Daawo Sairrada: Madaxweynaha cusub ee Puntland oo xilka lagu wareejiyay

Madaxweynihi hore ee Maamul Goboleedka  Puntland Dr C/Raxmaan Faroole ayaa sheegay hadii uuMadaxtimiada kusoo bixi waayay uu bedelay nin culus oo xilkiisa gudanaya Puntlandna horay u wadaya sidaa darteed kuwii ku faraxsanaa inaan xilka ka dago waxaan u sheegayaa in uu yimi mid ila mid ah oo Puntland hormarkeeda sii wadaya ayuu yiri Mudane Faroole.

“ Hadaan Puntland jirin hadaan maamulkaan hormuudka ahoo hooyadii Soomaliya ah hadaysan Nidaamkii Federaalka ahaa hirgalin rajo wayn kama qabo in Soomaliya ay hagaageyso hase ahaatee waxaan leeyahay kuwii ku faraxsanaa inaan xilka ka dago mid ila mid ah oo Puntland horay u wadaya ayaa yimid oo aqoon yahan ah ee halala socdo, horaan idinkugu sheegay alle waxaan uga mahadcelinayaa in uu Puntland u dhiibay mid ila mid ah oo aqoon yahan ah siyaasada dalkana wax ka yaqaan horay ayuu Gaas asoo ahaa Raysul’Wasaaraha Dalka hadana waa nin hanan kara Puntland.

Waxaan reer Puntland u tilmaamayaa in ay la shaqeeyaan Madaxweynaha Cusub sida ay aniga iila shaqeeyeen hal halkii qeelada badnaayoo meelahaas xaanshiyaha gubi jirayna waxaan u malaynayaa inay hada miirsanayaan haday arkeen in nin Cusub la doortay mise meeshooday kasii wadi doonaan Tolow?, waxaan ku faraxsanahay in dadka reer Puntland ay midaysan yihiin waxaan kaloo ku faraxsanahay inay aad ii taageeraan waxaan kaloo ku faraxsanahay inaan aqbalay natiijadii uu Madaxweynuhu hal cod iiga horeeyey waxaan aad iyo aad u rajeynayaa in Midnimada Puntland la ilaaliyo Soomaliyana wixii lala qabankaro lala qabto.

Faroole ayaa noqonaya Madaxweynihi 4raad oo xilka wareejiya isagoo wax qabad la taaban karo ka fuliyay deegaanada Puntland wareejiyayna Ciidan Hub dhismo iyo Aagabyo kale oo badan ayna sii dheertahay Amni iyo kalsooni Dowladeed oo Puntland ka jirta, dad badan ayaana qiraya in Mudane Faroole lagu soo xasuusan doono Waxtarkii uu u sameeyey Puntland.
810111213141011121323456789