Xog: Maxaa ku dhegan magacaabista golaha wasiirada cusub ee Somalia?

Waxaa dad badan oo Soomaaliyeed ay aaminsanaayeen in Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya oo ah dowlad rasmi ah ay aad uga duwanaan doonto, maamuladdii ku meel gaar-ka ahaa ee dalka soo maray oo qibrad ahaan laga bartay qilaaf iyo is qabqabsi madaxda sarre oo ku dhamaada faragellin shisheeye iyo fool xummo.

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed oo xilka loo magacaabay 12-kii bishii tagtay ee dabayaaqadii sanadkii aynu kasoo gudubnay ayay ku adkaatay inuu soo magacaabo Xubnaha golaha wasiirada Xukuumadiisa kamid noqonaya kaddib markii uu hareeyay kala aragti duwanaan haysta dhinacyada doonaya inay kamid noqdaan golaha Wasiirada iyo cadaadisyo uga imaanaya dhinacyo kala duwan.

Cabdiweli ayaa Baarlamanka Soomaaliya ka codsadeen inuu Wasiiradiisa kusoo dhiso muddo ku siman ilaa 10-ka bishan, wallow ay arintaasi suuragalin haddana Xildhibaanada ayaa markale codsi uga yimid Ra’iisul Wasaaraha ugu daran muddo dhowr cisho ah oo imika uga harsanyihiin maalmo kooban.

Sideedaba mas’uliyiin wada shaqeeynaya oo xil ka saran yahay dal iyo umad ay mas’uuliyad u qaadeen waa la filan karaa in ay isku qabtaan arimaha Siyaasada balse waxaa dad badan oo Soomaaliyeed layaab ku noqotay in la lagu faragaliyo Ra’iisul Wasaaraha dhismaha Xukuumadiisa taasoo keentay in Muddo ku dhow bil dib u dhac ku yimaado.

Dhibaatada ugu daran ee haysta soo magacaabista Golaha Wasiirada ayaa ah in Xukuumadda cusub lagu soo daro golihii Wasiirada Xukuumadii Saacid taasoo keeni karta in Baarlamanka Soomaaliya uusan kalsooni uga helin Ra’iisul Wasaare Cabdiweli golaha Wasiirada uu soo dhisayo.

Xildhibaano gaaraya ilaa 113-Xildhibaan ayaa u codeeyay in meesha laga saaro mooshinkii hore loo soo gudbiyay ee ahaa in aysan soo laaban Wasiiradii katirsanaa Xukuumadii Saacid halka ay diideen in mooshinka la laalo ilaa 99-Xildhibaan, waxaa sidoo kale ka aamusay ilaa 6-Xildhibaan, waxaana marka aad fiiriso Codka lagu kala baxay  oo tiro isku dhow ah inuu samayn ballaaran ku yeelan doono Xukuumadda.

Cabdiweli Sheekh Axmed ayay haystaa dhibaatada ugu badan ee dhinac walba ka imaanaysa marka la fiiriyo Cadaadiska uga imaanaya Baarlamanka, iyo damaca Madaxwaynaha ee ah inay Xukuumadda cusub kasoo dhex muuqdaan Wasiiradii hore ee ay isku dhawaayeen.

Sida aan la socono Madaxtooyada , xafiiska Ra’isul wasaaraha, iyo Baarlamankuba sannadki la soo dhaafay waxaa lagu xamanayay inay isku milmeen, waxa isku milankaas keenaya ma’ahan danta Qaranka oo la eegayey ee waa is faham dhexmaray mas’uuliyiinta sare oo isku tanaasuleeysay, dabcan qofna kama qarsooneyn cidda inta badan u muuqatay inay lahayd dulqaadka lagu wada socday, waxaase la filayay Ra’iisul Wasaaraha cusub isagoo ka duulaya arintaasi inuu la yimaado go’aan adag oo kusoo dhisayo Xukuumadiisa si ay u noqdaan kuwa isaga amarkiisa qaata balse aan hoostagin Xafiiskale.

Hadaba la arki doono go’aanka uu ka qaato Cabdiweli Sheekh dhismaha golihiisa Wasiirada waxaana dad badan oo Soomaliyeed sheegeen in lagu qiimayn doono Ra’iisul Wasaaraha cusub tilaabada koowaad ee uu qaado taasoo noqon doonto Dhismaha golaha Wasiirada.

Isha: k24