Yaa ku haboon hogaanka maamulka Gobolka Banaadir? (Aqri astaamaha)

Shaki kuma jiro Gobolka ay hoos timaado caasimadda Soomaaliya ee Banaadir u baahan yahay maamul waxtar leh iyo hogaan suuban oo marxaladan kala guurka ah la jaanqaadi kara, waxna ka bedeli kara xaalada ammaan, dhaqaale, horumar iyo bulsho ee Muqdisho ku sugan tahay xilligan, tiiyoo maanka lagu hayo in rajo badan iyo yididiilo weyni jirto isla markaana wax badani ay qabsoomeen muddooyinkii ugu danbeeyay.

Qormadan kooban waxan ugu talogalay inaan kula taliyo madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ku howlan sidii uu mas’uul cusub ugu magacaabi lahaa xilka guddoonka Gobolka Banaadir oo uu dhowaan baneyn doono Maxamed Axmed Nuur (Tarsan).

Waxaan wada ognahay inaad mudane madaxweyne xilligan ku mashquulsan tahay kala shaandheynta iyo kala xulista magacyo dhowr ah oo aad ka raadineyso kii aad u dhiibi lahayd xilkan muhiimka ah oo marna noqon kara haddii qofka ku haboon Alle kugu toosiyo meel Soomaaliya iyo dowladda oo dhan nolol cusub gelin doona, haddii la waayana dowladda iyo Soomaaliya u dhutin doonaan, dib u dhacna u keeni doona qorshihii aad tiigsaneysay ee ahaa: Somaaliya oo nabad ah, ammaan ah isla markaana horumarsan.

Haddii aan dulucda maqaalka u daadego madaxweynow, waxaan marka hore ku xusuusinayaa inuusan Gobolku ku fiicneyn kala qaadis jagooyinka midka ah ee Guddoomiyaha Gobolka iyo Duqa magaalada, haddii ay taasi u dhacdo in beelo lagu qanciyo, waxay keeni doontaa in maamulka dhami hore u socon waayo oo lagu mashquulo qaabka shaqo qeybsiga.

MADAXWEYNOW GOBOLKA BANAADIR HA U MAGACAABIN:

Nin aan dowladnimo soo arag iyo maamul shaqeynaya ee da’diisu ka yar tahay ama u dhowdahay 40 sano.

Nin aan soo marin maamul ee aqoon qalalan maamul barad ah, dad la dhaqankiisuna liito.

Nin aan dalka ku nooleyn ee dalal nabada ka yimid, ayna adag tahay si loo fahamsiiyo baahida gobolka taalla iyo xaaladda dalka ku nool ku sugan yihiin.

Nin jeneraalnino ku qaatay sanad gudihiis, dowladnimaduna isaga qasan tahay.

Ganacsade ku ilbaxay is xambaar, ee kaliya fahmi kara is faa’iido looga raadiyo dad dhibaateysan.

Nin aan ka mid ahayn xisbi diineedyada fartu ku godan tahay ee kugu hareereysan.

Nin xil hore qaranku ugu dhiibtay ku fashilmay ee qeyli ka daba yeereyso ama feylkiisu madow yahay.

Nin beeshiisu kala weyn tahay qaranimada Soomaaliya iyo heybada caasimada iyo muraayadii dalka

MADAXWEYNOW GOBOLKA BANAADIR U MAGACAW:

Nin alle yaqaan oo reer Muqdisho ah, meelna uga cararin xiligii dhibaatada ee sida adiga oo kale dadka la joogay lana qeybsaday xanuunka.

Nin da’diidu ka weyn tahay 40 sano, degan, akhlaaq leh, aqoon iyo waaya-aragnimana u leh maamulka.

Nin ka nadiif ah musuqmaasuq oon eex lagu aqoon, dadkana wax u qabtay.

Nin wax ka fahmi kara nidaamyada caasimadaha, xiriirna la yeelan kara caasimadaha caalamka iyo kuwa gobolka.

Nin u dhow dadka caadiga ah iyo bulshada rayidka Gobolka Banaadir.

Nin tashi badan oo talada wax ka siinaya inta ka hooseysa iyo inta ka sareysa.

Nin Muqdisha-da noloshu ku soo noqotay hore u wadi kara oo heerka la tiigsanayo gaarsiin kara.

Nin aaminsan dowladnimo iyo qaranimo oo ka qeyb qaadan kara dibu dhiska dalka

Intaas hadii aan ku iri waxaan filayaa inaan madaxweynow kula taliyay, marka aad ku noqoto magacyada miiskaada saaran iyo shaqsiyaadka la kala wato, waxaad ogaan doontaa inaad heshay cabir kuu sahli doona inaad la soo baxdo qofkii xilkan culus aad u xil saari lahayd. Haddii aad maanta ilduufto madaxweynow waxay noogu kici doontaa qiime sare iyo ugu yaraan sanado kale oo naga qasaara.

Waxa diyaariyay: Shariif Moalim
HYPERLINK “mailto: Shariif55@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online