Ganacsade Somali ah oo lagu dilay K/A

Pretoria (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika, ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay ganacsade Soomaaliyeed labo kalena waa lagu dhaawacay, kaddib markii kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen .

Ibraahim Xaaji Xuseen, oo ehel la’ah ganacsadaha lagu dilay Koonfur Afrika ayaa VOA-da u sheegay in marxuumka la dilay markii la weerarray isagoo watay gaari uu alaabaha ugu geeyo dukaamada Soomaalida ay ku lee yihiin xaafadaha loo yaqaano (Locations-ka).

Wuxuu sheegay kooxda dishay muwaadinka Soomaaliyeed in ay baxsadeen oo aaney jirin cid soo qabatay “Waa dhib joogta ah oo lagu hayo Soomaalida halkan ku nool” ayuu yiri.

Waa dilkii ugu dambeyay ee loo geesto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika,kuwaasoo bartilmaameed u noqday kooxo burcad ah oo dhac iyo dilba ku haya ganacsatada Soomaalida.

Ma jirto cid ilaa hadda u istaagtay joojinta ugaarsiga lagu hayo Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika, laakin dad badan waxa ay lee yihiin inta badan Soomaalida waxaa lagu dilaa goobo Tuulo ah oo ay geeyaan ganacsigooda, markaas ayaa loo arkaa dhib soo kordhay.

Marxuumka shaley la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Cabduqaadir ayaa lagu wadaa maanta oo Khamiis ah in lagu aaso goobta lagu dilay. Waxaa kaloo lala dhaawacay labo wiil oo dhallinyaro ah kuwaasoo iyana hadda ku jirra Isbitaal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com