DEG DEG: Madaafiic khasaaro geestay oo caawa lagu garaacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in caawa madaafiic laga maqlayo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Meelaha madaafiicda ay ku dhaceen ayaa ka mid ah jidka aadka mashquulka u ah ee Makah Al-Mukaram.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay in ka badan dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen madaafiicda caawa lagu garaacay magaalada Muqdisho.

Ma cadda kooxda madaafiicda magaalada ku soo weerartay mana jirto wax war ah oo ka soo baxay ciidamada ammaanka oo ku aadan madaafiicda caawa laga maqlay madaafiicda.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in arkayeen baabuur nooca Mini Bas-ka oo madaafiic laga tuurayo, mana jirto cid loo qabqabtay madaafiicda caawa lagu garacaay magaalada Muqdisho.

Faah-Faahin goordhow kala soco Caasimada Online