XOG: Xasan Sheikh oo si cajiib u kala fur-furay xildhibaannadii mooshinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Madaxweynaha DF Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay illaa xalay qaabilayey Xildhibaannada Mooshin ka keenay in Wasiiraddii hore ay kusoo laabtaan Xukuumadda Cusub ee ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed.

Illo Xog-Ogaal ah ayaa xaqiijiyey in Xafiiska Xasan Sheekh uu shalay qadp sharaf u sameeyay Xildhibaano badan, oo Mooshin kasoo gudbiyay Wasiiraddii hore, waxaana laga dhaadhiciyey ay ka tanaasulaan Go’aankooda.

Ayada oo lagu wado in maanta cod la geliyo in ay soo laaban karin wasiiro horey uga tirsanaa xukuumadi Saacid, ayaa waxaa sidoo kale xalay shaqaalaha Madaxtooyadda Villa Somalia ay wadeen dadaallo xooggan, oo ku aadan sidii mooshinka loo fashilin lahaa.

Xubnihii Villa Somalia lagu qaabay ee xildhibaanada ahaa, ayaa waxaa loo balan qaado xilal, kuwii diidayna waxaa la siiyey laaluush, si loo xaqiijiyo in mooshinka uu fashilmo, taasi oo albaabka u furi doonta inay soo noqdaan wasiiradii hore, gaar ahaa kuwa Damu Jadiid.

Wasiirada dartood loo wado olalaha waxaa ugu weyn Faarax C/Qaadir, oo laga dhigi raba Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Diinta iyo Cabdi Kariim Guuleed oo loo qorsheeyey wasiirka amniga qaranka.

Inkasta oo aan la ogey waxa maanta ka dhici doona baarlamanka iyo natiijada kasoo baxeysa cod qaadista, ayaa haddana xogta Caasimada Online waxa ay sheegeysaa in la kala fur furay xildhibaanadii waday mooshinka badankood oo gaarayey 100, kuwaasi oo qaar ka mid ah ay ballanqaadeen inay gudbin doonaan cod ay ku farxaan madaxweynaha iyo Damu-Jadiid.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com