XOG: Dagaalka ka socda Sh/Hoose oo qorshe siyaasadeed iyo sir kale wata

Afgooye (Caasimada Online) Caasimada Online ayaa ogaatay in dagaalkii ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobalka Shabeellaha Hoose in ay ka dambeeyaan siyaasiyiin ka soo jeeda Gobalada Baay iyo Bakool.

Ilo Wareedyo lagu kal soon yahay ayaa Caasimada Online, u xaqiijiyay in dagaalkaas lagu damacsanaa in lagu hor istaago ciidamo dowladda Soomaaliya ay ka dirtay magaalada Muqidsho oo ku sii jeeday magaalada Baydhabo si loo carqaladeeyo shirka maamul u sameynta lixda gobal ee Koonfur Galbeed.

Dagaalka ka dhacay Wanlwaweyn ayaa la sheegay in uu ku dhashay markii ciidamo ku sii jeeday Baydhabo waddada loo galay halkaasoo lagu rabay in lagu baabiyo, waxaana qorshahaas soo abaabulay Sheekh Aadan Madoobe iyo Maxamed Ibraahim Xaabsade oo labaduba ah Xildhibaanno wax kawada shirka maamul u sameyta lixda gobal.

Ciidamada ku sii jeeda Baydhabo waxaa Muqdisho ka dilay Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana la rabay in ay ilaaliyaan ergooyinka ka qaybgalay shir kale oo isna ka furmay Baydhabo kaasoo looga arrinsanaayo maamul u sameynta seddax gobal.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa doonaya in uu madaxweyne ka noqdo maamul cusub oo loo sameenaayo seddax gobal oo kala Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose,waxaana arrintaas taageero ku siinaya dowladda Soomaaliya, laakin waxaa jirra siyaasiyiin kale oo iyana u ololeenaya maamul u sameynta lix gobal oo kala ah Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Jubbooyinka iyo Gedo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com