Dad Muqdisho ugu dhintay kadib….!

Muqdisho (Caasimada Online) Inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhintay in ka badan shan kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii galabta ay ku soo duntay kaawo ku taalla degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Kaawada oo ku taallay meel ku dhow Kawaan Bari, waxaa la sheegay in qof ku dhintay iyo dadka ku dhaawacmay ay ahaayeen kuwa caro ka qodoyay goobta.

Waxaa goobta gaaray dad aad u fara badan kuwaasoo doonayay in ay soo bad baadiyaan dadka xoog satada ee ku xayirnaa goobta kaawada laga qodaayay.

Wariye ka tirsan Caasimada Online oo gaaray goobta ayaa soo sheegaya in u arkay dad si xun u dhaawacmay oo goobta laga soo saaray kuwaasoo ku xayirnaa Kaawada soo duntay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Kaawo soo duntay ay geesato Khasaaro fara badan, waxaana inta badan marka ay dhacaan shilalka noocan oo kale dhib noqda sidda loo soo badbaadiyo dadkaas.

Khasaaro badan ayaa ka dhasha marka ay soo dumaan kaawooyinka ku yaalla magaalada Muqdisho kuwaasoo dad badan ay ku dhintaan oo ah dadka muruq maalka ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com