Baarlamanka oo helay qorshaha Cabdi Weli & xiliga cod u qaadista wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulanka maanta ee Mudanayaasha Baarlamaanka oo ay soo xaadireen 208 Xildhibaan ayaa waxa Xildhibaanada looga Qeybiyay Barnaamijka Xukuumada Cusub ee uu dhawaan soo dhisay Ra’isal Wasaaraha Dalka Cabdi-Weli Sheekh Axmed Maxamed. 

Furitaanka Kulanka ka dib ayaa waxa la dhaariyay Xildhibaan Cusub oo lagu magacaabo Dr.Maxamed Aadan oo lagu bedelay boskii uu baneeyay Alle ha u Naxariisteee Xildhibaan Xasan Muxumad Cali Sokorliin oo bil ka hor ku Geeriyooday Gudaha Magaalada Muqdisho.

Guddoomiha Barlamaanka Prof: Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Xildhibaannada u jeediyey in marka hore loo qeybiyo barnaamijka Xukuumadda cusub ayna ku soo aqriyaan muddo 24-saacadood ah, kaddibn maalinta xigta ee berito ah ay uga doodaan, iyadoo coddeynta Kalsooni siinta Xukuumadduna ay noqon doonto maalinta Arbacada.

Maalinta Berito ah aya lagu wada in Baarlamaanka Soomaaliya uu hor yimaado Ra’isal Wasaaraha Dalka Cabdi-Weli Sheekh Axmed Maxamed si uu Baarlamaanka ugu hor jeediyo qudbadiisa ku aadan Barnaamijka Xukuumada Cusub.

Barlamaanka Soomaaliya ayaa maalinta Arbacada si rasmi ah u soo gabagabeynaya kalfadhiga 3-aad haddii ay kalsooni siiyaan Xukuumadda Cusub ee uu dhawaan soo dhisay Ra’iisal wasaaraha dalka C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com