Xiisad dagaal oo ka taagan Shabelaha Dhexe iyo barakac billowday

Balcad (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaray deeganka Yaaq oo dhowr km u jirra degmada Balcad ee gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaas ay kaa taagan tahay xiisad coolaadeed markii ciidamo ka tirsan kuwa maamulka gobalka iyo dadka shacabka ay dagaallameen.

Inta la ogyahay labo qof ayaa ku dhintay in ka badan shan kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaalka oo billowday habeenkii xaley.

Dagaalka ayaa salka ku haya dhul beereed la isku heesto waxaana dadka deeganka ay diiddan yihiin in la dhaco beerahooda.

Deeganka lagu dagaallamayo waxaa ka billowday qax iyadoo dadka rayidka ay ka carareen goobaha lagu dagaallamayo, waxaa kaloo wararka ay sheegayaan in carruur badan la la’yahay oo waxa loo badinayaa in ay ku dhaceen wabiga.

Waxaa istaagay isku socodka dadka iyo gaadidka.

Waxaa xiran goobaha ganacsiga iyo suuqyada deeganka.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka Balcad iyo kan gobalka Shabeellaha Hoose oo la sheegay in dagaalka uu ku lug lee yahay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com