan Burcad-Badeeda, kuna sugan New York ee cariga Mareykanka. Waxanaa uu markii ugu horesey taariikhda Soomaaliya ku andacoodey in Dhul-Badeedka Soomaaliya (Somalia Territorial Waters) yahay “12-Mayl oo kaliya”, isagoo jajuubaya ama meesha ka saaraya xeerkii badda Soomaaliyeed ee dhigayey in Dhul-Badeedka Soomaaliya yahay “200-Mayl-Badeed”. Mudane Ra’isulwazaare waa in aadan ka hor iman usaxiixidii eey Kenya ugu saxiixdey Marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan (May 31, 2013) in in Dhul-Badeedka Soomaaliya (Somalia Territorial Waters) yahay “12-Mayl oo kaliya”. Waa in aad taageertaa in la suuliyo xeerkii Badda Soomaaliya Law No. 37 ee dhigayey in “Somalia Terrtorial Waters” uu yahay 200-Mayl-badeed. Waana in aad sidooda oo kale ogolaataa in lagu soo koobo Badda Soomaaliya 12-Mayl oo kaliya intii aad difaaci laheyd baaxadeeda saxda ah ee ah 200-Mayl. Mudane Ra’isulwazaare waa in aadan marsiin Baarlamaanka oo laga yaabo in uu diido, ama ka hor yimaado qorshahaa boobka Baddeena Soomaaliyeed, Golaha Waziiraduna ay khabaar-moog maqaar-saar ah ka ahaadaan arrintan. Sida qorshuhu yahayna Madaxweynaha DFS wuxuu si degdeg ah ayadoo aan baarlamaanka la tusin uu Qarammada Midoobey ka diiwaan galindoonaa markii ugu horeysey taariikhda in Dhul-Badeedka Soomaaliya Territorial Waters yahay “12-Mayl oo kaliya”. Fadlan ha hilmaamin in Gudoomiyaha Baarlamaanka qudhiisa Mudane Prof. Maxamed Cismaan Jawaari uu wax ka ogyahay qorshahan, waxna ka wadoba. Halkan ka daawo wareeysigiisii ku caanbaxay ereyadii xanaaqa badnaa ee uu kulahaa Isaga weydii. Ogoow in Waftigii Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ee booqashada ku tegey Norway intii u dhaxaysey 6-13 April 2013, in si qayaxan loogu soo bandhigay Dukumiinti qaarkood ahaa QARSOODI (CONFIDENTIAL), oo ku saabsanaa “Xeer eey Norway u diyaarsatey” in loo sameeyo badda Soomaaliya, laguna burburinayo sharciga dhul-badeedka Soomaaliya ee Law No. 37. Mudane Ra’isulwazaare waxaad sidoo kale ogaataa in Prof. Jawaari yahay muwaadin heeysta dhalashada/Passport-ka Dalka Norwey, mudana uu halkaa ku noolaa, oo waliba uu ku haray xitaa markii qoyskiisu eey Ingiriiska u guureen, sidaa daraadeedna eey Dowlada Norwey dhaqaale xoogan ku bixisey sidii uu ugu soo bixi lahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka si arinta Boobka Badda Soomaliya iyo Shidaal ka qodashadeeda uu ugu meelmariyo. Waloow Ra’isulwazaarihii hore ee mudane Saacid uu ka horyimi, iyadoo isaga iyo Golihii waziiradiisuba eey qoraal cad ku soo saareenJune 6, 2013, in Badda Soomaaliya tahay 200-Mayl Badeed, hadana mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) wuu ka laabtey kadib markuu Muqdisho, 15, June, 2013-ka uu xafiiskiisa kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Norway Kjell Magne Bondevik oo hada ah gudoomiyaha Xarunta Oslo ee Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqda aadanaha oo la asaasay sanadkii 2006, balse u ololeeynaya danaha dalkiisa ee ku saabsan boobka Shidaalka Badda Soomaaliya, sidaa daraadeedna eey Xukuumadda mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) Baarlamaanka Soomaaliya ugu Gudbisey Xeerka Kalluumaysiga, kaasoo Badda Soomaaliya kusoo koobaya 12-Mayl, qodonkiisa afaraadna uu dhigayey sidan “Dhulka Badda: Macnihiisu waa dhulka biyaha badda ee ilaa 12 mayl (12 miles) u jira xeebta Soomaaliya, iyadoo la tixraacayo xeerka Qaramada Midoobay ee Sharciga Baddaha 10kii December 1982”, sidaana loogu tirtirayey Xeerkii Badda Soomaaliya ee Law No. 37.

Ugu dambeeyna waxeey ka mid aheyd waxyaabihii uu eebsadey Ra’isulwazaarihii kaa horeeyey ee Mudane Saacid, ee dadaalka, waqtiga iyo dhaqaalaha gaarayey $11-Million-ka loogu bixiyey ridistiisa, tasoo qoladii howshaa wadatey eey ku guuleeysteen, adigana wadadaaa ayaad mareeysaa hadii aadan ku waano qaadan. Laga yaabe in aad sifiican uga faa’ideeysan doono, hadii aad aqrisato qormadii aan mudo fog aan ka qorey, boobka Badda ciwaankeeduna ahaa: “Biloowga Dagaalka Shidaalka (Black Gold) Ee Soomaaliya!“.

C-QODOBKA 3-AAD: DHAQAALE IYO LAALUUSH. Mudane Ra’isulwazaare marka aad taariikhda dib u raacdo oo aad dib u eegto mudadii 13-ka sano aheyd ee aan yeelanney 4-ta Madaxweyne, waxaan yeelanney 11-Ra’isulwazaare, taasi waxeey kuu sheegeeysaa in aadan daaheeyn waxkasta oo dhaca, oo ugu dambeyn laaluush xubnaha Baarlamaanka ah lasiiyo ayaad ku baxeeysaa sida Mudan Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) uu ugu baxay, waa hadii aadan dhib la’aan isaga bixin inta dhowr Million jeebka laguugu shubo sida Ra’isulwazaarihii hore Mudane: Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke. Sidaa daraadeed, waxaad u baahnaaneeysaa in aad usii diyaargaroowdo dagaalkaa hubaalka ah in uu ku qabsandoono, oo aad wajihi doonto. Ugu horeyn maadaama madaxweynuhu ku tiirsanyahay Dowlada Qatar oo Mareeykanku uu ku leeyahay saldhigiisa Military ee ugu weyn aduunka, ugana wakiilka ah danaha uu ka leeyahay dowladaha Carabta iyo guud ahaan dunida Islaamka, oo dhaqaalahana ku bixisey soo saaristiisii iyo la diristii Mudane Saacid, waxaad adigana u baahnaaneeysaa in aad hesho dowlad Carbeed oo dhaqaale adna kugu bixisa marka xaalada dhabta ah “The Moment of Truth” la gaaro. Dhacdooyinka Masar adiga oo ka faa’ideeysanaya, dowladaa waa kuu diyaar. Sida laga yaabo in aadba la socoto Dowlada Qatar waxeey taageertey Madaxweynihii talada laga xayuubiyey ee Dalka Masar Mudane Dr. Maxamed Mursi iyo Ikhwaankiisiiba. Waxaa dhinaca kale kasoo jeeda oo lid ku ah, dowladaha kalee Khaliija, haba ugu darnaadeed Sucuudiga, Imaaradka iyo Kuwait’e. Waa muhiim marka in aad kuwaa xiriir fiican la yeelato, dhaqaale xooganna meel usii dhigato, si adiga iyo isagaba aad dhaqaalihii ummadan tabaaleeysan loogu talagaley, ee wax badana loogu qabankari lahaa, aad is eryashadiina laaluush Xildhibaanada lasiiyo ugu baabi’isaan. Dalka iyo Dadkana aad silica iyo marxaladan adag oo eey marayaan aad ugu sii dheereeysaan, sidaana waqti iyo dhaqaane aad muhiim ugu ah aad uga wada dhumisaan.

AFEEF

Waxaan ka afeefanayaa in sida aan horeyba u sheegey talooyinkan aaney qasab aheyn in dalka iyo dadka eey dan u yihiin. Waase fariin aan si dadban ugu gudbinayo Ra’isulwazaaraha cusub. Waxaan sidoo kale ka afeefanayaa in aanan ku jirin kuwa Dowlada maanta jirta ku mucaarada, ku neceb, dacaayadaha rakhiista ahna uga fidiya qabyaalad darteed sida: “Kooxda S-A-H-A-L”, iyagoo dowlada ummada Soomaaliyeed, ee Soomaali oo dhami kuwada jirto, ku tilmaama erey qabyaaladeedka, eey u xushaan ee  ah “Doowlada Xamar ama Doowlada Muqdisho”, taasoo hadafku yahay in waxmagaradka loogu shaabadeeyo in dowladuba tahay mid hal Reer oo xamar daga leeyihiin. Waaan ahay muwaadin Soomaaliyeed oo jecel in sharaf dhaca, sumcad xumida iyo bahdilna caalamka inoo yaalla in mar uun ummadeeydu ka baxdo, si shaqsi-shaqsi ah, ama Reero-Reero ahna inaga saarimeeyso, sidaa daraadeedna waxaan jeclahay, aadna u taageerayaa dowladnimada, nidaamka iyo kala dambeeynta ku dhisan “Danta guud ee inaga wada dhaxeeysa”, iyo “Cadaalad dhab ah oo madaxda dalka eey hormuud ka yimiin”. Mahadsanidiin

Writing only for SOOMAALINIMO

W/D: C/Qaadir Maxamed Cismaan, “Cabdiboqor

Maamule ku xigeen ahna Bare/Macallin Jaamacadeed (Deputy Dean & Fulltime Lecturer) Qeeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha, Al-Madinah International University, Malaysia

abdulkadirphd@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online