XOG: Magacaabista Golaha wasiirada & khilaafka Xasan Sheikh & Cabdi Weli

Muqdisho (Caasimada Online) – Muran ayaa weli ka taagan magacaabista golaha Wasiirada DF iyadoo warar laga helayo Villa Somalia ay sheegayaan in Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha DF ay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin magacaabista wasiirada.

Wararkan ayaa sheegaya in Madaxweynaha DF Xasan Sh. Maxamuud uu aad ugu dadaalayo in lagu daro Wasiirada Cusub ee xukuumada labada xubno si aad ah ugu dhow sida Faarax C/qaadir, C/kariin Xuseen Guuleed iyo Maxamed Nuur Gacal.

Ilaha warkan laga soo xigtay ayaa intaas ku daray in ra’iisul wasaaruhu uu ka soo horjeedo in xubnihii xukuumadii hore dib loo soo
celiy, maadaama ay sidaas kula taliyeen xildhibaano iyo waxgarad uu la kulmay.

Maalintii Jimcaha, ayaa lagu waday in Ra’iisul Wasaaruhu uu Golihiisa Wasiirada ku dhawaaqo, balse waxaa dib u dhac ku keenay
kadib markii uu Madaxweynuhu diiday habka ay wax ku socdaan.

Shalay ayaa baarlamanka Somalia uu waqti 10 maalmood ugu daray ra’iisul wasaaraha, kadib markii uu ka dhacay waqtigii loogu tala galay inuu magacaabista ku sameeyo.

Lama oga xiliga rasmiga ah ee uu Ra’iisul Wasaaruhu ku dhawaaqayo golaha uu soo dhisayo, waxaana socda mooshin ay diyaariyaan xildhibaano kasoo horjeeda in dib loosoo celiyo Wasiiradii hore ee xukuumada.

Xildhibaanada Mooshinka diyaarinaya oo ku dhow 100, ayaa waxay si aad ah uga soo horjeedaan in golaha Wasiirada lagu soo daro xubnaha aadka ugu dhow Madaxweynaha Somalia, kuwaasoo ay u arkaan inay yihiin kuwo xagal-daacinaya howlaha Dowlada.

Madaxweynaha Somalia iyo Ra’iisul Wasaare C/weli Sh. Axmed Maxamed ayaan weli ka hadlin aragtiyadooda ku aadan magacaabista golaha wasiirada inkastoo Madaxweynuhu uu dhowr jeer sheegay in howsha xukuumada uu Ra’iisul Wasaaruhu dadaal weyn ugu jiro.

Wasiirada lasoo dhisayo ayaa tiradooda lagu sheegay 20 illaa 25 wasiir, iyadoo aan la ogeyn inta xubnood ee haween ka noqonaysa, waxaana isbedelkan uu qayb ka ahaa qorshayaal ay xukuumadii Ra’iisul Wasaare Saacid waday intii aysan kalsoonida baarlamaanka waayin.

Kala fikir duwanaashaha ku saabsan magacaabista Golaha Wasiirada DF ee u dhexeysa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa u muuqaal eg tii ay ku kala tageen Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia Saacid Faarax Shirdoon iyo Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com