Taliska ciidamada Hiiraan oo xaqiiyay xarigga sarkaal Muqdisho ku xiran

Beledweyne (Caasimada Online) Taliska ciidamada booliska ee gobalka Hiiraan ayaa ka warbixiyay xarigga taliyaha ciidamada millatariga ee Gobalka Hiiraan Col Tawane Axmed Gurrey, kaasoo in ka badan 20-cisho ku xiran magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidamada booliska gobalka Hiiraan, Korneel Maxamed Amiin, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay aad uga xun yahay xarigga taliyaha, isagoona intaas ku daray in ay ka warheeleen uun dhowr cisho ka hor markii loo sheegay in Col Tawane uu xiran yahay.

“Talyaha Muqdisho ayaa looga yeeray isagoo la lee yahay xil ayaa laguu magacaabaa kaddibna xabsiga ayaa loo taxaabay, mana cadda wax yaabaha loo heesto” ayuu yiri Korneel Maxamed Amiin.

Si kastaba, Shabakadda Caasimada Online ayaa ogaatay in taliye Tawane uu ku xiran yahay xabsi ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana loo heestaa dilka sarkaal ciidamada horrey uga tirsanaan jiray kaasoo lagu magacaabo Col Xaashi Xuseen, oo ku dhintay is-rasaaseen dhex martay ciidamado uu watay kuwa isaga uu lahaa Korneelka geeriyooday.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama hadlin xarigga taliyaha ciidamada millitariga ee gobalka Hiiraan, balse arrintaas waxaa aad looga hadal hayaa gobalka Hiiraan oo dhan.

Waa sarkaalkii ugu darajo sareeyay ee loo xiro dilka Korneel Xaashi Xuseen oo lagu dilay xaafad ku taalla magaalada Beledweyne.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com