Dalxa “R/W Cabdiweli muddada loogu kordhiyay waxbo kuma qaban karo”

Muqdisho (Caasimada Online) Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo warbaahinta gudaha la hadlaayay ayaa sheegay in ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ay heestaan caqabado badan oo ku hor gudban in uu soo magacaabo xubnaha cusub ee golaha wasiiradiisa.

Dalxa ayaa tilmaamay 10-ka cisho ee loogu kordhiyay ra’iisal wasaaraha muddada uu soo dhisaayo xukuumadiisa aysan wax u qaban doonin maadama Villa Somalia ay ka jirto gorgortan iyo in qof kasta uu doonaayo in uu ka soo dhex muuqdo xubnaha cusub.

“Ra’iisal wasaaraha 10 cisho iska daayee haddii xittaa loogu daro 30 cisho waxbo kuma qaban karo, waayo meesha waxaa ka socda gorgortan iyo in uu qof kasta iska dhex arko xukuumadda cusub, waayo waxaa meesha ka socda iigu dar qof hebel iyo dad muqalisiin ah oo doonaya in dad ay wataan ama ay isku xisbi yihiin loogu daro golaha wasiiradda cusub” ayuu yiri Dalxa.

Hadalka xildhibaan Dalxa oo horre u soo noqday guddoomiye ku xigeenka koobaad ee baarlamaanka, ayaa ku soo aadaya iyadoo ay soo baxayaan in ay jiraan caqabado waaweyn oo ku hor gudban ra’iisal wasaaraha in uu soo magacaabo xukuumadiisa, waxaana caqabadahaas ka mid ah mid kaga furan dhinaca madaxweynaha oo wata shakhsiyaad ay ka wada-tirsan Dam-Jadiid, kuwaasoo uu doonayo in lagu soo daro xukuumadda cusub, balse ra’iisal wasaaraha ayaa ka goos-adeeganaya arrintaas.

Si kastaba, la arki doonee halka ay ku dhammaadaan  caqabadaha ra’iisal wasaaraha ka hor taagan magacaabiista golaha wasiiradiisa iyo sida uu uga badbaado dabinka ay la damacsan yihiin Dam-jadiid..

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com