Faallo: Ragga dowladda sida iyo ragga dulfuuashan! (Wax badan ka ogow)

Nin sheekh ah oo dacwada wax ka qora ayaa yiri: dacwadu waa loox nin sido nina fuushanyahay oo uu ula jeedo waa nin diinta u adeegaya iyo nin ku adeeganaya.

Waxay ku kala duwanyihiin labadaas nin: ninka u adeegaya diinta wuu ku farxayaa cid kasta oo diinta kala shaqaynaysa, wuuna soo dhaweynayaa, fursadna wuu siinayaa; waayo waa nin culayskii uu siday la qaadaya. Halka ninka diinta ku adeeganaya uu ka naxayo oo eryayo ciddii diinta ka shaqaynaysa; waayo wuxuu u fahmayaa nin sidiisa diinta ku adeeganaya oo rakadii uu kaligi fuushana ku ciriiryaya.

Taa waxaa la mid ah dowladda oo ragga maamulaya waa rag dowladda dhisaya oo kor u haya oo ay iyaga ku taagantahay, waana ragga dowladda kusoo kordhinaya caqli, cilmi, waayo-aragnimo, xoog, xoolo, waji (sumcad) iyo waxqabad la taaban karo, sharaf iyo sumcadna usoo jiidaya.

Laakiin ragga dowladda dulsaaran (ku adeeganaya) waxba kusoo kordhin mayaan ee iyagaa wax ka kororsanaya oo ka raba inay ka helaan magac iyo maal, dhinac kalena dowladda waxay dusha ka saarayaan ceebohodii hore, taas oo sumcad xumo usoo jidaysa.

Tusaalahaan dacwada iyo dowladda kaliya kuma koobna ee meelo badan buu gali karaa, sidaa qabiilka oo ragga ku abtirsada qaarna waa rag qabiilka aan dhibin, waxna u tara, isla markaasna dusha u rita xallinta dhibaatada ay gaystaan ragga qabiilka kula abtirsada oo iyagu aan waxna qabiilka u tarin, dhibna usoo jiida.

Gabagabadii dadka madaxda ah ee dooranaya dadka afkooda ama qoyskooda ama kooxdooda wax u doonaya waa dad dusha u ridanaya ceebta iyo dambiga dadkaasi gaystaan, isla markaasna iska lumiyey dadkii wanaagga ugu kaalmayn lahaa, dowladdoodana waxqabadka iyo sumcadda u keeni lahaa ee ninkii caqli leh yaanu aakhiradiisa iyo sharaftiisa useegin nin kale darti.

W/Q: Sh. Axmed Cabdisamad
alwaqaar@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online