Warbixin: Gobolka Gedo iyo Dowladda Federaalka, Yaa gartooda naqi kara?

Gobolka Gedo dadweynaha ku nool waxaa lagu tilmaamaa inay yihiin waddaniyiin, aan jeclayn gobolaysiga iyo kala qaybsanaanta Soomaliya . Waxay kale oo caan ku noqdeen soo dhawayntadowlad kasta oo Soomaaliya loo dhiso.

Kolkii la caleemo saaro madaxwayne, guddoomiye baarlaman ama ra´isalwasaare waxay ku soo dhaweeyaan caleemo qoyan iyo xaflado.

Wuxuu nasiib u yeeshay dhibaato joogta ah sida dagaallo, abaaro, maamul xumo iyo kala qaybsanaan dadka degaannadaas ku nool. Wuxuu kale oo nasiib u yeeshay isagoo noqday halka ciidammada arxanka daran ee Kenya iyo Ethiopia dalka ka soo galaan .

Faragalinta waddamada dariska ah iyo isu-tanaasulka dadka degaannadaas ku dhaqan awgeed, wuxuu Gobolku noqday mid aad ugu liita xagga ammaanka, caafimaadka, maamulka, dhaqaalaha, waxbarashada iyo wax kasta oo horumar keeni kara .

Dowladda fedaralka(DF) ah waxa kaliya ee laga arkaa waxaa weeye in ay ciidamada Ethiopianka u oggolaato falalka naxariis darrada ah ee ay Gobolka ka geystaan .Runtii waa ciidan aan cidna ka amar qaadan, sidii ay rabaanna ugu adeegta maleeshiyooyinka ay degaannadaas ka qortaan.

Waxaa la wada ogyahay inaysan Gobolka Gedo ka jirin hal Iskuul oo ay DF taageerto ama Isbitaal qur ah oo degaannadaas ka shaqeeya . Barnaamijka Go to School ee madaxwayne Xasan Shekh ku faano iyo talaalkii shanta cudur midkoodna Gobolkaas ma gaarin,inkastoo ay jiraan gobollo badan oo la mid.

Dadka Gobolka Gedo imisa ayay sii wadi doonaan tageerada hagar la´aanta ah ee ay taageeraan DF? Goormayse DF garan doontaa qaybinta ama baahinta deeqda iyo dakhliga dalka soo gala ee lagu koobay gobollada qaarkood ?

Qore Eng. Hamze Ali
Denmark
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online