26.8 C
Mogadishu
Friday, July 11, 2025

Qarax caawa lala beegsaday ciidanka Amisom iyo warar dheeraad ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Kolonyo ay la socdeen ciidamada AMISOM ayaa caawa lagu weerarray waddada xiriirisaa Muqdisho iyo Afgooye.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in ay arkeen baabuur ka mid ah kolanyadii ciidanka AMISOM in uu haleelay qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagaliyo.

Si dhab ah looma oga khasaaaraha soo gaaray ciidamada AMISOM ee la socday kolanyadaas oo ka timid degmada Afgooye kuna soo jeeday magaalada Muqdisho.

Qaraxa kaddib ciidamada waxa ay xireen goobta uu qaraxa ka dhacay oo dhow Jaamacadii Beeraha sidda ay lee yihiin dadka deeganka.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay ciidamada AMISOM, ee qaraxa lagu qaaday mana ahan markii ugu horreysay oo qarax lagula eegto waddadaas kolanyo ay wateen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News