Istanbul: Maxaa looga hadlay maanta shirka DFS iyo Maamulka Somaliland?

Istanbul (Caasimada Online) Wadahallada Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa maanta looga hadlay labo qoddobo oo muhiim ah.

Qoddobada looga hadlay ayaa kala ah:

1-In marka horre la qiimeeyo wax yaabaha ka hirgalay shirarkii horrey ay u yeesheen labadan dhinac iyo wax yaabaha aan ka hirgalin.

2- In la sameeyo Khariirad ama Roud-Map oo labada dhinac ay ku shaqeen doonaan, kaasoo u soo gogol xaaraya in wadahallada ay noqdaan kuwa mirro dhala oo sii socda.

Labaadan qoddob ayaa la sheegay in looga hadli doono labda cisho ee ka dhimman shirka Istanbul oo billowday maalintii shaley.

Sidoo kale, labada dhinac waxa ay iska kala magacaabeen labo guddi kuwaasoo inta badan qaban doona ajandayaasha shirka inta uu socdo.

Si kastaba, marka loo eego mowqifka labada dhinac waa mid kala fog, waxaana sheegis mudan maba ka hadlin qoddobkii muhiimka ahaa ee in Somaliland ay la middoowdo Soomaaliya iyo in ka madax banaanaato.

Xitaa ma ahan qoddobkan mid mardhow soo dhammaan doona oo xal laga gaari karo, balse labada dhinac waxa ay ka mideesan yihiin in ay sii socdaan wadahadallada u dhexeeya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Istanbul

Caasimada@live.com