QM oo war ka soo saartay boobka ka billowday magaalada Boosaaso

Muqdisho (Caasimada Online) Qaramada Midoobay ayaa ka hadashay boob ka billowday magaalada Boosaaso ee gobalka Bari, kaddib markii madaxweynihii horre Cabdiraxmaan Faroole toddobaadkii horre looga adkaaday doorashadii madaxweynaha.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa si degdeg u codsaday in la joojiyo boobka ka billowday xafiisyadii maamulkii horre. Isagoona madaxweynaha cusub Cabdiweli ka codsaday inuu qaado tallaabooyin lagu xaqiijinayo ammaanka Puntland.

Danjire Kay ayaa markele u mahadceliyay madaxweynihii horre Faroole sidda uu aqbalay natiijadii ka soo baxday doorashadii dhacday toddobadkii horre isagoonta tilmaamay in uu horseed u ahaa horrumaro badan oo Puntland ay gaartay.

Ugu dambeyn Mr. Key ayaa ka digay in dhibaato loo horseedo horrumarka iyo nabad galyada ka jirta deegannada Puntland, wuxuuna ciidamada ammaanka ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan siddi ay uga hortagi lahaayeen wax kasta oo carqalad gallin kara ammaanka

Hadalka danjire Key ayaa soo beegmaya iyadoo magaalada Boosaaso laga soo wariyay warar sheegaya in la boobay hub iyo gaadid yaallay dhismaha madaxtooyada Boosaaso, waxaana qaatay ayaa la yiri ciidamo daacad u ah madaxweynihii horre.

Dhammaanka waxaa la adkeeyay ammaanka Puntland gaar ahaan xarumaha dowladda, waxaana arrintaas shaley ka hadlay saraakiisha ciidamada ammaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com