DR. MARYAM QAASIM oo ka hadashay wasiirada cusub ee R/W Cabdi Weli

Muqdisho (Caasimada Online) Mid ka mid ah wasiiradii horre ee xukuumadii Saacid ayaa ka hadlay magacaabista xubnaha cuusb ee wasiiradda Soomaaliya.

Dr Maryam Qaasim Axmed oo horrey u ahayd wasiirka adeegga Bulshada Xukuumaddii horre ayaa ka hadashay sidda ay u aragto wasiirada cusub ee uu soo magacaabay ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Saqdii dhexe ee xaley.

Waxa ay sheegtay in ay soo dhaweyneyso golaha wasiirrada ee uu soo dhisay Ra’isulwasaaraha kuwaasoo kooban 25Wasiir, Shan Wasiirudowle iyo 25 Wasiir Ku xigeen.

War gaaban oo ay soo dhigtay barta ay ku lee dahay Facebook, ayey ku tiri “Waxaan aad u soo dhaweeynaaya wasiirada, wasiiro ku-xigeenada iyo wasiiru- dawlayaasha. Waxaan Rabbi uga baryaaya in uu u fududeeyo hawsha baaxadda leh ee hortaalo. Aamiin.”

Dr. Maryama aya siddoo kale tiri “Carruurta iyo hooyooyinka soomaaliyeed meel weeyn ayeey ag-teeda ka joogaan, mar walbana inta karaan keeyga ah waan u khidmeeyn doonaa, haddii Rabbi idmo.”

Maryan Qaasi ayaa ka mid ahayd wasiiradii howllaha muhiimka ka qabtay xukuumadii Saacid, waxaana dad badan ay isweediyeen sababta keentay in aanay lagu soo dirin xubnaha cuusb.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com