Xildhibaanada oo ka dooday mooshin ku saabsan golaha wasiirada cusub

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa goordhow soo gabagaboobay kulan xildhibaannada baarlamaanka ay ku lahayeeen xarunta golaha shacabka, kaasoo looga doodday mooshin ka dhan ah wasiiradii horre in lagu soo daro xukuumadda cusub.

Kulanka oo uu shir guddoominaayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka,Mahad Cabdalle Cawad ayaa lagu qeybiyay mooshin la sheegay in ay soo diyaariyeen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka, kaasoo lagu dalbanaayay in wasiiradii horre ee xukuumadii Saacid aan lagu soo darin wasiiradda cusub.

Guddoonka baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay cod in lagaliyo mooshinka baarlamaanka yaalla, waxaana markii dambe ka hadlay fadhigga 50 xildhibaan oo u badnaa kuwa soo diyaariyay mooshinka iyo kuwa taageersan, waxaana ay sheegeen in aysan xaq ahayn wasiiro horrey u sheegay xukuumadii Saacid in ay fashilantay in lagu soo daro xukuumadda cusub.

Qaar ka mid ah xildhibaannada ayaa wacad ku maray haddii la soo celiyo wasiiradii horre in ay san wax cod ah siin doonin xukuumadda ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Si kastaba, dood dheer ayaa guddoonka baarlamaanka wuxuu codsaday in bal maadama ay aad u fara badan yihiin xildhibaannada ka doodday mooshinka, waqtigana uu yahay mid kulul , la soo afjaro fadhigga isla markaana maalinta Salaasada cod loo qaado mooshinka laga keenay golaha wasiiradii horre in lagu soo daro xukuumada cusub.

Kulankanna siddaas ayuu ku soo xirmay.

Maalintii shaley ayey ahayd markii baarlamaanka ay cod u qaadeen codsi uga yimid ra’iisla wasaaraha kaasoo ahaa in muddo 10-cisho ah loo darro muddada uu ku soo dhisaayo xukuumaddiisa.

Xarumaha dowladda waxaa aad looga hadal hayaa warar ku saabsan in uu jirro is maan dhaaf ka dhex taagan madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha oo ku aadan xubnaha cusub ee wasiiradda.

Madaxweynaha ayaa doonaya in xubnaha cusub lagu soo darro qaar ka mid ah golihii wasiiradda horre, arrintaasna waxaa ka goos-adeegaya madaxweynaha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com