Afar-Iridoodka siyaasadda!!! (Q.1-aad)

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Xaajooyinka badankoodu waxay leeyihii 4 albaab oo waawayn sida jahooyinka, ama sida barta ay laba wado iska gooyaan oo kale. Markaa, waxaynu oran karnaa siyaasadda lafteedu waxay leedahay afar-iridood oo laga cabir qaadan karo marka go’aan siyaasaddeed la gaarayo, islamarkaana ay muuqato meesha cid walba loogu soo hagaagayo.

Macallin baa beri noo sheeggay in mushkilad walba lagu xalin karo ilaa 12 hab oo kala gaddisan. Wuxuu noogu sii daray, in sababta aan xalalkaas badankooda loo isticmaalini tahay iyadoo aan garashada aadamuhu gaarsiisnayn inay wada arkaan dhammaan xalalka oo dhan waayo buu yiri waxaynu isticmaallaa in ka yar 10% oo maskaxdeena ah. Haddaba, inkastoo aragtidaa 10% ahayd ee uu markii hore soo jeediyay Prof. William James, markii dambana uu sii buunbuuniyay Dale Carnegie la iskaga daba yimi oo dood badan laga keenay, haddana la iskuma khilaafsana in wax badan oo maskaxdeena ka mid ah aynaan ka faa’iidaysan.

Haddaad u fiirsato xisaabta waxaad arkaysaa in Jidka-saableey, Isirayn, iyo Dhamaystirka-Labajibaarane uu maxsuulkoodu isku wada mid yahay, in kastoo ay soo marraan wadooyin iyo habab aad u kala duwan. Sidoo kale ciidamada Mariines-ka ee Maraykanka waxaa lagu tabobarraa in haddii derbi ka hor yimaaddo 1- inay dhicanyada ka dhaafaan, haddayse taasi suurtoobi waydo, 2- inay kor ka marraan, hadday suurtoobi waydana 3- inay hoos ka marraan, haddayse intuba suurtoobi waayaanna 4- inay derbiga laftiisaba burbiriyaan.

Tani waxay ku tusaysaa in maskaxda ardayga xisaabta dhigganaya iyo Marines-ka labadaba loo carbinayo inay meello kala duwan xal helista ka raadiyaan, ee aanay isku soo koobin hal darriiqo oo kaliya.

Haddaba, bal aynu milicsanee, horta qof kasta oo shay/wax aad aaminsan tahay ka soo horjeeddaa ma cadawgaa baa? Mise waxaa jira siyaabo kale oo aad weli ku wada shaqayn kartaan qofkaad mas’alo isku khilaafsan tihiin? Waxaynu mar walba maqalaa maahmaahda oranaysa, “cadawgaaga cadawgiisu waa saaxiibkaa,” haddaba arintu ma sidaas uun baa? Mase dhici kartaa inaad hesho waddo kale oo intaaba ka sii duwan?

Bal kasoo qaad in: 1- qofka dhammaan waxaad aaminsan tahay kula wada qabbaa uu yahay walaalkaa (100%), 2- qofka waxaad aaminsan tahay badankooda aaminsanina yahay saaxiibkaa (66%), 3- qoka waxaad aaminsan tahay qaybo ka mid ah aad isku mid ka tihiinna yahay rafiiqaa (33%), 4-qofka waxaad aaminsan tahay gabbi-ahaantoodba ka soo horjeeddaana yahay cadawgaa (0%). Markan waxaad heshay afar albaab oo aad ku halbeegto qofka siyaasad ahaan waxaad isu tihiin iyo inta aad mabd’a ahaan isu jirtaan.

Kolkaa waxaa dhici karta inaad is tiraahdid cadawgaaga cadawgiisu sadexda albaab ee hore (walaalkaa, saaxiibkaa iyo rafiiqaaa) midkood uun baa laga yaabaa inaad ka hesho, waayo koleyba waxaa jirta sababta ay iyaga laftoodu isku qabteen. Waxase la arkaa in xaajadu sidaas ka sii duwan tahay oo waxay labadani ku colloobeen iyo waxaad adinku isku haysaan ayba kala jaad yihiin.

Dhinac kale hadaynu ka eegno, Al-qaacida waxay neceb tahay Maraykanka, Iiraanna waxay neceb tahay Al-qaacida, haddana iyagoo labadooduba Alqaacida wada neceb ayaanay saaxiib iyo rafiiq-toona ahayn. Hadda garo’oo sababta ay u wada neceb yihiin waa isku mid oo labadooduba dhibaato xagga amnigooda ah ayay uga cabsi qabaan Alqaacida.

Sababta aanay labadaasi dal isaga-kaashan Alqaacida (si waadix ah) waxaa lagu fasiri karaa in Iiraan iyo Maraykanka labaduba cabsida ay ka qabaan aanu gaarsiisnayn heer aad u sareeya oo ay uga welwel qabaan inay dawladnimadooda gebi-ahaanba burburiso. Waxay og yihiin in mid waliba collaada kaga timaada Alqaacida uu goonidiisa u maarayn karo. Haddiise heer-kulka xumadoodu gaari lahayd 100 digrii danta ayaa isku khasbi lahayd, wayna u midoobi lahaayeen.

Halkaasna waxaa inooga cadaatay in cadawgaaga-cadawgiisu mararka qaarkood aanu xataa rafiiqnimo ku haboonayn, waayo farqiga kale ee idiin dhexeeya adiga iyo ‘cadawgaaga-cadawgiisa’ ayaa laga yaabaa inuu kasii baaxad weyn yahay cadaw-yaraha aad wadaagtaan.

Haddaba, haddii ‘cadawgaaga cadawgiisu’ mar walba ahayn albaabkaaga 2aad ama 3aad (saaxiibka ama rafiiqaa) oo lagaba yaabo inuu yahay albaabkaaga 4aad (cadawga rasmiga ah). Waxaad u baahan tahay inaad indhahaaga furto oo aad si qoto dheer u deristo marka hore waxa himilladaada ugu foggi tahay. Markaad baahidaada dhabta ah ogaato kadibna aad doon-doonato cida aad isku-jaal noqon kartaan. Sidaas darteed, waxa mar walba loo baahan yahay, inaad ugu horayn kobciso himiladaada fog ee aanad xoogga saarin ku mashquulista caqabad maalmeedka yaryar ee markaas uun ku hor taaggan.

Haddaad u fiirsato, si sahlan ayaad u arkaysaa qofka doonnaya inuu hadaf-shaqsiyeedkiisa-soke uun xoogga saaro, isagoon wax ahmiyad ah siinayn danta guud ee ummadda. Tusaale ahaan, nin ka mid ahaa dagaal oogayaashii Soomaaliya ayay idaacadi waydiisay, “inay muhiim tahay in dadka shacabka ah la laayo?” wuxuuna ku jawaabay “shacabka waa la laynayaa hadday muhiim noqoto.” Bal u fiirso, ninkaasi wuxuu leeyahay haddii dantayda-dhaw shacabku is hor taagaan, waan xasuuqayaa si aan maqaam-maalmeedkayga u gaaro.

Ninkan fikirkiisa waxaa laga yaabaa inaad ku qososho markaad maqasho, haseyeeshee, waa qof si daacad ah u sheegay dareenkiisa gurracan, wixii ubucdiisa ku jirayna banaanka u soo dhiggay si qaawan oo aan aftahanimo badan lahayn. Markaadse hadalkiisa sii dhuuxdo waxaa kuu baxaya in badanaaba dagaal oogeyaashu sidaas la qabeen, laakiin idaacadaha qaabkan oo kale uun uga baahin jirrin.

Waxay naaxinayeen rabitaankooda dhaw, waxayna gawracayeen masiirka fog ee ummadda. Waxaase ayaan darro weyn ahayd in dad badan oo qaab qabiil wax loogu sheegay kula safnaayeen arragtidaas liiddata islamarkaana ay sacabka ugu tumayeen.

Tani waxay ka dhigan tahay, digaagadii maalin walba ukunta dahabka ah dhali jirtay, ee ninkii lahaa isagoo lacagteedii ka dhargey lagula taliyay inuu qallo oo dahabka meeshuu ka soo burqanayo ugu taggo. Si uu hal mar kuus weyn oo dahab ah uga helo. Markuu digaagadii qalayna waxba kamuu helin caloosheedii aan ka ahayn dhiig iyo xinjiro fadhfadhiya. Halkaasuuna ninkaasi ku dahab iyo digaagadba seeggay.

Haddaba, waxaa habboon in aad gees walba ka eegtid dhammaan 4ta albaab ee siyaasadda, adigoo waliba tixgelinaya himiladaada fog, ta walaalkaa, ta saaxiibkaa, iyo ta rafiiqaaga siyaasadeed intaba. Ogowna, cidkasta oo xoogga saarta rabitaankeeda dhaw iyadoo dayacaysa himillada guud in aanay wax liibaan ah ka gaarin wakhtiga durugsan ee raandhiiska leh. Ummaddana halaag, fawdo, iyo qaran-jab ayuun bay taasi gayaysiisaa.

La Soco Qaybaha Dambe ee Afar-Irdoodka Siyaasadda.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

W/Q: Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-Assad)
Barmaamijkii Murtisoor. Facebook.com/murtisoor
Facebook: Axmed.Assad, Twitter: Axmed.Assad
Email: ahmedy98@yahoo.com