Xog: Xasan oo uu xaalku ku xun yahay iyo xildhibaano diyaariyey mooshin

Muqdisho (Caasimada Online) – Magacaabista Golaha wasiirada cusub ee Somalia, ayaa gashay marxalad aad u adag, oo aan la fileyn xilli ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh uu ka dhacay waqtigigii loogu tala galay oo ku ekaa shalay.

Xog ay heshay Caasimada Online, ayaa muujineysa in xildhibaano badan la marsiin waayey in dib loo soo celiyo dhowr wasiir oo ku jiray xukuumaddii Saacid, oo madaxweyne Xasan Sheekh uu wato ama saaxib dhow la ah.

Xildhibaano dhowr ah, ayaa u xaqiijiyey Caasimada Online in ku dhowaad 100 xildhibaan ay diyaariyen mooshin diidaya in lasoo celiyo wasiiradii ku caasi garoobay ra’iisul wasaarahooda.

Su’aasha xildhibaaanada ay wataan ee aan jawaabta loo helin ayaa ah “Haddii wasiiradii Saacid ay soo noqonayaan, maxaa isaga loo eryey, sidee wasiiro ku caasiyoobay ra’iisul wasaarahooda oo u ololeeyey in xukuumaddoodii loo rido shaqo xumo ay kusoo laaban karaan?”

Sheekadan cusub, ayaa ah guul siyaasadeed oo ra’iisul wasaaraha uu gaaray, maadama isaga uu diidanaa inuu magacaabo xubnii hore ee xukuumadda Saacid ka haray, waana guul darro xooggan oo madaxweynaha gaartay.

Wasiirada la diidan yahay waxaa ka mid ah, Cabdi Kariim Xuseen Guuleed, Fowsiya Yuusuf, Faarax Cabdul Qaadir, Cabdi Xakiin Fiqi, Maxamed Nuur Gacal iyo Maxamed Xasan Suleymaan, inkasta oo qaarkood uu madaxweynaha ka tanaasulay.

Xalay ayaa waxaa Villa Somalia ka socday kullamo xooggan oo madaxweynaha uu ku shukaaminayey xildhibaano badan, ayada oo lagu waramay in qiimihii ay codadka ku gada jireen ay xildhibaano badan kordhiyeen, markii ay arkeen in Xasan Sheekh aan laga fujin karin magacyada xubnaha qaar.

Baarlamanka Somalia, ayaa 10 maalmood ugu kordhiyey ra’iisul wasaare Cabdi Weli, maadaama waqtigii loo qabtay uu shalay ku ekaa, kuna guul darreystay inuu soo magacaabo golaha wasiirada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa dhowr jeer ka codsaday madaxweynaha inuu u daayo howshiisa magacaabista wasiirada, balse Xasan Sheekh ayaa doonaya inuu qeyb ka noqdo xulista wasiirada, si ay saaxiibadiis uga dhex muuqdaan.

Dhinaca kale xubno ku dhow xafiiska ra’iisul wasaare Cabdi Weli ayaa Caasimada Online u sheegay in laga yaabo in tirada golaha wasiirada laga dhigo 20, halkii marki hore loo qorsheeyey 25.

Lama yaqaan xilliga rasmiga ah ee lagu dhowaaqi doono golaha wasiirada, inkasta oo wararka ay lee yihiin waxaa macquul ah in waqti dhow lagu dhowaaqo, waxaase su’aal ay ka taagan tahay sida baarlamanka loo marsiin doono, haddii ay kasoo dhex muuqdaan wasiiradii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com