Dhallinyaro qurbaha ka timid oo ka cabanaya mashaariic laga bur-buriyey

Muqdisho (Caasimada Online) Dhallinyaro Soomaali ah oo ka timid waddamada qurbaha oo dalka ku soo laabtay ayaa sheegay in la burburiyay mashaariic ay ka hirgaliyeen magaalada Muqdisho.

Dhallinyaradan ayaa sheegay in magaalada ay ka fureen Warshad sameysa Bulukeetiga ama Sibirka taasoo saacadii soo saartay kun xabo.

Cabdicasiis Maxamed Xasan, oo ah madaxa shirkadan ayaa Warbaahinta u sheegay in laga burburiyay warshaqad ku kaceysa qiimaheeda 350 kun oo dollar.

Wuxuu sheegay in dalka ay u yimaadeen siddii ay mashaariic horrumarneed uga hirgalin lahaayeen magaalada, balse warshadooda laga burburiyay.

Mar la weydiiyay maamulaha cidda burburisay warshadooda wuxuu sheegay in ay burburiyeen maamulka Gobalka Banaadir.

“Arrintaas waa ayaan daro annagoo dalka u nimid in aan mashaariic ka fulino oo shaqaale siinay dhallinyaro badan, oo baagamuudo ahaa, waxaa dhacday in aan khasaaro kala kulanay” ayuu yiri Maamulaha shirkaddan.

Ugu dambeyn wuxuu madaxweynaha, iyo wasiiradda arrimaha gudaha iyo caddaallada ugu baaqay in ay wax ka qabtaan cabashadooda, maadama ay iyaga dhaheen dalka ku soo laabtaan oo maalgashi ka sameesta.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com