DF oo u muuqato in wadahadallada ay la leedahay S/Land lagu qiyaami doono

Dowladda Federaalka oo ah midda matasha dalka iyo dadka Soomaaliyeed ayaa waxa ay wadahadalo kula leedahay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga Maamulka Somaliland ee ka arimiya Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya,Waxa ayna wadahadaladani u muuqdaan kuwa sii galayo marxalado adag oo u baahan in insha lagu hayo.

Waa wax fiican in ay Dowladda Federaalka la hadasho Maamulka Somaliland oo ka wakiil ah dadka ku dhaqan deegaanadaasi oo wax badan oo dulmi ah ka tirsanayey dowladdihii ugu danbeeyey ee dalka soo mara laakiin waa in ay wadahadaludu waxba u dhimin Midnimada iyo wadajirka Umadda Soomaaliyeed.

Shalay waxa ay wareeysatay Idaacadda VOA-da Laanteeda Af-soomaaliya Labada Nin ee kala hogaaminaya Labada Wafti oo kala ah Ex Wasiirkii Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Guuleed iyo Wasiirka Arimaha Dibadda ee Maamulka Somaliland Maxamed Yuunis Biixi,Labadan nin ayaa aad u kala duwanaa nin waxa uu ahaa Nin warkiisu cad yahay halka ninka kale uu ahaa nin warkiisu fifty fifty yahay.

Madaxa Waftiga Dowladda Federaalka ayaa u ekaa nin aysan la weyneyn Midnimada Wadanka,Mar la weydiiyey waxa ay ka filayaan Shirkan ayaa yiri kama hordhacayno taasoo ku tusayso in aysan meesha u imaan hadaf cad oo ay u socdeen.Mar kale ayaa la weydiiyey Midnimada Soomaaliya sidoo kale hoosta kama uusan xariiqin waana sababta igu kaliftay inaan maqaalkan qoro talona ka dhiibto wadahadalala ka socda Istanbul.
wada-hadlada
Wasiirka Arimaha Dibadda ee Somaliland oo hogaaminayo Waftigooda Isagu warkiisu waa uu cadaa waxa uuna sheegay in ay meesha u yimaadeen sidii looga wadahadli lahaa in la kala go’o,Mar la weydiiyey gooni isu taagga Somaliland waxa uu hoosta ka xariiqay inaan taasi dib looga noqoneynin halka C/kariin Guuleed uusan cadeynin in Midnimada Soomaali ay tahay muqadas lama taabtaan ah.

Dowladda Federaalka oo ka wakiil ah dalkan ayaa u muuqata mid daciif ah oo aan awood badan lahayn,Sidoo kalena ay hogaaminayaan dad aan khibrad badan lahayn, Waxaana tusaale u ah sidii ay u maamushay wadahadaladii ay la lahayd Maamulkii Jubaland ee halka Beel ka koobnaa,kaasoo aan dhihi karo Dowladda Federaalka waa lagu gaaday Heshiiskaas ka dib markii ay aqbashay dhamaan qodobaddii ay wateen Kooxda Axmed Madoobe marka laga reebo Magacii Jubaland oo laga dhigay Jubba.

Waxaa tusaale kale ah Heshiiskii Badda ee lala galay Dowladda Kenya ee oranayey Baddeenu waad nagu qabsan kartaan. waxaasi oo dhan waxa ay ku tusayaan in dadkani macna beeleen oo aysan jirin wax ay ka naxayaan,Nin walbana uu la weyn yahay korsiga uu ku fadhiyo iyo Magaca uu wato ee Madaxweyne ama Wasiir.

Wadahadalada ka socda Istanbul waxa ay wax badan u eg yihiin Wadahadaladii u dhaxayeey dhinacyadii ku midaysnaa Wadankii la oran jiray Sudan oo markii danbe la kala jaray ka dib markii la qiyaameeyey Dowladdii Sudan oo aan wax badan ka baaraandegin,waxaana laga yaabaa in Soomaaliyana sidaasi oo kale loo qiyaameeyo Iyadoo lala kaashanayo dhinacyo cadow ku ah Umadda Soomaaliyeed.

Siyaasiyiinta Somaliland iyo taageerayaashooda waa ay ka ko’an tahay gooni isutaagga ay ku dhawaaqeen, Waana Iyagii lahaa Wiilka Adis ku dhashay ayaa nooga sokeeyo Wiilka Muqdisho,taasoo ku tusayso in aysan nimankani kala jeclayn inay Soomaaliya sii jirto in ay baaba’do,Waana niman aqoon leh kuna xiran dowladdo aan axsaan u hayn Soomaaliya,waana Iyagii lahaa Shan Cashaanu Adis fadhinay.mindhaa waa lala soo dardaarmayey.

Maadaama ay Dowladda Federaalku tahay mid daciif ah sidoo kalena ay hogaanka u hayaan Shaqsiyaad haysta Jinsiyado dalal kale Baarlamaankiina uu iska noqday Call Box oo ciddii lacag ku shubataaba ay ku hadlayso, dalkuna uusan lahayn Axsaab Siyaasadeed oo la xisaabtanta Dowladda. waxa an qabaa inaan nimankan dalkaan lagu halayn Karin kaligood hadaba maxaa xal ah.

Si loo badbaadiyo Midnimada iyo Wadajirka Wadanka Waxa aan soo jeedinayaa Talooyinkan

1-In aysan Dowladda Federaalka iyo Waftigeeda marna ogolaanin wax la yiraahdo afti laga qaado dadka ku dhaqan deegaanadaasi.

2-In aysan Dowladdu ogolaanin in dhinac Sedexaad dhex dhexaadiyo Labada dhinac wuxuu doonaba ha ahaado si aysan noogu dhicin wixii ku dhacay Sudan.

3-In Waftiga la xaajoonayo Maamulka Somaliland uu noqdo mid ka kooban dhamaan Qabaa’ilada Soomaaliyeed gaar ahaan nidaamka 4.5

4-In dadka la xaajoonayo Maamulka Somaliland ay noqdaan dad daacad ah, aqoon leh kuna weyn tahay Midnimada Soomaaliya.

5-In Dowladdu la tashato Waxgaradka Soomaaliyeed iyo Maamulada ka jira Wadanka gaar ahaan kuwa Xaduudda la leh Maamulka Somaliland sida Puntland oo kale.

6-In Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladdiisuba booqdaan Hargeysa haday suurtogal noqoto lana fadhiistaan Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta deegaanadaasi si looga wadahadlo wixii dhacay.

7-In la dhaafo deg degga iyo fudeydka waqtina la siiyo wadahadalada socda ilaa ay Dowladda ka xoogeysaneyso.

8-In C/kariin Guuleed laga badalo hogaaminta Waftiga Dowladda laguna badali shaqsi kale oo ku haboon howshan.

W/Q:Cabdullahi Ibrahim
Abdull2006@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online